Suicide bomber kills several in Mogadishu ice-cream parlour

At least seven people were killed and 10 others injured in the attack, according to police sources.

A Somali policeman secures the scene of a suicide explosion at a restaurant near a police academy, in Mogadishu [File: Feisal Omar/Reuters]
A Somali policeman secures the scene of a suicide explosion at a restaurant near a police academy, in Mogadishu [File: Abdi Adam Issack/Reuters]

A suicide bomber blew himself up in an ice-cream parlour in the Somali capital, Mogadishu, killing seven people, a police official said.

Ten others were wounded in the attack on Friday, said senior police officer Mohamed Dahir. The death toll could rise as the critically injured were rushed to nearby hospitals, he added.

The Gelato Divino restaurant is located near K4 Junction in the heart of Mogadishu, near the international airport.

This latest attack comes days after five people were killed in Mogadishu on November 17, after a suicide bomber blew himself up in a restaurant near a police.

It was not immediately clear who was responsible for the blast on Friday, but the armed group al-Shabab – which is allied with al-Qaeda – frequently carries out bombings in the capital and elsewhere, including the attack on November 17.

Thousands of people have died in the fighting between the armed group and the Somali government forces in the past 30 years.

In August, 10 civilians and a police officer were killed in a gun-and-bomb attack by al-Shabab on an upscale beachfront hotel in the capital.

That same month, four al-Shabab fighters held in Mogadishu’s central prison were killed in an encounter with security forces after they somehow managed to get their hands on weapons within the facility.

At least seven people were killed in a separate attack in August when a car bomb exploded at an army base in Mogadishu where members of the Somali National Army (SNA) were stationed.

Golaha Wasiirada DG Puntland oo fadhi degdeg ah ka yeeshay Duufaanta GATI.

Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fadhi degdeg ah la yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas, waxa ay diiradda saareen xaaladda Magaalo xeebeedyada Gobolka Bari.

Image may contain: 9 people, people standing, wedding and outdoor

Golaha Wasiirada ayaa dhageystay Warbixinta ku simaha Madaxweynaha ee la xiriirta xogta uu uruuriyay saacadihii lasoo dhaafay oo Roob Dabayl wata uu ku da’ay Degmooyinka dhulka Badda kulaala.

Image may contain: 3 people, people sitting

Wasiirada ayaa dhankooda gudbiyay taladooda degdega ah si wax loogu qabto dadka kunool Deegaannada qaar oo isgaarsiinta ka go’ay, isla markaana aan laga heyn wax warbixin toos ah oo xaaladda deegaannadaas ah.

Image may contain: 5 people, people sitting, suit and shoes

Duufaanta GATI ayaa kasoo bilaabatay Badda, saacadihii lasoo dhaafay waxaa qaylo dhaan la gaarsiinayay dadka u badan kalluumeysatada ee kunool deegaanno Xeebeedyada Gobolka Bari si aysan gudaha badda u gelin, sidaas oo kale dadka deegaanka ay ka fogaadaan Xeebaha.

Image may contain: 5 people, people sitting, living room and indoor

In ka badan 5-ruux ayaa dhimatay oo Soomaali & Ajaanib ah, balse waxaa la helay xogta Shan kalluumeysato reer Yemen ah oo geeriyootay, kadib markii doomihii ay la socdeen biyaha roobka & dabaysha xooggan ay rogeen.

Image may contain: 1 person, sitting

meelaha ugu badan ee duufaanka GATI laga soo sheegay waxaa kamid ah Xaafuun, waxaana go’ay adeegga isgaarsiinta ee shirkadaha Teleefanada bixiyaan, taasi waxa ay adkeysay in xog sugan laga helo.

FARRIINTA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan,,

Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

DHAMMAAD

Foreign Affairs PS says this will attract more Somali tourists to Kenya

Foreign Affairs Principal Secretary Macharia Kamau has said there are great unexploited trade opportunities between Kenya and Somalia.

He cited tourism, which he said remains greatly unexploited, noting that currently Kenya receives 32,268 tourists from Somalia annually.

He said the number can be tripled if the visa protocols are enforced and issued on arrival.

Macharia said Somalia is on the cusp of a turnaround that could position it as an important country for business, trade and cooperation and could soon be a major source of tourist and hotel revenue for Kenya.

He said countries like Uganda, Djobouti, Ethiopia  and Turkey have seen the potential of Somalia and have direct flights to Mogadishu, something Kenya Airways should consider.

Mcahraia was in Mogadishu to visit the Kenyan Embassy and assess its situation.

“I have traveled to Somalia with a small delegation from the Ministry of Foreign Affairs that included the Director of Human Resources and Management and other specialists to look at the situation of our diplomatic team in Somalia,” Kamau said in a statement on Sunday.

He said about 35,000 Kenyans presently live in Somalia while some half a million Somalians also reside in the Kenyan refugee camps with about 1.5 million integrated over time.

The integration ration of Somalians to indigenous Kenyans remains among the highest in Kenya, the said the PS.

During his tour, Macharia looked at the living conditions in Mogadishu and discussed strategic and security matters that are of concern to Kenya’s mission on operations in Somalia.

“While here I’ve also had the opportunity to discuss other important matters with the PS and Minister of Foreign Affairs and the new Minister of Commerce that have touched on trade and cooperation between our two countries,” he said.

He also engaged a number of international partners including the ambassadors of the European Union, the UK and the US.

The PS also held talks with the political and military leadership of African Union Mission in Somalia (Amisom) based in Mogadishu and explored cooperation and opportunities between Somalia and Kenya.

“The promise of trade and business exchanges between the two peoples of Kenya and Somalia is phenomenal and it could be transformational for both economies and societies,” said Kamau.

He said the significant political and security challenges between Kenya and Somalia in the last decade should not bar what would be the enormous benefits from cooperation and business in the two countries.

The PS said so far, Kenya has offered Somalia 500 plus scholarships in various areas of study and skills development to help the Somali state build capacity and skills for development.

Somalia has in turn offered many young Kenyans opportunities for work in Mogadishu and other places in the country in areas of education, the hotel industry, as well as the construction industry.

WASIIRU DOWLAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO XILKA LA WAREEGAY

Mogadishu-(CN): Wasiiru Dowlaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay Wasiiru Dowlihii horay u hayay Mudane Cabduqaadir Sheikh Cali Baqdaadi.

Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiiru Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiiru Dowlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheikh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayay iyo kuwa horyaalla Wasiiru Dowlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiiru Dowlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Kuxigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

Dhacdadii foosha Xumeed ee Ka dhacday Degmada CeelWaaq 22ka Bisha 9aad 2020:

Mogadishu , (CN)- kadhacdey deegaanka Yadoo ee hoostagta degmada CeelWaaq ee gobolka Gedo Somalia ay Cidamada Kenya ku afduubtey 3 rag ah halka wil dhalinyara ahna kugeeriyoodey. Waxaa maanta degmada CeelWaaq ay Cidamada Kenya kentay sadexdii nin ay ka afduubey kadib socdalkii oo ku imaday gobolka Gedo Somalia Talyaha Cidamada Xooga Dalka Somalia Gernal Odowa Yussuf Rage iyadoo ay xusid mudantahay in deysmada ragaani sida Mamulka Gobolka Gedo ay kawada hadleen dowlad Somalia iyo Dowlada kenya oo ay xaduud wadaagaan islamarkaana ay dhimanyihiin afar kale oo laga afduubtey Tulada Darusalam ee hoostagarta degmada CeelWaaq waxaana madasha laga sheegey in kuwa harayna ay dhawaan lakeeni doono degmada CeelWaaq.

Bankiga dhexe ee Dalka oo ka hadlay in dacwado loo haysto qaar kamid ah bangiyada kuyaala Soomaaliya.

Mogadishu, Somalia(CN)- Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo jiritaanka in dacwad laga gudbiyay bankiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala Soomaaliya.
Masuuliyiinta bankiga dhexe waxay sheegeen in saxaafadda looga been abuurto qaar kamid ah bangiyada dalka, inkastoo bangigu uusan caddayn waxa ay tahay been abuurka laga sameystay.

Hadalka Bankiga ayaa kusoo aadaya warbixin dhawaan lagu daabacay wakaalada Newyork times, taasoo ku saabsanayd in ururka Al-shabaab dhaqaalaha kasoo gala canshuuraha ay ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah ee kuyaala Soomaaliya.
Newyork Times oo soo xiganaysay nuqul kamid ah warbixin ay diyaariyeen guddi katirsan Qaramada Midoobay oo baaritan ku sameeyay lacagaha Alshabab kasoo gala cashuuraha, ayaa waxaa warbixinta kasoo muuqday Salaam Somali Bank oo warbixinta lagu sheegay inuu yahay bankiyada maxalliga ah ee Shabaabka dhaqaalaha ku kaydsadaan.
Balse, warbixinta laguma xusin wax dambi ah ama dacwad ah oo loo haysto bankiga iyo masuuliyiinta madaxda ka ah. Balse, qaar kamid ah baraha bulshada, ayaa lagu faafiyay in bankiga lagu helay inuu taageero argigixisada, dacwadna ay ku socoto.

Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Golaha Shacabka Ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble

Muqdisho, Oktoobar 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY EHELADA IYO QARAABADII MARXUUM CALI KHALIIF EE KA SOO QEYB GALAY AASKII QARAN

Muqdisho, Oktoobar 12, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Labo Maalmood ah ay uga bilaabmatay dalka Ereteriya

Asmara, Oktoobar 4, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO JUBBA KAGA QAYB GALAYA MUNAASABADDA DHAQAN-GELINTA HESHIISKA NABADDA DALKA SUUDAAN

Jubba, Oktoobar 03, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

DHAMMAAD

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Mogadishu– Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee hagaya Doorashooyinka 2020/2021 ee Heer FederaalHabraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee hagaya Doorashooyinka 2020/2021 ee Heer Federaal

Muqdisho, 1 October 2020

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020/2021

Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021

Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21

  1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh.

Qaab-dhismeedka Guddiga

  1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.
  2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.
  3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar.
  4. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.
  5. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).
  6. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021:

  1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.
  2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.
  3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato.
  4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.
  5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah.
  6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa.

Xilalka & Waajibaadka:

Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:

  1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ;
  2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);
  3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah;
  4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;
  5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.

DHAMMAAD

Dowladda Soomaaliya oo ka dalbtay Amisom in ay baarto eedda la xiriirta Askar katirsan Amisom oo rasaas ku furtay dad rayid ah!

CeelWaaq NEWS– Sida lagu sheegay Warqadda tirsigeedu yahay OP/NSA/0834/02 oo uu ku saxiixan yahay la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; kuna socotay danjire Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Askar katirsan Amisom ayaa rasaas ku furtay muwaadin Soomaali ah 12-Sep-2020 oo ku beegnayd todobaadkii ugu dambeeyey bisha September.Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya-Photo / Ilyas Ahmed

Sida lagu muujiyey xaashida dowladda Soomaaliya ayaa aad uga Welwelsan Sawirro iyo muuqaallo horor ah oo lagu sheegay Warqadda in la baahiyey, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay Amisom in ay dhacdadan kusameyso baaritaan degdeg ah islamarkaana daahfuran.

Xaashida la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; ayaa lagu yiri: “Waxa aan ka codsaneynaa ergada midowga Afrika ee joogta Soomaaliya in ay baaritaanada hordhaca ah la wadaagto ama tusto xukuumadda Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa aan dalbaneynaa in la soo sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhammeeyo baaritaanka si ay u suuragasho in la xisaabiyo kuwa ku lugta leh”Midig: Abdisaid M. Ali, la taliyaha Ammaanka qaranka ee MW Farmaajo

Sida ay shaaciyeen hay’adaha Human Rights Watch & Amnesty International ciidanka Amisom ayaa Soomaaliya ka geystay tacadiyo kaladuwan oo lid ku ah xuquuqda aadanaha hayeeshee AMISOM ayaa diidday eedaha loo jeediyey ee la xiriira ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.

Ciidanka howlgalka midowga Afrika ayaa dhowr mar oo hore geystay dilka dad rayid ah

SAWIRO: Baroordiiq manta lagu qabtey guriga hooyooyinka degmada CeelWaaq Somalia

CeelWaaq Somalia -26/9/2020: Waxaa maanta oo sabti ah munaasabad barordiiq ah lagu qabtey guriga hooyooyinka degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo waxaana halkaa tacsi iyo duco loo mariyey ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay AU. Marxum Abdullahi Warsame Abeyle oo lagu diley Tuulada Yadoo oo katirsan degmada CeelWaaq Somalia ee Gobolka Gedo.

Xidhibanka Degamada CeelWaaq Cabdi Cali aya yiri Al-Shabaab ‘oo gacanta ku haya’ ergooyin soo xulaya xildhibaanada Degmada 2020/21

Muqdisho (CN) – Waxa muddooyinkii dambe isasoo taraya walaaca baahsan ee laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay faragelin toos ah ku yeelan karto doorashada soo socota ee dalka.

Badhtamihii sanadkan ayey Villa Somalia banaanka keentay saadaalin ay ku sameysay suurta-galnimada in Al-Shabaab ay xubno ku dhex yeelan karaan baarlamaanka lasoo dooran doono, iyaga oo gabaad ka dhiganaya nidaamka qabiiliga ah (4.5).

Dhawaaqaasi kadib, waxa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo suurta-galnimada arrintaasi, oo siyaasiyiinta qaar ay u arkaan mid aan si dhab ah looga diyaar garoobin.

Cabdi Cali, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa isaguna qaba in arrintaasi ay tahay mid xaqiiqo ah oo aan indhaha laga laaban karin, maadama uu ku doodayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milantay dhalinyarada iyo ururada bulshada.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan ay Al-Shabaab gacanta ku hayso ergooyinka soo xulaya xildhibaanada golaha, midaasi oo u fududeynaysa kamid noqoshadooda, mar haddii ay odeyadu qaadanaya awaamiirtooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shabaab dhalinyaraday kamid yihiin, odayaasha dhaqankay kamid yihiin, iyagaana isku daray oo baarlamaanka soo socda, inta ugu badan odayaashu waxay qaadanayaan wixii ay u yeeriyaan” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Aniga odaygeyga Shabaab ayuu ka diiwaan gashan yahay waxay iyaga amraan buu sameynayaa. Markaa baarlamaanka soo socda kala badh (50%) wuxuu noqon karaa Al-Shabaab”.

Dhinaca kale, Heshiiskii dhawaan lagu gaaray Villa Somalia, ayaa noqon kara mid dhabaha u xaadha rabitaanka Al-Shabaab, sida ay aaminsan-yihiin falan-qeeyayaasha qaarkood.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in codeynta soo socota ay noqoto mid ku saleysan nidaamaka qabiilka, taasi oo la fahamsan yahay inay noqon karto jaran-jar ay Shabaab uga mid noqoto golaha, iyada oo habkaasi raaceysa.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY MADAXDII KA QEYB GASHAY SHIRKII DOORASHOOYINKA EE MUQDISHO

Muqdisho, Sebteembar 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

DHAMMAAD

WAR-MURTIYEED : SHIRKA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA

Mogadishu,Somalia (CEELWAAQ NEWS)- Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.

Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3.

Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.

Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda;

  1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
  3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
  4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
  6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
  8. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
  9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
  12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
  13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
  14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
  15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee lagu dhammeystirayo Heshiisyadii Samareeb 1-3.

https://t.co/aPozHxA4Fk

DHAMMAAD

Taliyaha qeybta labaad ee Cidamada Kenya AMISOM Brigadier Paul Njema oo kala tashanayo Odhayasha dhaqanka Degmada CeelWaaq sida loo dhisi laha darbiga Xudud beledka Somalia iyo Kenya

CEELWAAQ NEWS: Taliyaha qeybta labaad ee Cidamada Kenya AMISOM Brigadier Paul Njema ayaa maanta wadahadalo ku saabsan amniga iyo sida darbiga oo dhisi laha la yeeshay Odayasha dhaqanka iyo ciidamada amaanka Jubaland iyo maamulayaasha deegaanka ee deegaanka Burahache/CeelWaaq Somalia, gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

“Hada nahay Cidamada Kenya ee AMISOM waxaa ku howlanahay Qorsho aan rabto inan Dharbiga ku dhisno sida dhartiid waxaan rabna inan ka helno Odayasha dhaqanka tageero si ana u sameyno Kalaguurka Soomaaliya oo dhawaan arki doona dhamaan kadibna sida Bulshada Degmada, Odhayasha dhaqanka si aan masuuliyadaha dhanka amaanka oo ku wareejino. Waxaa naga go’an inaan siino hagitaan waxaana idiin xaqiijineynaa inaan sii wadi doonno wadashaqeynta si looga sifeeyo walaha haray ee Al Shabaab,” ayuu yiri Brig Njema .

AMISOM Sector II Commander Brig. Paul Njema today visited & held talks with the commanders of #Somali Security Forces & local administrators in #Burahache, #Gedo region in Southern #Somalia. https://t.co/o2zlmuiTwy

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHADKA TALEEFANKA KULA XIRIIRAY RAIISUL WASAARAHA SUUDAAN

Muqdisho, Sebteembar 14, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la dareemayaan walaalahooda Suudaan murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda dalkaas aan walaalaha nahay khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhshay fataahadaha ku dhuftay dalkaas.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed garab istaagga walaaltinimo ee ay u muujiyeen dalkiisa, gaar ahaan in Muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan dalkeenna laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.

DHAMMAAD

KUXIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO XILKA LA WAREEGAY

Muqdisho, Sebteembar 14, 2020; Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horey u hayey xilkaas Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

“Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.”

Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GUDDOOMIYEY FURITAANKA SHIRKA WADATASHIGA DOORASHOOYINKA

Muqdisho, Sebteembar 13, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

DHAMMAAD

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha, “Hagardaamada Aragagixisadu Ma Hakin Doonto Dadaalka Loogu Jiro Nabad Kusoo Dabaalidda Dalkeenna”

Muqdisho; Arbaco, September 09, 2020—-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”.

—DHAMMAAD—-

Sawiro: Madaxweynaha Dowladda Galmudug,Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya

[Muq: (CEELWAAQ NEWS) 9-Sept:2020]

Madaxweynaha Dowladda Galmudug,
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Midawga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden, IGAD, Midawga Afrika.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021,
sidii loo dhammeystiri lahaa is heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb[3] si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

-DHAMMAAD-

SNA, AFRICOM release jointly military update

Mogadishu(CEELWAAQ NEWS)- On September 7th, 2020, the Federal Government of Somalia, in partnership with U.S.
AFRICOM troops, stymied an Al-Shabaab suicide attack in the vicinity of Jannay Abdalle village
about 60km north of Kimsayo this morning 8:am, East African time. Al-Shabaab attempted to pass
the checkpoint and attack the military compound near the area but were quickly deterred by U.S. and
FGS forces.
The spokesperson of the Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government
of Somalia, Ismael Mukhtar, confirms the death of two SNA soldiers and the injury of three others at
Jannay Abdalle village about 60km north of Kismayo today. U.S. AFRICOM has also confirmed one
U.S. Soldier wounded in action, and one Al-Shabaab militant killed.

The U.S. regularly conducts advice and assist missions with Somali partner forces. The collective
efforts of the U.S. and Somalia place pressure on Al-Shabaab, limiting their ability to extend their
reach and movement. Al-Shabaab remains a dangerous enemy. Continued pressure is being placed
on this Al Qaeda-affiliated threat to limit its ability to expand and export violence, terrorism, and
crime more broadly. Somali National Army and its US. AFRICOM and AMISOM partners, will
continue the fight against the enemy of the Somali people.

Refugees in Italy bear brunt of coronavirus angst

As the far right weaponises the pandemic to advance an anti-migrant agenda, migrants are returned once again to the sea.by Virginia Pietromarchian hour ago

Refugees and migrants queue to board an Italian coastguard vessel which will take them to a ferry, where they will start a two-week quarantine period [Al Jazeera]
Refugees and migrants queue to board an Italian coastguard vessel which will take them to a ferry, where they will start a two-week quarantine period [Al Jazeera]

Lampedusa, Italy – It is Saturday morning and Ahmed is squeezed onto a small Italian coastguard boat docked at one of Lampedusa’s ports.

There are about 30 other refugees and migrants on board. 

MORE ON ITALY

Officers, covered head to toe in white protective gear, are on the ground, buzzing around the boat to prepare it for the next stop a few miles away – the Rhapsody ferry.

There, almost 800 refugees and migrants will enter a 14-day quarantine period.

Like Ahmed, they have been removed from the overcrowded reception centre in Lampedusa due to a lack of space, and now must undergo the two-week quaranting on board the ferry.

“Of course I am happy,” the 23-year-old told Al Jazeera by text message. “It’s always better than staying inside the centre.”

Saturday would have been his seventeenth day inside Lampedusa’s only reception centre, in Imbriacola district. A so-called “hotspot”, the centre has been the focus of a heated debate between the far right, governing political leaders and civil society.

It was built to house no more than 192 people, but last week there were as many as 1,500 as the number of migrants and refugees landing on the island’s shores rose during summer.

“They treat us like animals, I would say worse than animals,” said Ahmed, who arrived on August 19on a dinghy from the Tunisian town of Sfax. Each night, he and others used to sneak out just to get something to eat.

“Often there is no water or electricity, you sleep on the floor or on a dirty mattress, if you get one. There are no words to describe it … Some of them [staff] keep insulting us. I feel treated as we were terrorists,” he said.null

What will happen to Ahmed once the ferry quarantine period ends?

Most Tunisians are considered economic migrants, and therefore are either returned to Tunisia – the Italian government established two charters for a total of 80 repatriations a week so far – or handed a seven to 30-day window period to return home by their own means. Often, once they arrive, they attempt to leave Italy in any way possible and reach northern Europe.

“I don’t care if they will send me back, I’ll come back again, and again, and again,” said Ahmed. “For me [it] is a question to either die or arrive.”

He is among 7,885 Tunisians who arrived in Sicily this year up to August 31 – a number almost six times higher than the same period last year.

As the coronavirus pandemic forced governments to shut their borders and halt activities, Tunisia is also paying a heavy price with its economy expected to shrink more than 4 percent this year, and the unemployment rate currently standing at 16 percent.

With Lampedusa’s hotspot overflowing and the threat of tourists being discouraged by the number of asylum seekers, far-right politicians are weaponising the pandemic in an attempt to advance anti-migrant policies.

On August 31, as more than 360 people were rescued at sea and brought to Lampedusa, a group of protesters – coordinated by a member of Matteo Salvini’s far-right party, the League – took to the port to stop their landing.

The previous week, Salvini praised Sicily’s Governor Nello Musumeci for ordering the closure of the region’s reception centres. Despite being immediately blocked by a court, the move greatly boosted the governor’s popularity.

People who fled the unrest in Tunisia arrive at the southern Italian island of Lampedusa April 8, 2011. Italy and France agreed on Friday to carry out joint

In 2011, more than 50,000 Tunisians reached Lampedusa as they fled unrest in their country during the so-called Arab Spring [Antonio Parrinello/Reuters]

Lampedusa’s islanders are used to refugees and migrants landing on their shores. A southern tip of Europe, the island has for decades been the first point of entry to those crossing the Mediterranean.

In 2011, more than 50,000 Tunisians arrived. 

“We welcomed them bringing warm food and helping setting tents across town,” recalled former fisherman Calogero Partinico, 63, sitting on a bench watching tourists, many walking around with no masks.

Like many others, Partinico has drawn a link between the rising number of refugees and migrants and the coronavirus pandemic, despite refugees making up 3-5 percent of COVID-19 cases in the country, compared with 25 percent detected among tourists, according to Italy’s National Health Institute.

“Islanders live with an ancestral fear over sickness – given the isolation and lack of hospitals on the island – and over the potential loss of the summer season,” said Marta Bernardini, an aid worker from Mediterranean Hope, a project of the Federation of Protestant Churches in Italy based in Lampedusa. “The coronavirus combined the two, fomenting a more hostile attitude towards migrants.”

There are also growing concerns over the use of ferry boats to quarantine migrants – an operation which has so far cost the government at least six million euros ($7.1m) for the rent of five vessels.

“No one wants them,” Lampedusa Mayor Toto’ Martello told Al Jazeera, pointing to some regional governors’ refusal to take in refugees and migrants. “Because since there is the COVID-19, there has been a media campaign against migrants saying that they are those bringing the virus.”

Further deepening Italy’s refugee crisis, the country’s reception’s capacity has recently been halved, said Sami Aidoudi, legal adviser and cultural mediator for the Association for Juridical Studies on Immigration (ASGI).

“Salvini’s security decrees cut funds, hence most services had been reduced,” he said, referring to the former prime minister’s 2018 anti-migrant policies. 

Prior to those rulings, as an example, social services used to receive about 35 euros ($41) a day per migrant – an amount which has dropped to about 19 euros ($22). With the changes, some cooperatives were forced to close, while the quality of services fell at others.

Despite pledging for a substantial U-turn from Salvini’s hardline policy over migration, the current government has made few changes.

“They are starting to establish floating reception centres – the dream of the Italian right wing,” said Aidoudi. 

Confining migrants to the sea, away from residents’ sight, “means absence of information for civil society, for those that can offer legal counselling and finally for migrants themselves”, he said. “We can’t assist them.”

Haddii Degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo aad joogto Fadlan Taxadar.

CEELWAAQ NEWS- Xogaha ay helayaan Hayada Nabasugida Somalia (NISA) aya ah in Cidamada Kenya ka jooga Somalia gaar ahan Degmada CeelWaaq ay sisay Mujreminta Nabadiidka(Al-Shabab) hoob farabadan. Kenya aya hoobkas habeenimo ku geysay Diyarad Alikobtar Ah Tula Buusar oo 40KM u jirto Degmada CeelWaaq.

Ila hada lama yaqaano meesha lagu bartilmaamedsan rabo hoobkas oo ay Cidamada Kenya sisay Al- shabab.

Balse hada ka hor Cidamada Kenya aya sidan oo kale sisay Hoob farabadan Nabadidka Al-Shabab taasi oo lagu bartilmaamedsaday Tula Cel-Cade oo markaas ahid farisimaha Cidamada Kenya ah.

Kenya aya rabto in marka Farisimahooda lasoo afjaro kadib ku soo daabusho Cidamado farabadan Degmada CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo hadana ah Xududa Somalia iyo Kenya si ay markaas kadib ay tirado Al-Shabab aya nasoo werarey kadibna ay dhismaha darbega ay iskawato.

Hadaba hadii aad tahey Shacabka joogo Degmada CeelWaaq Somalia Fadla taxadar.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa la kulmay Safirka Dowlada UK u fadhiya Somalia mudane Ben Fender.

Mogadishu[CN]– Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka Somalia  iyo sare u qaadida Mashaaricda hormari need ee ay Hay,adaha UK ay ka wadan Dowlada Goboleedka Galmudug .

Ambasador Ben Fender Safiirka UK ee Somalia ayaa Hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ku amanay Shaqada fican ee ay qabteen  mudadi yareeyd ee ay xilka hayeen wuxuna Balanqaday in UK ay si dhow ula shaqayn doonto Galmudug ta Cusub ee u hogaamiyo Madaxweyne Ahmed Abdi kaariye

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid aya  maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia waxana u kulamo kula leeyahay Beesha Calamka asago dirada Saraya in Hay,adaha hormarinta Calamka in ay xarumo ka samaystan Galmudug si ay uga qayb qataan hormarka Galmudug State.