KU: Wsiirka K/Kuxeeginka Arimaha ku Guddiha ee Malmulka Jubbaland KU: Godoomiyaha Gobolka gedo Somalia. KU: K/Kuxeeginka Gobolka gedo Somalia. KU: Dhaman Godoomiyasha Gobolka gedo. KU: Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somalia.
Dhaliil dhaliishaa soo ku Socoto Shacabka Soomaaliyeed ee Degmada CeelWaaq ee Gobolka gedo Somalia.
Waxaan aad iyo uga xunahay hadan nahay Shacabka Soomaaliyeed ee Degmada CeelWaaq anagoo ah ragii xiliga adkaa oo ay kooxda Axmed madoobe iyo Ciidamada Kenya xasuuqa ay kawadeen Degmadina iyo gobolkaba gedo ka horyimid sida aad uxasuusataanba Waqtigii Axmed madoobe kismaayo xooga isugu doortay waxaano aheen dadkii ugu hooreyay ee ka dhiidhiyay oo diiday qasab ku tageerida malintas oo ay ku dhimatay Ridwan Ahmed Nuur(Geel) iyo Shacabka qaar ay ku dhawacmeen Degmada CeelWaaq.
Sidoo kale ayado kooda Ahmed Dhuxul ay adeegsanayaan awooda Ciidamada kenya gaar ahan kuwa AMISOM iyo KDF Waxaa noogu dhintay dad badan waxaa noogu dhawacmey dadbadan waxaa wali nolol iyo geeri aanan ku heynin dadbadan sida dhalinyaro oo ay afduubteen Ciidama kenya, Intii naga soo hartayna qaar waxay si dhumaleysi ku joogan deganada gobolka gedo qaarna waxay jogaan degmooyinka gobolka gedo ee xurta ah ee ciidamada qaranka jogaan.
Lakin waxaa wax laga xumaado ah ragii sidaas usoo halgamey in qaarkood oo aha Kooda Isbadal doonka ee Degmada CeelWaaq ee gobolka gedo Somalia oo Godoomiye u yahay Fuad Mohamed amohamud iyo Xubnaheesba ay hada joogaan Degmada BaladXaawo, si dharteeed ay foolxuma ku tahay Degmadina CeelWaaq in Kooxdas Isbadalka Doonkas lagu casuumo shirka ka furmi rabo Casimada gobolka gedo ee Soomaaliya oo looga hadlaayo arimaha gobolka.
Waa in lagu Casuumaan Degmada CeelWaaq madama ay ka mid tahay degmooyinka gobolka gedo walina ay tahay halka degmo oo wali ka Ciidamada kenya ay ku sameynayso duqaymo deganada qaar oo hoos imada Degmada CeelWaaq ee gobolka gedo Somalia oo ay hadana malin walbana Ciidamada kenya dadka ku xasuuqdo.
Hadan nahay Shacabka Degmada CeelWaaq sida Dhalinyarada, Odayasha iyo Ururka Haweeka ma aqbalaybo Shirkas oo ka furmi rabo Caasimadda Maamulka Gobolka Gedo waa inan helina matalaadina oo aan ku lenahay si wanagsan oo ay ku hufan madaxbanidina oo an lamid noqono Degmooyinka kale ee gobolka gedo Somalia.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda Shacabka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda.
Waxaana hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagayo Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga , Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada.
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa shir gudoomiyay Shir looga hadlayay Howlgalada Ciidanka iyo Xaaladda kala guurka ah, kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan Dowladaha Soomaaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidanka iyo Amisom Sidoo kale DFS ayuu sheegay in meel wanaagsan uu u marayo diyaar garowga Qorshaha kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo Ciidanka XDS.
Ciidamadda qalabka Sidana ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay Sidii amniga guud ee dalka ay ula wareegi lahaayeen, dhanka kale xubnihii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in DFS ay ku garabsiinayaan Dagaalka ka dhanka argagixisadda ,waxaana ay ku ammaaneen sida ay ugu Go’antahay Dowladda Dib-u-dhiska Ciidanka CXDS.
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa hormarro la taaban karo ka sameysay qodobada looga hadlay shirarkii hore, sida; ka-hortagga Socdaalada Sharci darada ah, ka hortagga sameynta iyo ku safarka Dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo sidoo kale soo dhaweynta qaxootiga Carbeed ee ku sugan Soomaaliya sida Suuriyaanka iyo Yamaniyiinta.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.
Shirkaan oo laba maalin socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta, kaas oo si weyn looga dooday ilaa ay 14 dal oo kamid ah ay soo gudbiyeen nuqulo kamid ah aqoonsiga, markii dambena leysku raacay in aragtiyo intaa ka badan laga yeesho.
Ugu dambeyn, Shirkaan oo jawi wanaagsan ku soo xirmay, waxaa bandhigyo ku sameeyay Dowladaha Urdun ,iyo Sudan , kuwaas oo soo bandhigay qaab-dhismeedka Hey’adahooda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Adeegyada ay bixiyaan Iyagoo meesha ku soo bandhigay adeegyada kala ah Bixinta Baasaboorka, Galka Qoyska, Kaarka Aqoonsiga, Shahaadada Dhalashada, Shahaadada Nikaaxa, Shahaadada Dhimashada, Shahaadada Furiinka iyo Galka Shakhsiga. Sidoo kale waxaa la isku raacay in adeegyada Socdaalka Wadamada Jaamacadda Carabta la fududeeyo.
You must be logged in to post a comment.