Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis iskaashi, kuna dhawaaqay mashruuc lacago loogu uruurinayo Jaamacadda Ummadda si dib loogu dhiso

Muqdisho, (CeelWaaqNews) 9 Disembar, 2020 – Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku kala saxiixday maanta oo Arbaco ah Caasimadda Muqdisho heshiis iskaashi oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Marwo Emanuela Del Re, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Hussein Roble .

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa saxiixday dhankeeda dukuminti kaalmo bani’aadannimo ay kaga guddoomayso Dowladda Talyaaniga, taasi oo la gaarsiin doono Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si gaar ah deegaannada xeebta ah ee duufaanta “Gaati” ay ku dhufatay 23 Nofembar.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Marwo Emanuela Del Re, oo saaka booqasho ku timid Muqdisho, ayaa waxaa soo dhoweeyay dhiggeeda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo kala hadlay iskaashiga dhinacyada tacliinta sare, tababarada iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Wafdiga Talyaaniga ee booqashada ku yimid dalka ayaa ka qeybgalay xaflad lagu daah-furayay mashruuca yabooha maaliyadeed ee dib loogu dhisayo Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ku taalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, iyadoo la soo bandhigay naqshad cusub oo dib u dhiskeedu ku baxaya qarash lacageed oo dhan 190 milyan oo doolar, waxaa sidoo kale qeyb ka ah hindisaha arday weliba uu geed ku beeri doono , taasi oo xarunta u bedeli doonta goob doog ah, waxaana la qorsheeyay in 20,000 arday ay wax ka bartaan.

Talyaanigu waa saaxiibka ugu weyn ee taageera Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo si sanadle ah ugu deeqa deeqo waxbarasho oo heerkoodu sarreeyo oo ay ka faa’idaystaan ardayda qalinjebisa.

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Italy #Italian.

Muxuu yahay ujeedka Safarka Abiy Ahmed uu ku tagayo Kenya?

Reports By ALJAZEERA( Mahad M Hilow)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa berri oo Arbaco ah kuna beegan 9-da December 2020 Kenya ku tagaya safar qorshihiisu yahay labo cishe sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadaha Addis Ababa & Nairobi.

Afhayeenad u hadashay Aqalka hoose ee Kenya oo lagu magacaabo Kaze Dena ayaa sheegtay in Abiy Ahmed & xubnaha ku wehliya Safarkiisa ayaa tagaya Marka ay tagaan Moyale waxa ay uga gudbayaan Marsabit.

Waxa uu sidoo kale wafdiga Abiy Ahmed tagayaa meelaha dhaqanka Nairobi, waxaana diyaaradda uu ka raaco Addis Ababa ay caga dhiganeysaa Jomo Kenyatta International Airport oo ay kusii sugayaan madaxda sare ee dalkaas.

Ujeedka safarka ayaa ah in sidii uu xariiga uga jari lahaa dhulka dhaca xuduudda Kenya & Ethiopia oo cabbir ahaan gaaraya 861 KM oo isku xiraya Marsabit, Turkana, Wajeer & Mandheera.

Warbaahinta ayaa hadal heysa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Madaxweynaha uu martida u noqanayo ee Kenya marka ay kulmaan in ay kawada hadlayaan xaaladda Geeska Afrika gaar ahaan tan labada dowladood.

Warar kale ayaa sheegaya in xitaa ay isku soo hadal qaadayaan arrimaha Soomaaliya oo ay xad la wadaagaan labadaan Dowladood, Ciidamo ka socda Kenya & Ethiopia oo qayb ka ah AMISOM & xiriirka Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi oo aan wanaagsaneeen, inkasta oo aysan ka hadlin arrintaas labada madaxtooyo.

Dozens of Israelis arrested at anti-Netanyahu protest

For six months, weekly protests against the Israeli prime minister have called on him to quit over corruption trial.

Police arrest an anti-Netanyahu protester outside his residence in West Jerusalem [Abir Sultan/EPA]
Police arrest an anti-Netanyahu protester outside his residence in West Jerusalem [Abir Sultan/EPA]

ISRAEL (CeelWaaqNews)- At least 30 people have been arrested in demonstrations against Prime Minister Benjamin Netanyahu, Israeli media reported.

Police on Saturday said thousands of protesters gathered in Paris Square near Netanyahu’s residence in West Jerusalem and caused the closure of roads as well as public unrest.

The protesters have been gathering weekly for the past six months, saying Netanyahu should step down because of his going on trial for corruption and what they say is mismanagement of the country’s coronavirus crisis.

Netanyahu, who faces charges for bribery, breach of trust and fraud, has denied any wrongdoing.

According to Israeli newspaper Haaretz, the protest on Saturday was the largest in weeks, and took place ahead of a court hearing on Netanyahu’s request to dismiss his corruption cases slated for Sunday.Israeli security forces clash with protesters during a demonstration against Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu outsidehis official residence in West Jerusalem [Menahem Kahana/AFP]The protests began last spring when Netanyahu and his chief rival, Benny Gantz, agreed to form what they called an emergency government focused on managing the health and economic challenges stemming from the coronavirus pandemic.

Their partnership has been paralysed by infighting, and a pair of lockdowns hit the economy hard, sending unemployment skyrocketing to the double-digits.null

This week, Gantz, who serves as Netanyahu’s defence minister, joined the opposition in approving a preliminary measure to dissolve the parliament and force new elections – the fourth in less than two years.

Gantz cited the government’s failure to approve a budget, which must be approved by December 23. A failure to do so would automatically cause the troubled coalition to collapse and trigger an early election.

A final vote to disband the parliament could take place as soon as next week

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY SHIRKA MIDOWGA AFRIKA EE JOOJINTA COLAADDA

Muqdisho, (CeelWaaqNews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda.

“Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”.

Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha Aamusinta Qoriga iyo xaqiijinta xasilloonida qaaradda.

“Waxaan si buuxda u aaminsanahay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ay horseedi karaan amni ay ku diirsadaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka. dalkeenna waxaa saaran cunaqabatayn dhanka hubka ah taas oo caqabad ku ah halgankeenna ku aaddan xoreynta dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda dalalka Afrika sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu waayo-arkeen colaadihii sokeeye ee soo maray, dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay iyo halgankii soo kabashada dalkeenna.

Shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa ka qeyb galkiisa waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Mudane Cabdisiciid Maxamed Cali.

DHAMMAAD.

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb galay Shir Ku Saabsan Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Photo By Mahad M Hilow

Muqdisho, (CeelWaaqNews) Diseembar 05, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay fursadda dalkeenna ee hoggaaminta ganacsiga iyo waxsoosaarka Afrika.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo xoojinaysa nabadgelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afrika.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada madaxda Qaaradda Afrika ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, waxa uuna muujiyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta qorshaha ganacsiga xorta ah.

“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niger Mudane Mahamadou Issoufo oo hoggaaminaya ololaha hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika oo Soomaaliya ay door muuqda ka qaadanayso.

DHAMMAAD

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tayeyneysa adeegyada isbitaalka Cadaado”SAWIRRO”

Cadaado-(CEELWAAQNEWS)-Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.

Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.

Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud  ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.