EU announces €5.17 million support to education in Somalia

Mogadishu; (CeelWaaq News)- The 4-year technical assistance project targets to strengthen education authorities’ capacity to manage and regulate the sector, while facilitating collaboration with other sector stakeholders. For example, it will aim at harmonising education policies, implementing the new curriculum framework, strengthening quality assurance and standards systems, as well as improving national examinations and assessments across the country.

Today, the European Union Delegation to the Federal Republic of Somalia launched a €5.17 million project to support the Federal and Federal Member States Ministries of Education to deliver equitable and inclusive quality education for the population.

The 4-year technical assistance project targets to strengthen education authorities’ capacity to manage and regulate the sector, while facilitating collaboration with other sector stakeholders. For example, it will aim at harmonising education policies, implementing the new curriculum framework, strengthening quality assurance and standards systems, as well as improving national examinations and assessments across the country.

“This support shows the EU’s continuous commitment to Somalia’s recovery and its people. It signals a shift towards sustainability and leadership. We appreciate the cooperation between education authorities and their commitment to gradually manage the education services in a concerted way,” said H.E. Nicolas Berlanga Martinez, EU Ambassador to Somalia.

The Federal Minister of Education, H.E. Abdullahi Godah Bare, said: “Our country has great potential and great people. We are excited about this project as it will help us further develop this potential, improve the country’s educational opportunities and bring actors in this field together to shape Somalia’s future.”

The Directors General of the Ministries of Education for South-West State, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland as well as Director of Education of the Benadir Regional Administration attended the launch of the project that will be implemented by Adam Smith Europe.

Background

In Somalia, the EU supports education reforms through its bilateral cooperation portfolio where education and training has been identified as a priority sector. With a portfolio of € 60 million, the European Union is substantially involved in the positive education trends that have emerged in Somalia over the recent years.

The importance of education to Somalia’s path to recovery and economic growth is indeed immense. With a population of almost 50% under the age of 15 years, Somalia has one of the youngest populations in the world. Decades of conflict have fragmented its education system, leaving behind gaps and many areas for improvement.

Finding ways to support governmental institutions to better manage finances and streamline the education system could allow generations to come to contribute to Somalia’s future in a meaningful way.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka oo Badda Carbeed ku qabtay doon ku rarnaa hub

Mogadishu;(CeelWaaq News)-Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda badda ay la wareegeen doon ku rarnaa hub Iran laga leeyahay ee Badda Carbeed,

Taliska dhexe ma uusan cadeynin aqoonsiga iyo halka ay doontu ay wajahneyd, laakiin wuxuu bayaan ku cadeeyay in hubka intiisa badan oo ay la wareegeen ay la mid yihiin kuwii lagu qabtay Badda Carbeed bishii November ee la soo dhaafay, isla markaana loogu talagay Xuutiyiinta Yemen.

Waxay intaas ku dartay in hubka lala wareegey ay ka mid yihiin 150 gantaal oo Iran lagu sameeyay oo ka hor taga taangiyada, iyo sidoo kale seddex gantaal oo dhulka hawada sare ah, qalabka diyaaradaha duuliyaha laheyn iyo doomanka is wada iyo rasaas, iyo qalab ka mid ah hub aad u horumarsan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hubku wali uu ku jiro gacanta ciidamada Mareykanka, iyadoo xaaladdooda ugu dambeysa dib loo qiimeyn doono goor dambe.

Taliska Dhexe wuxuu sii daayay muuqaal fiidiyow madow iyo caddaan ah waxa uu ku sheegay faahfaahinta howlgalka ciidamada badda.

Gabagabadii, bayaanku wuxuu cadeeyay in howshu ay sii soconayso macluumaad dheeri ahna la wadaagi doono marka la helo.

Waxaa xusid mudan in Iran ay si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha Mareykanka ee ah in ay siinayaan Xuutiyiinta Yemen gantaalo iyo drones, halka Xuutiyiintu ay sheegeen in gantaaladooda ballistika iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu farsamadeeyey warshado maxalli ah.

Madaxda sare ee shirkadii Barakaat oo soo dhaweeyey go’aankii Mareykanka ee qaadista xaiyraada

Muqdisho(CeelWaaq News)- Madaxda sare ee Shirkaddii Barakaat ayaa soo dhoweeyay go’aankii maanta uu Mareykanka xayiraada uga qaaday Shirkadaas kadib markii lagu waayay eedeyntii ahayd in ay taageerto argagixisadda.

Cabdullahi Nuur Cismaan, oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkaddii Barakaat oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa uga mahad celiyay Dowladda dadaalka ay ku bixisay arrintaas.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Gudoomiyaha Shirkadda Axmed Nuur Jimcaale, waxaan soo dhoweynayaa in xayiraada laga qaaday Shirkadda, runtii Dowladda waxa ay muddadii 3 sano oo ay jirtay waqti galisay sidii loo qaadi lahaa xayiraada” ayuu yiri Cabdullahi Nuur Cismaan

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si gaar ah u xusay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo uu sheegay in door weyn uu ka qaatay

Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka

Muqdisho(CeelWaaq News)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (Dalka) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed.

“Waxaa ina soo gaaray qoraal ka soo baxay Hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka,dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid la buun-buuniyay iyo been abuur,iyadoo xustay in ay tahay qorshe magan geliyo raadis dadal reer Yurub iyo dano kale oo gaar ah oo laga leeyahaya.

Sidoo kale ma jiraan cadeymo loo haayo in eedeynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee ah xadgudbyada suxufiyiinta,balse arrintan ay u muuqato arrin la siyaasadeeyay,oo ahdaaf gaar ah laga damacsanaa,sidaasi darteedina ay dowladdu si adag u beeninayso warkaasi ay soo saartay Amnesty International.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in ay xaqiijinayso xoriyadda iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadin kasta,isla markaana ay qeyb ka tahay xoriyadda saxaafadda,waxaana ay dowladdu intaasi ku dartay in dalka uu mamnuuc ka yahay ficilkasta oo dhaawici kara xuquuqda muwaadinka iyo xoriyatul qowlka.

Mareykanka oo sheegay in oo toddobaadkan dib u bilaabay taageerradii militari ee uu siin jiray Soomaaliya

Mogadishu; (CN)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dib u bilaawday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kaddib markii ay korortay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabaan hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda.
Afhayeen u hadlay safaaradda oo lagu magacaabo Ryan Grizzle ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.”

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo gargaarka ciidanka.

MADAXWEYNE FARMAAJO “WAA TALLAABADII UGU MUHIIMSANAYD EE AAN KU SAXAYNO HANNAANKA DIB U DHISKA CIIDANKA SOOMAALIYEED.”

Muqdisho,(CeelWaaq News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

DHAMMAAD

DEG DEG: Dagaal goor dhow ka billowday Kismaayo

Kismaayo (CeelWaaq News) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka bilowday qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi.

Iska hor imaadka oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa taabacsan, Cabdinaasir Seeraar oo isna sheegta madaxweynaha maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocdyadiisa kala duwan, sida CeelWaaq News u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkaan uu yimid, kadib markii ciidamada Seeraar laga celiyey waddo u xirneyd kuwa Jubbland.

Sidoo kale israsaaseyntaani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta Jubbaland ay xoojisay amniga Kismaayo oo uu wax yar ka hor gaaray safiirka Mareykanka ee Soomaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex maraya labada dhinac.

Faah faahinta kala soco.

‬‪Dadwaynaha Tulada DHAMASA ee hoos tagto degmada CEELWAAQ oo Bananbaxayo kadib Kenya oo Ka Dhisayso dharbiga Xaduud Beenadka‬ somaliya

CeelWaaq;(CeelWaaq News)- ‬‪Dadwaynaha Dhamasa oo Dharbiga Ay Kenya Ka Dhistay Xaduud Beenadka‬
Siidi ay sheegan Qar kamid dadweynaha kudhaqaan Tulada Dhamasa ee Koonfurta Soomaaliya,

Dadka degan Tulada Dhamasa ayaa lasheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona Ciidamada Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga.

Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya NFD iyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya NFD iyo Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi oo ku kulmay Addis-Ababa

Addis Ababa (CeelWaaq News) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay CeelWaaq News ayaa sheegaya in galabta ay magaalada Addis-Ababa ay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid u gaar ah labada madaxweyne, mana jirin cid ka tirsan wafdigooda oo ku wehlisay, sida ay wararka sheegayaan.

Kulanka ayaa socda ku dhowaad saacad, mana cadda illaa iyo hadda waxyaabaha ay labada mas’uul uga wada hadleen, inkasta oo ay u badan tahay inaan looga hadlin qodobo muhiim ah.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu dhowaa dowladda Itoobiya sanadihii dhowaa, halka Somaliland ay sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya.

Wasiir Warfaafinta oo Qaabilay Wafti kasocda Hay’ada Qaxootiga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wasaaradda ku soo dhaweeya Wafdi sare oo ka socday Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Johann Siffointe oo ay wehliyaan
Ahmed Ainte, Senior Liaison Officer, UNHCR
Christophe Beau – Protection Cluster Coordinator.

Wasiir Maareeye iyo Masuuliyiinta UNHCR ayaa ka wada hadlay arrimaha ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa hayda qaxoontiga aduunka iyo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo Sidii dadka Soomaaliyeed ee qaxoontiga ah iyo barakacayaasha ay u heli lahaayeen wacyigalin dhab ah.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub.

Addis Ababa; (CeelWaaq News)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa iska wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah.

DF Soomaaliya oo manta ciidamada Harmacad geyneyso Ceelwaaq oo xadka la ah Kenya

Muqdisho (CeelWaaq News) – Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Mudane Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in maanta ay sugayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan gudaha degmadaasi.

Sahal oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegi doonaan amniga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isugu jiraan Milatari, Boolis iyo Asluub, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dabaday dowladda federaalka in aysan hilmaamin ciidamadii horay uga howlgalayey degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku soo shaqeeyeen daruufo adag, tan iyo sanadkii 2009-kii

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ciidamada ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegay Doolow iyo Beled-Xaawo.

Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale sare u qaaday xiisada u dhexeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka taagan gobolkaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MEERTADA 33-AAD EE SHIR MADAXEEDKA MIDOWGA AFRIKA

Addis-Ababa, (CeelWaaq News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin

Godomiyaha gobolka Mandera Ali Ibrahim Roba iyo Xidhibanadisa oo dalbaday inuu Janan kabaxo Mandera

Mandera;(CeelWaaq News)- Xildhibaanada laga soo doorto Magaalada Mandera ee dalka Kenya oo shir jaraa’d qabtay ayaa waxay ka hadleen Joogida Wasiir Janan iyo Maxamuud Sayid.

Xildhibaanadaan laga soo doorto is maamulka Mandera ayaa sheegay inaysan marnaba aqbalayn inuu wasiir Janan iyo ciidamada waheliya ay sii joogaan magaalada Mandera waana inay aadaan deeganadii ay ka yimaaden.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanada is maamulka Mandera ayaa dhabar jab ku ah wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan kaas oo maalmihii dambe kusugnaa Hotel ku yaala Magaalada Mandera.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Canada

Mogadishu;(CeelWaaq News)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal.
Canada waxaa ay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Somaliya oo manta saxiixay buugga tacsida ee geerida Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi

Muqdisho,(CeelWaaq News)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta saxiixay buugga tacsida ee ka furan Safaaradda Jamhuuriyadda kenya ee Muqdisho, lana xiriira geerida Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Toroitich arap Moi.

Wasiiru dowlaha ayaa qoray “Kenya waxa ay weyday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda siyaasadeed ee taariikhda leh, ahaana Madaxweynaheedii labaad iyo mid ka mid ah raggii dowlad-yaqaanka ahaa ee la hana-qaadday dhidiba-u-taageeddii jamhuuriyad madax bannaan”.

Markii uu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu gaaray dhismaha Safaaradda Kenya waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Safiirka Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo.

Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi oo da’diisu ahayd 95 sano-jir ayaa ugu geeriyooday xanuun aan la qeexin isbitaal gaar ah oo ku yaalla Caasimadda Nairobi 4 February, 2020 , waxaana lagu tiriyaa inuu ahaa madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa xukunkiisa dalka Kenya oo 24 sano uu talada hayay illaa uu iskaga degay kursiga sanadkii 2002.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau

Addis Ababa(CeelWaaq News)-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau, waxayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal.

Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Kenya oo war ka soo saartay arrinta Janan, kana jawaabtay dalabkii DF ee soo qabashadiisa

February 9, 2020
Nairobi (CeelWaaq News) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka.

Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go’aaminta wasiir Janan.

Macharia Kamau ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintaan kaliya ay ka falcelin karaan saraakiisha ciidamada amniga, sida uu hadalka u dhigay.

“Arintani gacanteenna kuma jirto, waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin, waana ciidamada amniga”. ayuu yiri Mr. Kamau.

Sidoo kale Daily Nation ayaa xusay in wasiirka amniga Jubbaland uu degan yahay hoteel ku yaalla Mandera, islamarkaana ay amnigiisa la wareegeen ciidanka Kenya, inkastoo horay wasiirku wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu joogo degmada Beled-Xaawo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo wasiir Janan oo 28-kii bishii hore ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, isaga oo doon dheereysa ku tagay magaalada Kismaayo.

Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa sidoo kale shalay ka soo muuqday duleedka Beled-Xaawo, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah ciidanka dowladda.

Xaaladda gobolka Gedo, gaar haan Beled-Xaawo ayaa aad u kacsan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka bilowday gudaha magaaladaasi.

Bosaso: Arday farriin culus u dirtay madaxweyne Deni iyo wasiirkiisa waxbarashada

Mogadishu; (CeelWaaq News)-Sabti, Feberaayo, 08, 2020 Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Bosaso Public secondary school oo kamid ah dugsiyada dowliga ah ee Puntland, ayaa sheegay inay u baahan yihiin shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso, Puntlandna aysan ku ciyaarin mustaqbalka arday muddo 12 sanno wax soo baranayay.
Ardayda ayaa hadalkaan saxaafada ka sheegay wax yar kadib, markii uu dugsigaas booqasho ku tagay wasiirka waxbarashada Puntland oo ardayda kala hadlayay inaanay welwel ka muujin arinta shahaadada ayna ku kalsoonaadaan maamulkooda.

Balse, ardayda oo fursad u helay inay si gaar ah ula hadlaan cod baahiyaha warbaahinta ayaa sheegay inay doonayaan in ay lamid noqdaan ardayda kale ee Soomaaliyeed islamarkaana ay la galaan hal imtixaan oo midaysan.

Waxay ardaydu walaac weyn ka muujiyeen khilaafka waxbarashada ee labada dhinac, iyagoo caddeeyay in aanay diyaar u ahayn in mustaqbalkooda muran la galiyo ayna kasoo horjeedaan wax walba oo dhaawacaya himiladooda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka dhinaca waxbarashada Puntland iyo dowladda federalka, arday badan oo Puntland wax ku barta ayay walaac xoogan ku abuurtay arrintaan, waxaana sidoo kale lamid ah waaladiinta ilmahooda garab taagnaa mudadaas.

Kenya angers Somalia by hosting minister who escaped detention

Mogadishu (CeelWaaq News)- Uhuru and Farmaajo at National Prayer Breakfast
President Uhuru Kenyatta (right) and his Somalia counterpart Mohamed Abdullahi Farmaajo follow proceedings during Kenya’s 16th annual National Prayer Breakfast at Safari Park hotel in Nairobi on May 31, 2018.

Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur is alleged to have escaped on January 28 from a Mogadishu prison, where he had been held since August 31, 2019.
He is wanted for several serious crimes, including international human rights violation, massacre of innocent civilians and illegally escaping government custody.
Currently, Mr Abdinur is reported to be hiding in a Mandera hotel. He arrived at the hotel on Tuesday afternoon and his security was immediately taken over by Kenyan agencies.
As a result of these reports, Somalia is furious for what it considers interference by Nairobi with its internal affairs.

Mr Abdinur, also known as Abdirashid Janan, is alleged to have escaped on January 28 from a Mogadishu prison, where he had been held since August 31, 2019 on accusations of “grave human rights violations and killing civilians in Gedo Region”.

A well-placed security source in Mandera said the minister entered Kenya through Bulahawa, narrowly escaping Somalia security forces that had been chasing him.

The fugitive minister has been in Kenya since then, initially taking refuge in Nairobi.

Currently, Mr Abdinur is reported to be hiding in a Mandera hotel. He arrived at the hotel on Tuesday afternoon and his security was immediately taken over by Kenyan agencies.

As a result of these reports, Somalia is furious for what it considers interference by Nairobi with its internal affairs.

In a statement, the government of Somalia warned that harbouring the wanted minister by any neighbouring country could jeopardise “good relations”.

“The Federal Republic of Somalia places great importance on maintaining good relations with its neighbouring countries and the harbouring of a dangerous fugitive could seriously endanger the good relations that have existed between Kenya and Somalia,” read the statement.

The Somali Police Force says it is hopeful that Kenya will adhere to calls from the Somali government as well as international human rights agencies and arrest and extradite Mr Abdinur.

Somalia has gone further to enlist the help of Interpol in apprehending Mr Abdinur.

He is wanted for several serious crimes, including international human rights violation, massacre of innocent civilians and illegally escaping government custody.

“The Federal Government of Somalia considers the fugitive a grave danger to the Somali people and want him extradited to Somalia to allow for due process to be completed,” read a statement issued by Deputy Police Commissioner-General Sakia Hussein.

AMNESTY’S CALL

International human rights opinion also seems to favour Somalia after Amnesty International called on Kenya to arrest and handover the fugitive, saying he “must be returned to face justice”.

“The Kenyan authorities must immediately arrest and hand him over to the Federal Government of Somalia, who should conduct his trial in a manner that meets international fair trial standards, without any further delays,” said Seif Magango, Amnesty’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes.

“Victims of his alleged crimes have waited patiently for justice and their hopes must not be frustrated.”

But Principal Secretary for Foreign Affairs, Macharia Kamau, told the Nation that only Kenya’s security forces can comment on the matter.

“This matter is not in our hands. I suggest you contact those who might know about it, the security forces,” the PS said.

ABDINUR’S ARREST

Mr Abdinur was arrested upon his arrival in Mogadishu from the Ethiopian capital Addis Ababa, and later placed in detention.

At the time of his arrest, Jubbaland’s administration described the arrest as “illegal” and considered it a “kidnapping”.

In the 2016 and 2017 United Nations Monitoring Group on Somalia and Eritrea reports, the minister was accused of human rights abuses between 2014 and 2015.

The 2016 report stated that Mr Abdinur “has been responsible for the targeting of civilians contrary to international law, as well as conduct constituting obstruction of humanitarian assistance”.

“It has also been alleged that Abdirashid has participated in activities that undermine peace and security more broadly, including attempting to overrule legitimately appointed local authorities,” the report added.

According to Amnesty International’s account of events, after his arrest, Mr Abdinur was arraigned at the Banadir Regional Court in Mogadishu on October 6, and thereafter detained until his escape last week.

Mr Abdinur is the second high ranking government official from Jubbaland to seek refuge in Mandera due to security concerns.

In September last year, Jubbaland Vice-President Mohamud Sayyid Adan was forced to hide in Mandera for several weeks.

Somalia’s Ministry of Information made it clear in a statement on February 5 that the matter could exacerbate the already strained relations with Kenya.

“The Federal Government of Somalia (FGS) is dismayed by the political and security interference of the Kenyan Government in Somalia, which is not good for relations between the two countries and its people, and the resolution of regional problems,” the statement said.

“The FGS is always looking for a good neighbour, respectful and committed to peaceful co-existence, and assures its citizens that they will not tolerate interference and violence, which is not in the best interests of the state and in civilian life,” it added.

The relationship between Kenya and Somalia has been on the rocks since Somalia rejected overtures from Nairobi to have a maritime dispute between the two countries settled through negotiations.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALAYA MEERTADA 33-AAD EE SHIR-MADAXEEDKA MIDOWGA AFRIKA

ADDIS ABABA,(CeelWaaq News)- 8-da Feb. 2020:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAXIIXAY SHARCIGA BAATROOLKA EE JFS

Muqdisho, (CeelWaaq News)-Febaraayo 08, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

DHAMMAAD

War-murtiyeed Madasha Aqoonyahanka Gobalka Gedo oo soo saartay war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayo

Garbaharey(CeelWaaq News)- War-murtiyeed Madasha Aqoonyahanka Gobalka Gedo oo soo saartay war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayo Madasha Aqoonyahanka Gobalka Gedo ayaa war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayo kasoo saaray Xaalada Amni iyo Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Jubbaland Gaar ahan Gobolka Gedo.

Hoos ka Akhriso

Hadalada Madaxweynaha Dowlad Deganka Somalia Ee Itopia iyo Madaxweyna Deni ee Putlanad somalia maxay Ku kala dhowanyihin ??

Dawladnimadu waa haybad, Qaranimadu waa sharaf. qof walba, qabiil walba iyo koox walba sharafteeda iyo magaceedu waa jacaylka iyo garab-siinta Dawladnimadeeda.

Qof walb oo dadka ka mid ahi wuxuu u soo jeedaa habeenkii iyo maalintii dukaankiisa iyo dantiisa iyo gurigiisa. Dawladdu wexey u soo jeeddaa ilaalinta guriga weyn ee Dawladnimo.

Waxaa jira dad indhuhu guduudanayaan! Oo jimanku buuranayaan! hadii gobolkiisa ama qabiilkiisa la taabto!! laakiin haddii Dawladnimo la-duminayo aan dan ka lahayn! Waa ayaan darrada ugu weyn Somalidena haysata!

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka Ambabaxay Dalka Jordan

Mogadishu (CeelWaaaq News)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka Ambabaxay Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho ayaa Dalka Jordan uga qeyb geli doona shirka 30-aad ee deg deg ah Midowga Baarlamaanadda Carabta kaasoo loga hadli doono heshiiskii qarniga ee uu dhowaan ansixiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdilaahi Bidhan Warsame, ayaa booqday Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho Maanta.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdilaahi Bidhan Warsame, ayaa booqday Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho Maanta.

Wasiirka ayaa la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan cudurka dilaaga ah ee ku dhaca Shiinaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyay ahmiyada Shiinaha ay ku leedahay sii wadida wada xiriirka dhow iyo iskaashiga ay la leedahay WHO si loo ciribtiro viruska.

Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha waxay wadaagaan taariikh aad u weyn oo fog taasi oo ku dhisan iskaashi iyo isfahan

DEG DEG. Cidamada Kenya iyo kuwa Ahmed Madoowe oo isku badelay Al-Shabab

Mandera(CEELWAAQ NEWS)- DEG DEG. Cidamada Kenya iyo kuwa Ahmed Madoowe oo isku badelay Al-Shabab warar lagu kalsoonyahay Abaas Ibrahim Guray oo cidamadasi hogaminayo aya hada garay Magalada Mandera ee waqoyi Bare Kenya Meeshas oo Abildiraahid Janan Ku sugan yahy mudo laba malin ah, iyagu rabaan inay la dagalaman Cidamada Dowlada somaliya oo la waregay Dhaman Gobolka Gedo.

Faarax Macalin oo horey u ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo.

Nairobi (CeelWaaq News) – Faarax Macalin oo horey u ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo.

Faarax Macalin ayaa ku baaqay in si deg deg ah ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa looga saaro gudaha Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey inay ku guuldareystay sugidda Amniga, isagoo xusay in Ardayda iyo Macalimiinta Kenya ay dhibaato xoog leh kala kulmaan weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolo ka tirsan Kenya.

Wuxuu sheegay inaysan suurtagal aheyn in Ciidamada Kenya oo ilaalin la’ amniga dalkooda ay nabad ilaalin u joogaan gudaha Soomaaliya.

Faarax ayaa tilmaamay in Amniga dalka Kenya uu aad u liito marka loo fiiriyo 11 sano ka hor inta aysan ciidamada Kenya galin gudaha Soomaaliya.

Arrinta ugu xasaasisan oo uu sheegay Faarax Macalin ayaa ah in ujeedada ay Ciidamada Kenya u joogaan Soomaaliya ay tahay sidii ay si sharci darro ah uga ganacsan laahayeen Dhuxusha iyo Sokorta sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Kenya ayuu sheegay in markii hore ay sheegtay in ujeedada ay ciidamadeeda u geyneeyso Soomaaliya tahay in laga sugo amniga Kenya balse wuxuu xusay inay hadda arrinta kasii dartay oo amnigii uu faraha baxay.

Hadalka Faarax Macalin ayaa kusoo aadayo xilli ay Shalay Dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni oo ay Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.”

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Faarax Macalin soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Chinese hospitals discharge 1,153 recovered patients of coronavirus infection

February 6, 2020

Beijing(CEELWAAQ NEWS)-A total of 1,153 patients infected with the novel coronavirus had been discharged from hospital after recovery by the end of Wednesday, Chinese health authorities announced Thursday.

Wednesday saw 261 people walk out of the hospital after recovery, the National Health Commission said in its daily report.

By the end of Wednesday, a total of 563 people had died of the disease and 28,018 confirmed cases of novel coronavirus infection had been reported in 31 provincial-level regions and the Xinjiang Production and Construction Corps in China.

DF oo war kasoo saartay ‘faro-gelinta siyaasadeed iyo midda amni ee Kenya ay ka waddo’ Soomaaliya

February 5, 2020

Muqdisho (CeelWaaqNews) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni, oo ay sheegtay in dowladda Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.”

“Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana iney ka wada shaqeeyaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Wixii labada dowladood dhexdooda ah, waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwada Badda ee labada dal dhextaala oo ay Dowlada Soomaaliya ku dhegantahay mawqificeeda ahaa in loo dhaafo maxkamada oo laga war-sugo go’aankeeda,” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inaysan u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya magaca dallada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya.

“DFS waxay mar walba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, waxayna shacabkeeda u balan qaadaysaa ineysan aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso Qoralka

The Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, HE Sadiq Hirsi Warfa, attended a conference in Paris, France.

Paris (CeelWaaq News)-The Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, HE Sadiq Hirsi Warfa, attended a conference in Paris, France.

“The ministry has done significant efforts to implement job opportunities over the past year,Mainly focusing on the youth whose possess huge percentage of the Somali population,hopefully this will eradicate the long lasting unemployment rate in Somalia.” Said Minister Sadiq Hirsi Warfa.

During the conference,they mainly focused on the importance of the working relation between the staff and the administration to be able to monitor and evaluate all staff of government institutions.

On the other hand, the Minister of Labor and Social Affairs, Sadiq Warfa met Swedish Prime Minister Stefan Löfven and expressed his commitment to the Somali government’s and its commitment to social dialogue and employment solutions promising to work together with the Somali Government.

On his part,The Minister thanked the Swedish government for its support to Somalia.

Dowladda Soomaaliya oo Saakay Ciidamada Haramacad Diyaarado ku geyneysa Baardheere iyo CeelWaaq ee gobolka Gedo

Mogadishu(CeelWaaq News)- Dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda Diyaarado wada Ciidamada Sida gaarka u tababaran ee Haramacad dooneyso iney ka dajiso Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Ciidamada Haramacad ayaa qeyb ka noqon doono ciidamo dhawaan dowladda ay ku daabuleysay deegaanada iyo degmooyinka Gobalka Gedo.

Wali dowladda kama aysan hadlin ciidamadeeda ku qulqulaya Magaalooyinka Gobalka Gedo oo maamul ahaan hoos tagaya Maamul Gobaleedka Jubbaland.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa gaaray degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka, kuwaa oo wararka qaar sheegayaan inuu qorshahoodu yahay In Al Shabaab ay ka saaraan Deegaanada ay ka Maamulaan Jubbooyinka Iyo Gedo.

Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku haynta Beled-Xaawo iyo Doolow

February 4, 2020

Beled Xaawo (CeelWaaq News) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo heer federaal ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolkaas.

Ciidamada federaalka ayaa la wareegay Doolow galabta, halka Beled-Xaawo ay la wareegeen caawa, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya caawa garoonka diyaarada Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii tagey ciidamo ku daabuleysay gobolka Gedo, oo qorshuhu ahaa inay si buuxda ula wareegto, taasi oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay gacanta ugu wada dhigeyso deegaanada Jubaland.

Qabsashada Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa macnaheedu yahay in dowladda ay iminka si buuxda gacanta kugu wada hayso dhammaan degmooyinka gobolka Gedo.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo degmada Beled-Xaawo uu maanta gaaray wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kaasi oo saacado ku sugnaa kadibna u gudbay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku hayso dowladda Kenya.

Booliska Soomaaliya ayaa maanta dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan, oo booliska ay sheegeen in 28-kii bishii Janaayo uu ka baxsaday magaalada Muqdisho.

Major foreign policy mistakes Kenya has made threaten to unravel its relations with Somalia and endanger its security.

Doha (CeelWaaq News)-After gaining independence in 1963 and throughout the Cold War, Kenya tried to stay away from the internal and external struggles of its neighbourhood. While Ethiopia allied itself with the erstwhile USSR and Cuba, Somalia aligned with the United States and Tanzania became the intellectual hotbed for the Third World left, Kenya maintained poised neutrality and a policy of non-intervention.

Daniel Moi, the country’s second president after independence, sought to firewall Kenya from spillovers of regional conflict by maintaining a foreign policy of ideological ambivalence – being neither a friend nor a foe of regional and international powers.

Moi also took up mediating conflicts in the region and made it the main feature of Kenyan diplomacy which carried on even after the end of the Cold War. During his presidency, Kenya became the venue for peace negotiations between the warring sides in Sudan, Somalia, and Uganda.

Various agreements were negotiated and concluded in Nairobi, including the 1985 peace deal between the Ugandan government of Tito Okello and the National Resistance Army (NRA), a rebel group led by Yoweri Museveni and the 2005 peace agreement between the Sudanese government and southern rebels, which ended Africa’s longest-running civil war.

Kenya also played an important mediation role in the Somali conflict, hosting the negotiations and the signing of the agreement that led to the creation of the Transitional Federal Government (TFG) in 2004.

This strategy not only ensured Kenya’s internal affairs were undisturbed by regional developments but also earned it a certain diplomatic reputation in the region.

Today, both of these are on the line because of repeated mistakes Kenya is making in its policies towards Somalia. Kenyan military presence on Somali land has entered its ninth year, which has now metastasised into entanglement in Somalia’s internal affairs and encouraged more al-Shabab violence on Kenyan territory. Kenya’s imprudent stance on its maritime dispute with Somalia also threatens to erode its international reputation.

From intervention to occupation

For decades, bilateral relations between Kenya and Somalia remained warm and cordial. But in 2011, the Kenyan government decided to send troops to its neighbour, which since then has been a source of considerable friction between Nairobi and Mogadishu.

Kenya’s intervention in Somalia was in line with the zeitgeist of the “war on terror” launched by the US in 2001. Packaging the intervention as an “anti-terror” operation automatically guaranteed domestic support and international immunity for human rights violations.

The official justification for the military intervention was the pursuit of al-Shabab members who allegedly abducted aid workers in northern Kenya and kidnapped tourists along the coast.

The intervention has since degenerated into an occupation. Currently, there are more than 3,600 Kenyan troops in Somalia, primarily deployed in the semi-autonomous southern Somali region of Jubaland.

Over the past eight years, the Kenyan forces have been accused of committing various human rights violations against civilians and being involved in illicit smuggling activities. The Somali government has demanded that Kenyan troops leave, but it has not followed up with any serious effort to expel them, given its own limited capacity to provide security.

At the same time, the Kenyan military presence has done little to secure Kenya from al-Shabab’s attacks or Somalia itself for that matter. In fact, violence has escalated since the intervention.

Kenya has witnessed a number of large-scale al-Shabab operations, like the ones in Westgate Mall in 2013, and the Garissa University in 2015, which took the lives of hundreds of civilians, as well as numerous low-grade and low casualty ones.

Since October, there have been on average two al-Shabab attacks every week in Kenya and Somalia. In the first half of this month alone, the armed group raided a military camp used by Kenyan and US soldiers in southern Kenya and then launched four other attacks, killing 10 civilians.

The intervention has revealed the underbelly of Kenya’s security policy, its failed military strategy and the inability to police its own borders.

Support for Jubaland

Alongside the military intervention, Kenya has also involved itself in the maelstrom of Somali domestic politics.

Its principal vehicle of involvement in Somalia is Sheikh Ahmed Mohamed Islam, also known as Madobe, an Islamist militia commander from the Somali Ogaden clan.

Madobe is seen as a rather controversial figure, having switched sides in Somalia’s civil war multiple times. He was part of various Islamist armed groups since the 1990s. He has fought against the government in Mogadishu as an ally of al-Shabab for years and was involved with militants seen as supportive of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), a separatist group who has fought for Somali self-determination in eastern Ethiopia.

In 2007, a year after Ethiopia sent troops to Somalia to back the TFG against the Islamist insurgency, Madobe was hit by a US bombing and captured by the Ethiopians, who offered him a political deal. He accepted to join the TFG in 2009, but shortly after he deserted his new post and with his Ras Kamboni militia joined al-Shabab in their fight against government and African Union troops.

In 2011, he struck another deal, this time with Nairobi, and the following year, his militia, backed by Kenyan troops, managed to expel al-Shabab from Jubaland’s capital, Kismayo, which is also a strategic port city.

Over the next two years, Madobe presided over clan reconciliation and in 2015, with Kenyan backing, he was elected president of Jubaland. In the 2019 presidential election in the semi-autonomous state, Nairobi again supported his candidacy, despite the fact that the Somali government opposed it.

Kenya’s backing for Madobe has revealed that all along it was not only interested in containing al-Shabab, but in establishing a “sphere of influence” through Jubaland – a satellite statelet, remote-controlled from Nairobi.

This misguided support for Jubaland, however, is something anyone with a basic understanding of the dynamic in the Horn of Africa would have counselled against. For the fragile government in Mogadishu, the strengthening of Jubaland means the weakening of its powers.

For Ethiopia, Kenya’s interference in a region predominantly populated by the Ogadens, the largest Somali clan, whose members also live in southern Ethiopia and have a fraught with the government, is creating unnecessary tension.

Thus, Kenya is not only endangering its relationship with the Somali government but also with Ethiopia, a neighbour and a major regional power, with whom it has a decades-old defence pact to ensure regional stability and curb Somali irredentism.

The maritime dispute

If Kenya’s original sin was the 2011 intervention, its natural outcome is the needless maritime dispute with Somalia. Both Nairobi and Mogadishu claim a narrow triangle of about 100,000 square kilometres off their coasts in the Indian Ocean. The territory supposedly has oil and gas deposits.

The dispute could have been resolved amicably had Kenyan officials taken the issue seriously and had they regarded their Somali counterparts with some modicum of respect rather than assuming Somalia is a failed state incapable of mounting any defence.

As a result, the case eventually ended up at the International Court of Justice (ICJ), which last year decided to delay its ruling to 2020 to let the two sides negotiate further.

Instead of correcting their earlier mistakes, Kenya’s ministry of foreign affairs officers dug in their heels and started engaging in petty moves like denying Somali officials entry into the country and reintroducing flight stopovers in Wajir for security checks for all flights to and from Somalia, substituting petulance for diplomacy.

For decades, Somalia has regarded Kenya as a neutral arbiter compared with Ethiopia which Somalis have resented for its multiple military interventions. The overarching danger is that, in the end, Kenya’s intervention and meddling in Somalia’s internal affairs, coupled with the self-aggrandisement of a bubbling and venal elite, could ruin Kenyan-Somali relations.

For decades, Somalia has regarded Kenya as a neutral arbiter compared with Ethiopia which Somalis have resented for its multiple military interventions. The overarching danger is that, in the end, Kenya’s intervention and meddling in Somalia’s internal affairs, coupled with the self-aggrandisement of a bubbling and venal elite, could ruin Kenyan-Somali relations.

This will also undermine the authority and capacity of the federal Somalia government to administer the country, especially if AMISOM troops depart as scheduled by December 2020.

The net winner of these squabbling and reckless diplomacy will be al-Shabab, which will continue to enjoy enough space to launch attacks in Kenya and within Somalia. The ultimate loser will be the Somali people who have endured decades of conflict.

https://www.aljazeera.com/indepth/opinion/somalia-kenya-foreign-policy-failure-200129114504611.html

NISA oo shaacisay in Axmed Diiriye ‘uu xilalka ka xayuubiyey’ Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab

February 3, 2020

Muqdisho (CeelWaaq News ) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf weyn oo ka dhex jira kooxda Al-Shabaab, kaasi oo horseeday is-beddelo weyn.

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”

NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer, mana shaacin sida ay ku heshay xogtan xasaasiga ah ee kooxda Al-Shabaab dhexdeexa ka timid.

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay weerarkii 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay in ka badan 80 qof oo badankood ahaa dad shacab ah.

DEG DEG: Kamaal Guutaale oo taageeray madaxwaynihii QoorQoor oo shalay la doortay ayaa siddaan Qoray

Bismillah;
Waxaan halkaan mahad celin balaaran iyo qadarin kal iyo laab ah oga jeedinayaa dhamaan intii igu dhiirra gelisay, gacan igu siisay, igala shaqeysay ololihii aan ugu jiray inaan hogaamiyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee aan runtii jecleen in gobolkaas dhibaatadu ragaadisay aan Hal mar dowladnimo ka hirgelinno, kuna fariisinno nidaamka dowliga ah soona afjarno khilaafka ragaadiyey. Teamkii ila shaqeeyay waxaan lee yahay kartidiinna iyo wanaagiinna reer Galmudug way idin arkeen, waxaana rajeynayaa in Galmudug si hagar la’aan ah aad ugu sii shaqeysiin, welina waa ay idiin baahan tahay.

Mahad celin kadib, waxaa shalay soo idlaaday ololihii aan aniga iyo teamkaygu ku dooneynay inaan hagaaminno Galmudug, intii aan ololaha ku jirnay muddo 5 bilood ah waxaan qabnay aragtiyo ku aadan sida loo dhisayo Galmudug, nasiib darro mar walba Dowladda Federaalka ah isku dhinac wax kama aanan arkeyn.

Aniga iyo Saaxiibo badan oo aan musharixiin wada aheyn waxaan si joogta ah u soo bandhigeynay aragtideenna ku aadan sidii loo sixi lahaa hannaanka dowlad dhiska, waxaan dowladda oga aragti duwaneyn qaabkii lagu wajahay muddadii xil heynta ee Madaxweyne Ahmed Gelle Duale Xaaf, waxaan oga aragti duwaneyn sida ay u xagal daacineysay shirkii NABADDA ee Hobyo, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u fulisay heshiiskii Ahlusunna waljamaca, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay ciidanka Federaalka ah iyo kuwa ajnabi ahba ugu soo daabushay magaalada Dhusamareb, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u soo dhistay Guddigii farsamada ee doorashooyinka, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Odayaasha loo xulay, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Barlamaanka loo musuqay, waxaan sidoo kale qaadacnay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Dhusamareb.

Intaas oo kale aragti duwanaansha ah mid walba xilligeedii waana ka hadleynay, sida ay noogu muuqato xalkana waan soo bandhigeynay, waxaan sidoo kale ku dul shaqeyneynay innaga oo mar walba tanaasuleynay sidii ay Dowladdu markaas rabtay, dad badan oo reer Galmudug ah waa ay nooga aragti duwanaayeen inaan xaaladaas qallafsan aqbalno waxeyna nalahaayeen ha yeelina, qaar kale way nagu ammaaneen wayna nagu dhiirageliyeen tanaasulaadkii aan sameynay.

Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug.

Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah.

Waxaan halkaan ammaan gooni ah oga jeedinayaa culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca oo reer Galmudug marnaba waxa ay mudan yihiin aanan kala kulmin, tanaasulaadka ay sameeyeenna aan la qiimeyn, inta aan ka arkay waxaan aaminsanahay iney yihiin dadka ugu jecel in la dhiso Galmudug mideysan, dhaqaaqda oo taabagasha.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Rajada Shacabka Galmudug Waa Midnimo Iyo Horumar”

Muqdisho,(CeelWaaq News)-Axad, Feberaayo 02, 2020—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane https://www.facebook.com/HassanAliKhaire/?ti=as ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.?

“Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO U HAMBALYEEYAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE GALMUDUG IYO KU XIGEENKIISA.

Muqdisho,(CeelWaaq News)- Febaraayo 02/02/2020: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaaalada Dhuusamareeb.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ku amaanay Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee ay galiyeen sidii hannaanka Maamul ee Galmudug u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ee Xamar waxay balan qaadeysaa inaan si dhaw ula shaqeyn doono oo aan garab taaganahay hogaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor.

Waxaan Ugu duceynaaya Madaxweynaha cusub ee Galdmudug iyo ku-xigeenkiisa in uu alla u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo doortay islamarkaana ay ku guuleystaan wajibaadka iyo howlaha culus ee horyaala.

DHAMMAAD

Wasaaradda arrimaha gudaha DF oo war kasoo saartay doorashada Qoor Qoor

February 2, 2020

Muqdisho (CeelWaaq News) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa qoraal kasoo saartay doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee madaxweynaha loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”. Hoos ka aqriso qoraalka.

WAR SAXAAFADAEED

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa bogaadisay doorashada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen ee ka qabsoontay Dawlad Goboleedka Galmudug maanta oo ay taariikhdu tahay 2dii Febraayo 2020.

Madaxweynaha cusub Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub Mudane Cali Daahir Ciid ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku guuleystay doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay Dhuusamareeb ayay wasaaraddu u hambalyaynaysaa.

Wasaaradda ayaa u rajaysay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo shacabka dhammaantii.

Wasaaraddu waxa ay si mugwayn u bogaadinaysaa go’aankii madaxda qaranka ay ku garab istaageen dib u dhiska maamulka Galmudug, waxa ayna wasaaraddu ka mahad celinaysaa kaalintii Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre uu ka qaattay dib u yagleelidda Galmudugtan cusub, sidaas oo kale waxa ay Wasaaraddu u mahad celinaysaa Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, iyo guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulkan cusub ee Galmudug.

Ugu danbayn, Wasaaraddu waxa ay ugu baaqaysaa bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

DHAMAAD

Safiirka China Oo Soo Dhoweeyay Doorashada Qoorqoor

February 2, 2020(CeelWaaq News)- safiirka safaaradda China u fadhiya Soomaaliya ayaa tagaarey doorashada maanta ka dhacday Galmudug isaga oo hambalyo u diray madaxweyne Qoorqoor

Ayaa sidoo kale qof walba ugu yeeray inuu ka shaqeeyo xasiloonida islamarkaana laga fogaado wax kasta oo qalalaase keeni kara la iskuna yimaado.

Dhinaca kale safiirka China u fadhiya Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilligaan laga shaqeeyo sidii xoogga loo saari lahaa amniga dalka.

Doorasho maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor halka madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Daahir Ciid.

Safiirka Mareykanka Oo Soo Dhoweeyay Doorashada Qoorqoor

February 2, 2020(CeelWaaq News)
Donald Yamamota safiirka safaaradda mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa tagaarey doorashada maanta ka dhacday Galmudug isaga oo hambalyo u diray madaxweyne Qoorqoor

Yamamoto ayaa sidoo kale qof walba ugu yeeray inuu ka shaqeeyo xasiloonida islamarkaana laga fogaado wax kasta oo qalalaase keeni kara la iskuna yimaado.

Dhinaca kale safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilligaan laga shaqeeyo sidii xoogga loo saari lahaa amniga dalka.

Doorasho maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor halka madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Daahir Ciid.

Jaamacadda Carabta oo Ka Hor Timid Qorshihii Maraykanku Ugu Yeeray Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe

Jaamacadda Carabta oo Ka Hor Timid Qorshihii Maraykanku Ugu Yeeray Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe.

Kulan degdeg ah oo yeesheen wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta kaasoo ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu maasin oo dhowaan ku dhawaaqay in Dawladda Falastiin ay go’aansatay inay xiriirka u jarto Mareykanka iyo Israel ayaa laga soo saaray bayaan.

Dhamaan dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta waxay sidoo kale sheegeen in qorshahan uusan aheyn mid horseedi kara heshiis nabadeed oo ka hirgala Bariga dhexe iyo dhulka Falastiin.

Axmed Abul Qayd xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo jeediyay bayaankii ay shirkooda kasoo saareen waxaana uu yiri “Falastiiniyiintu way diidan yihiin xaaladda hada jirta iyo qorshaha Maraykanka, sababta oo ah maaha mid buuxinaysa himilooyinkooda oo dhab ah, wadamada Carabtuna ma aqbalayaan qorshahaas”.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ka dhalatay duulaanka Ayaxa

Axad,Feberaayo, 02, 2020 Mogadishu(CeelWaaq News)- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo qaran iyadoo la eegayo Ayaxa ku habsaday Soomaaliya qeybo kamid ah taasoo khatar weyn ku ah xaaladda sugnaanta cunno ee Soomaaliya.

“Marka la fiiriyo xaaluf ba’an ee Ayuxu ku hayo dhul beereedka , waa inaan sameyneynaa dadaalkeena ugu wanagsan si aan u ilaalino haqab beelka cuntada iyo maciishada dadka Soomaliyeed. Hadaanan tilaabo ka qaadin hadda, waxaan halis ugu jirnaa dhibaato daran oo cunno la’aan ah,” ayuu yiri Saciid Xuseen Iid Wasiirka Beeraha & Waraabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay qatarta Ayaxa u muujineyo xilliga Gu ee soo socda. Waxay wasaraaddu tilmaamtay in ay lama huraan tahay hawlgallada xakamayntiisa, iyadoo la ilaalinayo hab-nololeedka beeralayda iyo xoola-dhaqatada.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa la-hawlgalayaasheeda ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loo xakameyn lahaa duulaanka Ayaxa. Waxay ku baaqday in waqti muhiim laga caawiyo beeraleyda Soomaaliyeed sidii ay u kordhin lahaayeen waxsoosaarkooda inta lagu jiro Gu, iyo in la ilaaliyo hantida xoolo dhaqatada iyo beeralayda.

Ayaxu wuxuu waxyeelleeyay qiyaastii 70,000 hektar oo dhul beereed ah oo ku yaal Soomaaliya iyo bariga Ethiopia, sida ay horey u shaacisay hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Waa duulaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah kadib.

______________________________________

Email. ceelwaqsomali@gmail.com

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Somalia waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka

Mogadishu(CeelWaaq News)- Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Agaasimeyaasha iyo La taliyeyaasha Wasaaradda kala shiray Hindise Sharciyeedka Summadaha Ganacsiga iyo Adeegyada oo diyaarintiisa ay gacanta ku hayso Wasaaraddu

Mogadishu(CeelWaaq News)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Agaasimeyaasha iyo La taliyeyaasha Wasaaradda kala shiray Hindise Sharciyeedka Summadaha Ganacsiga iyo Adeegyada oo diyaarintiisa ay gacanta ku hayso Wasaaraddu.

Kulankan oo Wasiirka ay ku wehelinaayeen Wasiiru-dawlaha Md.Daahir Cabdi Cabdullaahi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md.Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa si aada looggu falan-qeeyey siddoo kale na lagu saxartiray sharcigaasi oo muddooyinkii dambe ay diyaarintiisa soo waday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS.

Sharcigan, ayaa ah mid kala nidaaminaya diiwaan-gelinta summadaha Ganacsiga iyo Adeegyada, waxaana uu dhisayaa Xafiiska Xaqsiinta iyo Diiwaan-gelinta Sumadaha iyo Adeegyada.

______________DHAMMAAD___________

War-saxaafadeed Ku Saabsan Isbitaalka Yardimeli oo ay gacanta Ku hayso hay’adda Yardimeli

Mogadishu(CeelWaaq News)-

War-saxaafadeed Ku Saabsan Isbitaalka Yardimeli:

Wasaaradda Caafimaadka & Darueelka Bulshada waxay cadaynaysaa inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli.

Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.

Hoos ka degso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran:

Maxkamaddu waxay meesha ka saartay codsigii ahaa in laga joojiyo Kenya kiiska ICJ ee Soomaaliya

Nairobi (CeelWaaq News)- Saddex garsoore oo garsoore ah ayaa meesha ka saaray codsi ay uga horjoogsanayaan mas’uuliyiinta Kenya inay ka soo qeybgalaan maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ) ee muranka badda ee Soomaaliya.

Garsoorayaasha Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arimihii laga soo gudbiyay codsiyada 20-ka jeer Kenya ah in si hufan loogu xallin doono diblomaasiyadeed, sharci dejin, siyaasad iyo faragalin kale, halkii laga gaari lahaa go’aan dastuuri ah.

Codsadeyaasha ayaa ku dooday in ka soo qeyb galka Xeer ilaaliyaha guud ee dacwadu ay noqonayso mid lagu xusayo madaxbanaanida Kenya.

Garyaqaan Kibe Mungai, waxay sheegeen in Kenya ay halis galisay qayb ka mid ah dhulkeeda hadii maxkamada ICJ ay xukuntay in somalia ay doorbido.

Garyaqaanka ayaa sheegay in ay tahay in ay dawladu mudnaanta koowaad siiso danahaheeda qaran, iyo in sida kaliya ee taa loo sameeyo ay tahay iyada oo aan dooneynin in ay tanaasuliso midnimada dhulkeeda ee Kenya.

Go’aanka ayaa lagu sheegay, si kastaba ha ahaatee, in, “kaqeybgalida AG ee dacwadaha waxay fursad u siineysaa fursad ay ku muujiso maxkamada daciifnimada dastuuriga Kenya ee fulinta go aanka hadii ay dhacdo in muranka la xaliyo Soomaaliya.”

Court dismisses petition to bar Kenya from ICJ case with Somalia

A three-judge bench has dismissed a petition to bar Kenyan officials from participating before the International Court of Justice (ICJ) in a maritime dispute with Somalia.

Justices Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima noted on Friday that issues raised in the petition by 20 Kenyans would be more effectively resolved through diplomatic, legislative, policy and other executive interventions, rather than by a constitutional decision.

The petitioners had argued that the Attorney-General’s participation in the case would amount to ceding Kenya’s sovereignty.

Through lawyer Kibe Mungai, they said Kenya risked forfeiting part of its territory if the ICJ ruled in Somalia’s favour.

The lawyer said the government should put its national interests first, and that the only way to do so would be by not seeking to compromise Kenya’s territorial integrity.

The ruling stated, however, that, “the AG’s participation in the proceedings will accord an opportunity to demonstrate to the court Kenya’s constitutional impediments in implementation of the decision in the event the dispute is decided in favour of Somalia.”

Russia oo saldhig ciidan ka sameysanayo Soomaaliya

Moscow (CeelWaaq News) – Dowladda Russia ayaa dooneysa in ay magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya noqoto xarunta saldhig ciidan oo ay qorsheyneyso inay ka sameysato Geeska Afrika, waxaa sidaas laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Xeebta Berbera ayaa aad ugu dhow xeebta Jabuuti, halkaasi oo sidoo kale saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Mareykanka iyo Shiinaha, waana taas sababta la rumeysan yahay in Russia ay u dooratay.

Russia ayaa sidoo kale muujisay inay daneyneyso inay xarun qaabilsan adeegga ciidamada cirka ka sameysato dalka Eritrea, hase yeeshee weli ma cadda halka ay marayaan wada-hadalladaas, sida uu qoray wargeyska New York Times.

Somaliland oo maamusha Berbera ma ahan dal madax banaan, waxayna ka tirsan tahay Soomaaliya, mana cadda sida Russia ay saldhiggaas u sameyn doonto, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Horey waxaa Berbera saldhig ciidan inay ka sameystaan isugu dayey Imaaraadka Carabta, taasi oo dowladda Soomaaliya ay ka hor-timid.

Waxaan sidoo kale caddeyn, sida dowladda Somaliland ay ula sii macaamili karto dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, haddii ay dhacdo inay saldhig siiso Russia, taasi oo Mareykanka uu aad u diidan yahay.

Russia ayaa saameyn xooggan ku lahayd Africa intii uu socday xifaaltanka dalalka Bari iyo kuwa Galbeed ee dagaalkii qabow, hase yeeshee Russia ayaa isaga tagtay Africa wixii ka dambeeyey markii looga adkaaday dagaalkii qaboobaa ee 1991-kii markaasi oo uu burburay Midowga Soviet.

Russia to build military base in Somalia – Media

Russian officials are eyeing a port of Berbera as a location for their base on the coast of Somaliland, a self-declared state within Somalia on the Gulf of Aden, according to U.S. Defense Department officials. Both China and the United States, with military bases in Djibouti, share the same coastline as the potential Russian port.

Russia has also expressed interest in building a naval logistics center in Eritrea, but it is unclear how far along those negotiations are, American officials said, according to NYT.

About 1,500 miles south, down the eastern coast of Africa, Russian military transport planes landed last summer in Cabo Delgado Province in northern Mozambique and, according to American officials, deployed about 160 personnel belonging to the Wagner Group, a Russian private military contractor.

The Mozambique government hired the Russian mercenaries to help beleaguered local security forces combat an insurgency that claimed to be affiliated with the Islamic State. At least seven Russian personnel have been killed in operations, American officials say, underscoring the risks facing troops for hire.

American officials, analyzing what they call great power competition, say they are alarmed by Russia’s growing influence, as well as China’s, as Washington struggles to exert its economic and security goals on the continent.

This campaign for influence is playing out as U.S. Defense Secretary Mark T. Esper is weighing the potential withdrawal of hundreds of forces from West Africa to better counter threats from Russia and China closer to their borders.

But Mr. Esper’s review has drawn sharp criticism from influential congressional Republicans and Democrats who argue that cutting American forces in Africa would help only its rivals.

Source: UNIAN.INFO

Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed {Caydiid aya yiri Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu Shaqo kuma lahan Dib u celinta dadkii Soomaaliyeed ee Xaaladda Caafimaad ay Dawladda Turkigu usoo Qaaday

Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed {Caydiid} oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa yiri “Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu Shaqo kuma lahan Dib u celinta dadkii Soomaaliyeed ee Xaaladda Caafimaad ay Dawladda Turkigu usoo Qaaday

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Dawladda Fedraalka ee Soomaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh iyo Wafdi ay hogaaminayso ayaa lakulmay dhigeeda Wasiirka Wasaardda Biyaha ee Boqortooydda Marroco mudane Abdelkader Amara

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Dawladda Fedraalka ee Soomaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh iyo Wafdi ay hogaaminayso ayaa lakulmay dhigeeda Wasiirka Wasaardda Biyaha ee Boqortooydda Marroco mudane Abdelkader Amara ayna kawada hadleen in Iskaashi labo geesood ah ay ka yeeshaan Maamulka iyo Maarynta khyeraad ka biyaha ee labda wadan.

Waxay labda wasiir isku waafaqeen In la dhiso Guddi farsamo oo ka arinsada sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, Xirfahdaha aqoonta la xiriira hormarinta biyaha iyo Xifidint Aagaga dhowrsoon iyo joogtaynta biyaha looga caawin lahaa Soomaliya.

Sidoo kale waxay Labada Wasiir kawada hadleen Sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, qalabaynta fududeeya Maaraynta Biyaha sida: yaraynta Fatahaadaha iyo kafaa’idaysiga Biyaha Roobka.

Ka dib Waxay Wasiirka Wasardda Tamarta Iyo Kheyraad ka Biyaha booqatay Meelaha laga hirgaliyay Mashriicda Hormarinta Biyaha sida biyo Xireenda waawayn ee loo isticmaalo ujeedooyin badan sida Ka dhalinta quwad koronto, Waraabka Beeraha iyo biyo galinta magaalooyinka.

Somali Foreign Minister concludes in the Diplomatic Institute a protocol workshop for 16 government employees

Mogadishu(CeelWaaq News)- The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, concluded on Thursday, a five-day protocol workshop organized by the Somali Diplomatic Institute, in which 16 employees from the presidential offices, the Prime Minister, the People’s and Senate assemblies of the Federal Parliament, and the Directorate of Immigration and Naturalization participated.

The closing ceremony witnessed the attendance of the Chief of Staff of The Office of the President, Dr. Nur Dirie Hersi, the Permanent Secretary of the Ministry, Mr. Mohamed Isak Aden, and the Director of the Diplomatic Institute, Mr. Yusuf Alasow Mohamud.

This training course is the first for the diplomatic institute after its re-launch with funding from the sisterly state of Qatar on December 02, 2019 after it had been closed for 29 years due to its destruction in civil wars in the country on January 26, 1991.

Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan (cidamada NISA)

Mogadishu (CeelWaaq News)- Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.
Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan…Qorankan waa barta Twitterka soo dhiga madaxa Cidamada NISA ee Dowlada Somalia

https://t.co/u0tnORWWN6

Cidamada KDF Kenya ee Degmada Elwak Kenya ee gobolka Mandera oo manta Heegan la galiyay ila xadka Somalia ee degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo Iyo Akhriso Sababta ka dambeysay

Cidamada KDF Kenya ee Degmada Elwak Kenya ee gobolka Mandera oo Heegan la galiyay ila xadka Somalia ee degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo Iyo Akhriso Sababta ka dambeysay

Gudoomiyaha degmada Elwak Kenya ayaa sheegay in heegan la galiyay Ciidamada Kala Duwan ee Dowladda Kenya Sababa la Xiriiro Cabsi Weerar.

Wuxuu sheegay in ciidamo kale oo dheeri ah la geeyay degaanka Elwak Kenya -CeelWaaq Somalia iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera

Sido kale wuxuu sheegay in Booliska Kenya ay heleen Xog ku aadan Weeraro ay qorsheynayaan Xubno katirsan Al Shabaab oo ku sugan gudaha Gobalka mandera

“Ciidamo badan ayaan aya la geynaya degaano duleedka ka ah degmada Elwak Kenya ila xadka Somalia si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka gobolka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri godomiya Degmada ee Elwak Kenya

Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka

Muqdisho (CeelWaaq News) –Dowladda Maryekanka ayaa u muuqata inay ka hor-timid qorshaha ay dowladda Soomaaliya Galmudug uga qabaneyso doorasho madaxweyne oo aysan qeyb ka ahayn mucaaradka.

Qoraal lasoo dhigay barta twitter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Hanaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay qasab tahay in hanaanka ay ka qeyb-galaan mucaaradka.

“Mucaaradka waa qasab inay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoonaan karo. Hoggaamiyenimada dhabta ah, waa in la ogolaadaa wada-hadal iyo isu-tanaasul.”
Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo guddiga doorashada Galmudug ee dowladda ay taageereyso ay qorsheynayaan inay berri qabtaan doorasho madaxweyne oo ay ka qeyb-galayaan xubnaha dowladda taageersan.

Dowladda ayaa wadata musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, hase yeeshee waxay sidoo kale diiwaan gelisay dhowr musharax oo magac u yaal ah, kuwaas oo isaga u camiraya doorashada.

Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee Galmudug ayaa ku gacan seeray hanaanka doorashada.

Waxaa haatan degmada baardheere ee gobolka gedo soo gaarey saraakiil ay kamid yihiin

Bardera (CeelWaaq News)- Waxaa haatan degmada baardheere ee gobolka gedo soo gaarey saraakiil ay kamid yihiin.

➡️Gudomiyaha maxakamada ciidamada GENERAL SHUUTO.
➡️Taliyaha ciidamada lugta xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi Xamiid Maxamed Dirir.
➡️Taliyaha 43aad jubaland CALI BOGMADOOW.

Saraakiisha ayaa ukuur gali doono xalada ciidamada xooga dalka kusugan degamada bardhere ,iyo bulshada bardhere sida waxgaradka ganacsatada iyo masuuliyiin kale.

Erdogan embarks on 3-country Africa tour

Istanbul(CeelWaaq News)- Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Sunday departed for Algeria, the first stop of his three-nation African tour.

“We are determined to enhance ties with African countries,” Erdogan told reporters in Istanbul before his departure.

The Turkish president is expected to hold a joint news conference with Algerian counterpart Abdelmadjid Tebboune following their bilateral meeting in the capital Algiers. He will also attend Turkey-Algeria Business Forum.

“Through a joint statement to be signed by the two presidents during the visit, the Turkey-Algeria High-Level Cooperation Council will be established,” according to a statement by the Turkish Presidency.

Erdogan’s visit to Gambia will be of historic importance as “it will be the first-ever official presidential visit to this country,” the statement added.

Turkish President’s last stop in Africa will be Senegal.

“Various agreements aimed at strengthening the contractual bases of the bilateral relations with these countries are likely to be signed during the visits. Business forums are also planned to be held in Algeria and Senegal,” the statement added.

Turkey’s First Lady Emine Erdogan is accompanying Erdogan as well as key aides — including Foreign Minister Mevlut Cavusoglu, Defense Minister Hulusi Akar, Technology and Industry Minister Mustafa Varank, Energy Minister Fatih Donmez, head of the Turkish Intelligence Organization Hakan Fidan, Communications Director Fahrettin Altun and presidential spokesperson Ibrahim Kalin.

Turkey-Africa relations have gained substantial momentum since the declaration of Turkey as a strategic partner of the continent by the African Union in January 2008.

Somali National Army in coordination with us parteners conducts series of military operationa against Al-shabab

Mogadishu(CeelWaaq News)- The Federal Government of Somalia, in coordination with and supported by its US partners, conducted a series of military operations over the past two days targeting known terrorist in the al-Shabaab-controlled towns of Jolie and Kunyo Barrow.

These operations show the determination the determination of the FGS to pursue and bring al-Shabaab to justice for the crimes they commit against the people of Somalia.

These operations also highlights the increasing capability of the FGS Security Forces. The inability of al-Shabaab to prevent FGS operations in Jilib shows the fragile state that the terrorist organization is in.

Over the past few years, al-Shabaab has repeatedly loss territory and equipment on the battlefield. Once in control of the Capital of Mogadishu and most of the southern Somalia, al-Shabaab has seen its territory dwindle under the assault of the Federal Government of Somalia, the African Mission to Somalia, and US Forces.

The loss of cities as towns in Lower Shabelle have significantly reduced al-Shabaab’s influence and forced al-Shabaab to rely on terrorist attacks such as the 28 December bombing of innocent civilians in Mogadishu to remain relevant and generate fear amongst the local populace.

The FGS, FMS and its international partners will not rest until every citizen of Somalia is liberated from bondage of al-Shabaab oppression.

These series of military operations also proved that al-Shabaab members have nowhere else to run, and their days are numbered.

At this time, there are no reports of civilians casualties and injuries as a result of these operations.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta  amar lagu kala dirayo maamulka  Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (CeelWaq News)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray CeelWaaq News isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xirtay Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen.

Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga

Qunsulka Safarada Soomaaliyeed Ee Dalka Turkiga ahna safiir ku xigeenka Safarada Bishar Ugaas ayaa Caawa Magalada Ankara kusoo dhaweyay Culimo uu ka mid yahay Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi

Qunsulka Safarada Soomaaliyeed Ee Dalka Turkiga ahna safiir ku xigeenka Safarada Bishar Ugaas ayaa Caawa Magalada Ankara kusoo dhaweyay Culimo uu ka mid yahay Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi.

Qunsulka oo ma talayay safarada ayaa sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweyaan Dadka wax galka u ah Bulshada soomaaliyeed oo culimada ay kow ka tahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Dardar gelinaya Howlaha Shaqo ujooga Magaalada Nairobi ayaa Kulan la Qaatay Madax ka socotay Hayy’adda IOM

Nairobi (CeelWaaq News)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Dardar gelinaya Howlaha Shaqo ujooga Magaalada Nairobi ayaa Kulan la Qaatay Madax ka socotay Hayy’adda IOM oo kala Hadlay Arimaha Xalka Waara ee Dib loogu Celinayo Dadka Barakacayaasha oo Haatan Ku Nool Qeybo kamid ah Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Madaxda Hay’adda IOM ayaa Sheegey in ay Diyaar u yihiin Sidii ay Wax uga Qaban lahayeen Arimaha Barakacayaasha iyo Sidii ay u heli lahayeen Barakacayaasha Guryo ay ka Galaan Roobabka iyo Qoraxda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Dhankiisa Madaxda Uga Mahadceliyey Shaqada Baaxada leh ay ka hayaan Deegaanadda Koonfur Galbeed Waxaana uu ku Dhiira Geliyey inay Sii laba Jibaaran Shaqada ay ka hayaan Deeganadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaana Shirka inta uu Socday Qeyb ka ahaa Madax ka Socotay Hay’addaha Deeqaha Bixiya.

Golaha Wasiiradda ayaa meel mariyay dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda

Mogadishu (CeelWaaq News)- Golaha Wasiiradda ayaa meel mariyay dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka, heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sawiro: Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa diiwaangeliyay qaar ka tirsan Musharixiinta

Dhusamareeb (CeelWaaq News)- Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa diiwaangeliyay qaar ka tirsan Musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxwayne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug, sidookale Guddiga ayaa sheegay waqtiga Araaji qabashada lagu daray sadex maalmood maalinta Jimacahana uu shaqeyn doono Guddiga waxayna ku egtahay diiwaangelinta Musharixiinta 26ka bisha janayo 2020.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox hubeysan

Hargeysa (CeelWaaq News) – Wararka aan helayno ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland uu ku geeriyooday Isbitaalka Hargeysa, kaasi oo dhaawac culus ka soo gaaray dil aargoosi oo loo geystay.

Sida ay ogaatay CeelWaaq news, Sarkaalkan oo lagu magaacabi jiray Maxamed Maxamuud Ilko-qor, ayaa todobaadyo un ka hor lagu toogtay magaalada Qori-lugud, sababo la xidhiidha aargoosi.

Dhowr nin oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa Sarkaalka si gaar ugu beegsaday haybtiisa, kaasi oo ay uga aargudayeen Dable hore oo ka soo jeeday Beesha Habar Jeclo oo lagu diley xerada ciidamada Hargeysa, isla markaan uu dilay Askari ay isku hayb yihiin Sarkaalkan ku geeriyooday Isbitaalka Hargeysa.

Sarkaalkan ayaa heyb ahaan ka soo jeeda deegaanka Fardo lagu-xidh ee gobolka Awdal, iyadoona ay deegaankaasi ka soo wada-jeedaan Ninkii hore ee dilay Dablaha isaga looga aaray, kaasi oo weli gacanta ugu jira Ciidamada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili uu sarre u kacay dilalka lala beegsanayo Ciidamada Somaliland, iyadoona Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi aysan wax war ah oo rasmiya ka soo saarin dilkan iyo kuwa kale ee lala beegsado Ciidamadeeda.

New York Times: Ciidanka Kenya waxay ku dhuunteen cowska markii Al-Shabaab ay soo weerareen Manda Bay

New York (CeelWaaq News) – Wargeyska the New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil milateri oo Mareykan ah ayaa wax ka qoray weerarkii toddobaadyo kahor ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

New York times ayaa daabacay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay.

Wargeyska oo aan sheegin magacyada saraakiisha uu soo xigtay ayaa qoray in markii ay Al Shabaab soo weerareen saldhigga ay ciidanka Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran muddo ku qaadatay in ay ka jawaabaan weerarka, maadaama ciidanka Kenya ee loogu talagalay in ay ilaaliyaan saldhigga ay ku dhuunteen cawska markii uu weerarka bilawday.

Askarta Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee ku sugnaa saldhigga oo xilliga uu weerarka dhacayay la sheegay in aysan ku baraarugsaneyn ayaa markii la weeraray saldhigga, wuxuu wargeyska sheegay in ay ku dhuunteen teendho xerada ku dhisneyd, waxaana ciidanka Mareykanka ay ku qaadatay saacado, si loo samata bixiyo dadka dhaawacmay, kuwaas oo markii dambe la geeyay saldhigga ciidanka Mareykanka ee dalka Jabuuti.

“Weerarka wuxuu tusinayaa in habacsanaan dhanka ammaanka oo aad u daran ay jirto marka la eego saldhigga halka uu ku yaala oo ah xuduudda Soomaaliya,” ayuu yiri Murithi Mutiga, oo katirsan hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG.

Ciidanka Mareykanka ayuu wargeyska sheegay in ay aad isugu haleynayeen ciidanka Kenya ee ilaalada ka ahaa xarunta, kuwaas oo uu sheegay in loo igmaday in ay ilaaliyaan saldhigga, maadaama ciidamada Mareykanka ay halkaas ku yar yihiin.

“Ciidanka Kenya uma diyaarsana oo uma tababarno sida kuwa Mareykanka, wayna sahlan tahay in Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhigga marka uu weerar dhaco,” ayuu yiri Michael Waltz oo hore uga soo mid noqday ciidanka Mareykanka ee Afrika jooga.

Wargeyska ayaa sidoo kale soo wariyay in saraakiisha Mareykanka ay aad ula yaabeen ciidanka Kenya kadib markii ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 6 ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen dad goobjoogayaal kadibna lasii daayay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Safar Shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Dalka Kenya ayaa Kulan la Qaatay Hay.addaha Somaliya Ka caawiya Mashaariicda Hormarineed

Nairobi (CeelWaaq News)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Safar Shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Dalka Kenya ayaa Kulan la Qaatay Hay.addaha Somaliya Ka caawiya Mashaariicda Hormarineed Waxaana uu kala Hadlay Sidii Koonfur Galbeed ay Qeyb uga Noqon lahayd Mashaariicda

Qaar kamid ah Madaxda Hay.addaha ayaa Madaxweynaha Ka Dhageystay Qorshahooda 4Sano Mashaariicda ay Doonayaan inay ka Fuliyaan Gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Madaxda kala Hadlay Kordhinta Mashariicda Si Bulshada Reer Koonfur Galbeed ay uhelaan Adeegyo Dhamaystiran

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Mogadishu,(CeelWaaq News)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA QM EE CUNAQABATEYNTA HUBKA

Muqdisho, (CeelWaaq News)- Jannaayo 22, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

Video: NISA oo caawa soo bandhigtay fanaanka Al-Shabaabka ah ee la xiray

Video: NISA oo caawa soo bandhigtay fanaanka Al-Shabaabka ah ee la xiray

January 21, 2020

Muqdisho (CeelWaaq News) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

CeelWaaq News ayaa shalay noqotay warbaahinta kaliya ee baahisay xogta ku saabsan in la qabtay fanaankan ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu sidaas qirtay.

NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”.

Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

Muqdisho,(CeelWaaq News)- 21 Janaayo 2020) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhacdadan ka hadlayay ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo weerarrada soo noqnoqdey ee lala beegsanayo Isgaarsiinta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo; Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ugu dambeeyey uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha shacabka deegaanada ku xeeran degmada Afmadow.

“Waxa aan ka xunnahay in ay weli sii socdaan weerraradan oo si weyn u dhibaataynaya ganacsiga iyo nolosha shacabka deeganada Jubooyinka, waxa aan hubnaa in cidkasta oo ka dambeysa falkan degdeg loola xisaabtami doono” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxa ay diiwaangelisay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerrarada loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ee deeganada Jubbooyinka iyo Gedo, waxa ayna kala shaqeysanaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda sidii looga qaadi lahaa tallaabooyinka ku habboon si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Nin argagixiso ah oo daaha ka qaadaya sirta maleeshiyaadka xag jirka ah

Muqdisho(CeelWaaq News)- 26 Jumada al-Awal 1441 – Janaayo 21, 2020 (Sauna) – Nin la yiraahdo Al-Zubayr al-Muhajir ayaa ka soo muuqday cajalad maqal ah isagoo sheeganaya inuu ka soo goostay maleeshiyaadka dhalinyarada ah ee al-Qaacida xiriir la leh ee qarsoodi ah oo laxiriira qaddarka dhaqdhaqaaqa fallaagada, kaas oo laxaadka daciifka daran ee dagaalka uu kula jiro ciidamada qalabka sida ee qaranka. Gallant.

Ajaaniibtaan, oo ku nooleyd gacmaha Al-Shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay, oo duubay farriin maqal ah oo ku qoran af-soomaali jabtay, waxay tilmaameen in dhaqdhaqaaqa Takfiri uu ka weecday halista sharciga Islaamka iyo codsigiisa, isagoo sharraxay in unugyada argaggixisada ay xubno ka yihiin dagaalyahannada Al-Qaacida ee Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqeeynayay inay tirtiraan dhowr astaamood oo safka hore ka jira, sida Ibraahim. Afqaanistaan, iyo Moorehan Burhan, oo muujinaya heerka dhaqankooda foosha xun iyo dhaqanxumada ay ku dheehan tahay indhaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Argagixisada ajnabiga ah waxay tiri: “Muranka waxaa si aad ah uga argagaxay kooxda hoggaamiyeyaasha sare ee dhaqdhaqaaqa dhalinyarada tan iyo sanadkii 2009, mana ku heshiin muddooyinkii ugu dambeeyay qaraxii foosha xumaa ee ka dhacay” Hotelka Shamo “ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dilka iyo dhaawaca muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan saraakiil sarsare. Heerka, “ayuu raaciyay, wuxuu ka shaqeeyey guddiga garsoorka, oo uu ka mid ahaa Axmed Ghadni, hogaamiyaha dhalinyarada ku dhimatay weerarka cirka, Fouad Shingli, iyo Ibrahim Afghans oo ay dileen kooxda argagixisada.

Wuxuu sharaxaad ka bixiyay sababta loo soo musaafuriyey Ibrahim al-Afghan, iyo macallin Burhan, wuxuuna ku xukumay saddex sano oo xabsi ah, isagoo yiri: “Maleeshiyaadka way ka feejignaadeen xakamaynta xukunka Soomaaliya.”

Marka laga hadlayo fikirka dhalinyarada, argagixisadu waxay sharaxday in malleeyshiyaadkan ay sii wadaan u dulqaadashada dhiigga daadanaya dadka aan waxba galabsan ee ka socda Soomaaliya, isla mar ahaantaasna ugu baaqaya ragga dhallinyarada ah in ay ka goostaan darajadooda oo ay aadaan dagaalka oo ay ka shaqeeyaan sidii loo daadin lahaa, maxaa yeelay unugyadan ayaa aad uga fog dulqaadka Islaamka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Al-Shabaab ay diidey inay dhex gasho darajooyinka ururka argagixisada ah ee ISIS, iyagoo ka baqaya luminta shaqsiyadda madaxbanaanida iyo masuuliyada hogaaminta ay ku raaxaysatay geeska afrika intii ay gacanta ku haysay qaar ka mid ah koonfurta iyo bartamaha, sida ka dhacday Nigeria.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in maleeshiyada dhalinyarada, oo qirtay inay ka dambeeyeen qaraxii “X-control Afgoye”, ay ahayd inay bixiyaan lacagta dhiiga dadkii, waxay ku amreen iyaga: “Haddii aadan dalban Islaamka, maxaad u khiyaanaynaysaa ragga dhallinyarada ah?”

Al-Zubayr wuxuu ka dhawaajiyay in fallaagada ay doonayeen inay meesha ka saaraan, laakiin wuxuu yidhi, “Kama baqanayo geerida, wuxuuna sii wadaa inuu ku faafiyo runta argagixisada.”

Maantay waxaa Saladanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay Caasimadda dalkaas Masqad

Cuman(CeelWaaq News)- Maantay waxaa Saladanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay Caasimadda dalkaas Masqad.

Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garuunka diyaaradaha, waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas.

Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doona Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdi Casiis Maxamed Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Nairobi (CeelWaaq News)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdi Casiis Maxamed Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi & Safaarada Soomaaliya ee ku leedahey dalka Kenya ayaa soo galbisey

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Maamulaha Shirkadda Enez Oo Ka Hadlay Dardar Gelinta Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Maamulaha Shirkadda Enez Oo Ka Hadlay Dardar Gelinta Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii loo geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya Al-shabaab .
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si loo muujiyo in weerarada al-shabaab ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka.

Madaxweynaha Turkiga:”Dowladda Somalia waxay naga codsatay inaan Shidaal ka baarno Baddaha Soomaaliya..”

Madaxweyne Turkiga ayaa maanta markii u horaysay daboolka ka qaaday in dawladda Somaliya ay Turkiga ku casuuntay inuu shidaal uga baaro baddeeda kadib markii uu Turkigu heshiis dhinaca badda ah la saxiixday dawladda Libya.

Erdogan ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Soomaaliya, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan badda Soomaaliya uga soo saari doonaan shidaalka ceegaaga

الجيش الوطني يقتل قيادات وعناصر من مليشيات الشباب في إقليم جوبا السفلى

جمامي 24 جمادى الأولى 1441 – الموافق 19 يناير 2020 (صونا) – نجح الجيش الوطني وبالتعاون مع قوات الدراويش في تصفيه قيادات وعناصر من مليشيات الشباب المرتبطة بتنظيم القاعدة ،والإستيلاء على قاعدتهم في ضواحي منطقة جمامي التابعة لإقليم جوبا السفلى.كما تمكنت القوات المشتركة من إستعادة السيطرة على عدة مناطق هامة وحيوية من قبضة مليشيات الشباب المتطرفة.وقال العقيد إدريس كوسو شيخ عبدي، لوسائل الإعلام الدولة إنهم ألحقوا خسائر فادحة بميليشيات الشباب ورفع المعاناة التي فرضتها المليشيات المتمردة على السكان المحليين.وبدأت عناصر مليشيات الشباب في الفرار والإنسحاب من المناطق التابعة لإقليم جوبا السفلى بعد مواجهة عسكرية عنيفة مع الجيش الوطني الصومالي وقوات الدراويش لولاية جوبالاند.

Faah-faahino kasoo baxaya dagaal culus oo caawa ka dhacay degmada Marka

Marka (CeelWaaq News) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa salaadii makhrib ee caawa kadib waxay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Wararkii ugu dambeeyey aan ka heleyno Marka waxa ay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaaladaas ay iska caabiyeen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka soo weeraray magaalada, waxuuna dagaalka xoogiisu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada, gaar ahaan xaafadaha Buulo-bacaad, Rusiya, kawaanka Malaayga iyo goobo kale oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October.

Dad ku sugan magaalada Marka ayaa noo sheegay in goor dhaw uu joogsaday dagaalku, haatana rasaas goos-goos ah laga maqlayo qeybo ka tirsan magaalada, gaar ahaan goobihii lagu dagaalamay, taas oo ay ridayaan ciidamada dowladda.

Sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha ku sugan magaalada Marka kooxihii weerarka soo qaaday oo markii hore dagaal ku galay qeybo ka tirsan magaalada ayaa dib uga laabtay, kadib markii ay iska cabin kala kulmeen ciidanka militeriga Soomaaliya ee guutada 14-ka October, kuwaas oo ka howlgala degmada Marka iyo tuulooyinka hoos taga.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas ayaan weli la ogeyn inta uu dhanyahay, faah-daahina kama bixin saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka caawa lagu weeraray magaalada Marka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Ali Hassan, ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Mr. Medani Abass Medani

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Ali Hassan, ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Mr. Medani Abass Medani.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa halkaas kaga qeyb-gali doona xafladda furitaanka bandhigga Ganacsiga Caalamiga ah ee Khartuum oo qabsoomaya 20 illaa 27ka Jannaayo.

Safarkan ayaa ahmiyad weyn u leh dalka, waxaana uu sii xoojin doonaa xidhiidhka Ganacsi ee hore uga dhaxeeyey labada dal iyo weli ba inuu kor u qaadayo dedaalada socda ee dhinacyada is-dhaafsiga Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan Dardaaran ah la-qaatay Cutubyo katirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan Dardaaran ah la-qaatay Cutubyo katirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lagu Wado in Dhowaan ay ka howl-galan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka wasaaradda Amniga Koonfurgalbeed Ee Somaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga Qiibta 60aad, UN Police ,amisom police ,Koox injineero ah ayaa manta so kormeerey Xaruunta ADC

Wasiirka wasaaradda Amniga Koonfurgalbeed Ee Somaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga
Qiibta 60aad, UN Police ,amisom police ,Koox injineero ah ayaa manta so kormeerey Xaruunta ADC oo Lagu sameyn doono Dayactir cusub
Loona diyaarinaayo in ay Noqoto Xaruunta Tababaradda Ciidanka Booliska Koonfurgalbed Ee somaalia

Wasiirka wasaaradda amniga ayaa sheegey in Xaruntaan ay noqon doonto Dugsiga Tababaradda ugu weyn Koonfurta somaalia Sida ugu dhaqsiyaha badan Loso gabagabeyn doono, sido kale Amisom boolis sarkaal u hadley ayaa sheegey in Xaruuntaan ay tahay . Meel markiiba Lagu tababari karo ku dhowaad
Kun Askari iyo ilaa Kun iyo Shanboqol oo askari

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Xaraga ka jaray Idaacada ku hadasha afka Dowlad Goboleedka K/Galbeed Qaybteeda Degmada Marko

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Xaraga ka jaray Idaacada ku hadasha afka Dowlad Goboleedka K/Galbeed Qaybteeda Degmada Marko.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dowlad Goboleedka KG ,Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose, Gudoomiyaha Degmada marka iyo Masuuliyin kale oo katirsan Dowlad Goboleedka KG ayaa waxaa siwada jir ah ay xarigga uga jareyn Raadiyaha Koonfur Galbeed ee qaybtiisa Degmada Marko.

Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa wada dadaalo ay ku doonayso inay Balaariso Xaruumaha Idaacada Koonfur Galbeed ayidoo Xaruuntii 6AAD Maanta laga hergaliyey Degmada Marka Xaruunta Gobolka Sh/hoose.

Amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda

Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

Ciidanka kumaandooska Qaranka oo ay wehliyaan ciidanka daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka howlgal qorsheysan ku qaaday goob kooxda Al-shabaab ay kaga sugnaayeen buundada araare

Ciidanka kumaandooska Qaranka oo ay wehliyaan ciidanka daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka howlgal qorsheysan ku qaaday goob kooxda Al-shabaab ay kaga sugnaayeen buundada araare islamarkaana ay ka abaabulayeen qaraxyo ay ku dhibaateeyaan shacabka waxaana ay ciidanku toogteen maleeshiyadii halkaasi ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ee ku sugan jubbooyinka ay u diyaarsanyihiin ka hortagidda dhagarta kooxaha arggaggixisada ah.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada ay ka hortageen weerar ay damacsanyeen cadawgu in ay ku soo qaadaan deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo maleeshiyada Al-shabaab looga dilay afar dhagarqabe

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug ayaa waxaa loo doortay Fadumo Cabdi Cali

Dhuusamareeb (Ceelwaq News) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa la doortay kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, oo ay codeeyrrny 89 xildhibaan.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, waxaana 59 cod helay Cabdullaahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug, halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod.

Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa waxaa aad u taageerayey kooxda Ahlu-Sunna, waxaana guul-darradan ay ka dhigan tahay in kooxda ay u muuqato inaysan wax jago sare ah ka heleyn hoggaanka Galmudug

Dhinaca kale, Cabdullahi Xirsi Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Dir, waxaana la sheegay inuusan kooxna ku xirneyn.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug ayaa waxaa loo doortay Fadumo Cabdi Cali, waxaana ay ka guuleysatay Maxamed Axmed Maalin.

Duqeyn Lagu Khaarajiyay Maleeshiyaad katirsanaa Xagjirka Alshabaab oo galabta laga fuliyay gobolka shabeellada hoose

Duqeyn Lagu Khaarajiyay Maleeshiyaad katirsanaa Xagjirka Alshabaab oo galabta laga fuliyay gobolka shabeellada hoose.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaloyeed oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16 January duqeyn cirka ah ka fuliyay degaan 25 KM dhanka wuqooyi kaga beegan degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabellada hoose Halkaas oo ay ciidanku ku dileen labo ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

War ka soo baxay saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa horgooyaal cadawga ka tirsan isla markaana intii howlgal kaasi socday aan wax khasaare ahi soo gaarin dadka shacabka ah.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo(CeelWaaq News)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mdaxweyne Waare iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaati Gaduud Airpor kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle ee Baydhabo waxaa ay tahay ka qeyb galka shirweyn Maalinta berri oo talaado ah ka furmaya Magaalada Beydhabo.

Shirka ka furmaya halkaas ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo horumarinta Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

Degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo ayaa ciidamo Kenyan ee AMISOM aya cawa Hiigan Ku jiro hadana isku gadaamay ama Xiray Xaafadaha Holwadag ee ku teedsan agagarkoda

Ciidamo katirsan Dowladda Kenya ee AMISOM isku sheeg ee degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo ayaa isku gadaamay ama Xiray Xaafadaha Holwadag ee ku teedsan agagarkoda.

Dadka deegaanka oo la hadlay CeelWaaq News ayaa sheegay iney Caawa arkayaan gaadiidka nuuca dagaalka oo lagu jaray dhamaan Wadooyinka dhax mara Xaafadahaasi Holwadag ee degmada CeelWaq.

Lama oga Sababta rasmiga ee ciidamada isugu hareereeyeen Dhaman Xaafadahaasi caawa lagu arkayo ciidamo badan oo katirsan Dowladda Kenya ee AMISOM

Sido kale lama Xaqiijin karo inuu jiro howlgal caawa ka socda halkaasi, maadaama isku weer laga qabtay dhamaan Xaafadaha oo ciidamo badan lagu daadiyay cawa.