Muqdisho(CeelWaaq News)-Wasiirkii hore ee Amniga Jubalad, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa heshiis la galay dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, waxaana manta oo arbaca ah isaga iyo ciidamo uu wata soo gaaray magaalada Beled-Xaawa oo dhacda Xadka Kenya.
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, C/raxman Yusuf Cumar (Cadaala) ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday dawladda oo isaga kamid yahay ku soo dhaweeyey Magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo
“Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu” ayuu yiri, Cadaala
Wasiir Cadaala ayaa intaas ku daray in wasiir Janan ay la socdaan Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka , Waxa uuna talaabadaan ku micneeyey mid ka farxo.
Muqdisho, (CeelWaaqNews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda Shacabka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda.
Waxaana hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagayo Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga , Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada.
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa.
Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose
Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ay lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in Nabadiidka Al-shabaab rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah Isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.
Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku gumaadaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.
Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa shir gudoomiyay Shir looga hadlayay Howlgalada Ciidanka iyo Xaaladda kala guurka ah, kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan Dowladaha Soomaaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidanka iyo Amisom Sidoo kale DFS ayuu sheegay in meel wanaagsan uu u marayo diyaar garowga Qorshaha kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo Ciidanka XDS.
Ciidamadda qalabka Sidana ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay Sidii amniga guud ee dalka ay ula wareegi lahaayeen, dhanka kale xubnihii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in DFS ay ku garabsiinayaan Dagaalka ka dhanka argagixisadda ,waxaana ay ku ammaaneen sida ay ugu Go’antahay Dowladda Dib-u-dhiska Ciidanka CXDS.
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Mogadishu(CeelWaaqNew)- Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa hormarro la taaban karo ka sameysay qodobada looga hadlay shirarkii hore, sida; ka-hortagga Socdaalada Sharci darada ah, ka hortagga sameynta iyo ku safarka Dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo sidoo kale soo dhaweynta qaxootiga Carbeed ee ku sugan Soomaaliya sida Suuriyaanka iyo Yamaniyiinta.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.
Shirkaan oo laba maalin socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta, kaas oo si weyn looga dooday ilaa ay 14 dal oo kamid ah ay soo gudbiyeen nuqulo kamid ah aqoonsiga, markii dambena leysku raacay in aragtiyo intaa ka badan laga yeesho.
Ugu dambeyn, Shirkaan oo jawi wanaagsan ku soo xirmay, waxaa bandhigyo ku sameeyay Dowladaha Urdun ,iyo Sudan , kuwaas oo soo bandhigay qaab-dhismeedka Hey’adahooda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Adeegyada ay bixiyaan Iyagoo meesha ku soo bandhigay adeegyada kala ah Bixinta Baasaboorka, Galka Qoyska, Kaarka Aqoonsiga, Shahaadada Dhalashada, Shahaadada Nikaaxa, Shahaadada Dhimashada, Shahaadada Furiinka iyo Galka Shakhsiga. Sidoo kale waxaa la isku raacay in adeegyada Socdaalka Wadamada Jaamacadda Carabta la fududeeyo.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Maxamed C / llaahi Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo dhammaan hoggaanka qaranka Soomaaliyeed, inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa kala duwanaanshaha siyaasadeed ee horseeday xilligan doorashada iyo ismariwaaga siyaasadeed.
Wuxuu qirayaa in wadatashiyadii ugu dambeeyay ee Dhuusammareb ay horumar ka sameeyeen qodobo dhowr ah oo la isku haysto laakiin ma aysan gaarin heshiis ku saabsan arrimaha harsan Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in hoggaanka siyaasadeed ay gaaraan heshiis guud oo ku saabsan arrimahan taagan si loo oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo aan dib u dhac badan ku imaan.
Gudoomiyaha ayaa si aad ah uga walaacsan, in guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen AMISOM iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF), la dagaalanka Al-Shabaab, fidinta awooda dowlada ee qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyo hagaajinta amniga iyo ku dhaqanka sharciga Soomaaliyeed dadka, waxaa hadda loo hanjabay xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa.
Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in xasiloonida Soomaaliya ay qatar ku jirto waxayna ugu baaqeysaa dhamaan daneeyayaasha Soomaaliyeed inay wax walba ka hormariyaan danta qaranka ayna si wax ku ool ah u raadsadaan xalinta khilaafaadkooda wada hadal iyo tanaasul
Midowga Afrika, oo tan iyo 2007 muujiyey midnimadiisa iyo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed soo dejinta AMISOM, wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu siinayo hoggaanka siyaasadda Soomaaliya si loo hirgeliyo natiijooyinka geeddi-socodka loo dhan yahay.
MUQDISHO(CeelWaaqNews)-Guddiga Hireglinta Doorashooyinka Heer Federaal ee 2020/21 isaga oo ka duulaya waajibaadkii ay u igmadeen Golaha Watashiga Qaranka ee heshiiska siyaasadeed ku gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020;
Kaddib markii uu muddo bil ah siiyay tababarka, dajinta habraacyada muhiimka u ah shaqada Guddiga iyo isla jaan qaadka xubnaha gudiga ee Muqdisho ku sugan;
Kaddib markii uu qiimeyay mas’uuliyadda culus ee ka saaran in dalkan ay ka dhacdo doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah, lagana fogaado dib u dhac dheeri ah oo ku yimaadda jadwalka doorashada ee ku xusnaa heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen Madaxda Dawladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah Dowladda Federaalka; Waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga. Sidaas darteed waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 05/12/2020 ku qabsoomay Hotel Decale doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga.
Waxaa soo xaadiray 20 xubnood oo ka mid ah 25 xubnood ee Guddigu ka kooban yahay, waxaana xilka Guddoomiyaha isu soo taagay Dr. Libaan Abuukar Cismaan iyo Mudane Maxamed Xasan Maxamed, halka Guddoomiye Kuxigeenka ay isu soo taageen Mudane Yusuf Maxamed Kheyr iyo Qareen Mowliid Mataan Salaad.
Codku waxa uu u dhacay sidan soo socota; Wareegii koowaad ee doorashada waxaa Mudane Maxamed Xassan Maxamed uu helay 17 cod, halka Dr. Liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod. Intaas kaddib waxaa la bilaabatay doorashada Guddoomiye Kuxigeenka, balse intii aan codeyntu bilaaban ayaa waxaa tanaasulay Mudane Yusuf Maxamed Kheyr. Sidaas darteed sida Xeer Hoosaadka Guddiga uu dhigayo, waxaa xubnihii Guddigu si gacan taag ah wada jir ugu ansixiyeen in Mowliid Mataan Salaad oo ahaa musharixii labaad uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
Gunaanadkii, Guddigu waxa uu u ballan qaadayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan daneeyeyaasha arrimaha doorshooyinka in waajibka qaran ee saaran uu u gudan doono si hufan, daah furan oo caddaalad ah., wuxuuna Guddigu ka codsanayaa dhinacyada oo dhan in ay garab ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
تمكن الجيش الصومالي، مساء السبت، من تنفيذ عمليتين منفصلتين أسفرتا عن مقتل عدد من الإرهابيين بينهم قيادي، وإحباط تفجير في جنوب ووسط البلاد.
ونفذ الجيش الصومالي عملية عسكرية نوعية في 5 قرى بمحافظة شبيلي السفلى.
وبحسب تصريحات لقائد القوات البرية الصومالية الفريق محمد تهليل بيحي، نقلها موقع إذاعة صوت الجيش (رسمي)، أسفرت العملية عن مقتل 11 إرهابيا بينهم قيادي وإصابة 6 آخرين .
وأضاف المسؤول العسكري الصومالي، أن قوات الجيش دمرت أوكار حركة الشباب الإرهابية المرتبطة بتنظيم القاعدة، خلال العملية كانت مخصصة بابتزاز الأموال من المدنيين.
وفي سياق متصل، تمكنت شرطة مدينة طوسمريب عاصمة ولاية غلمدغ وسط الصومال إحباط تفجير إرهابي، عبارة عن عبوة مخبأة في شارع عام على مقربة من مركز الشرطة.
وقال قائد شرطة المدينة نور علمي محمد لموقع إذاعة صوت الجيش (رسمي) إن التحقيقات جارية لمعرفة المتورطين في الحادثة، داعيا إلى السكان العمل مع القوات الأمنية لمنع عمليات زعزعة الاستقرار وتعزيز أمن المدينة.نشر في سياسة – غرفة الأخبار بواسطة : مقديشو – أيانلي عبدي – العين الإخبارية
While the number of troops — about 700 — is small, it is a continuation of President Trump’s efforts to withdraw the United States from what he has described as endless wars.
The Pentagon announced on Friday that virtually all of the approximately 700 troops in Somalia would be withdrawn.Credit…Senior Airman Kristin Savage/Combined Joint Task Force – Horn of Africa, via Associated Press(Photo Mahad M Hilow)
WASHINGTON (CeelWaaqNews)— President Trump, continuing his end-of-term troop withdrawals from conflicts around the world, will pull American troops out of Somalia, where they have been involved in trying to push back advances by Islamist insurgents in the Horn of Africa.
The Pentagon announced on Friday that virtually all of the approximately 700 troops in Somalia — most Special Operations troops who have been conducting training and counterterrorism missions — will be leaving by Jan. 15, five days before President-elect Joseph R. Biden Jr. is scheduled to be inaugurated.
Many of the troops will be “repositioned” to nearby Kenya, a Defense Department official said Friday. It was not immediately clear whether other parts of the American presence in Somalia — such as C.I.A. officers, the ambassador and other State Department diplomats who are based at a heavily fortified bunker at the airport in Mogadishu, the Somali capital — will also withdraw from Somali territory along with the military.
The withdrawal from Somalia followed Mr. Trump’s orders to reduce the American presence in Afghanistan and Iraq, and reflected the president’s longstanding desire to end long-running military engagements against Islamist insurgencies in failed and fragile countries in Africa and the Middle East, a grinding mission that has spread since the Sept. 11, 2001, attacks.
(CeelWaaqNews- Business) The Trump administration sued Facebook on Thursday for allegedly passing over US job candidates for thousands of positions in favor of immigrant workers holding temporary visas.
The suit by the Justice Department claims that from 2018 through September 2019, Facebook (FB) discriminated against US workers by reserving job openings for temporary workers including H-1B visa holders.
In a statement, Facebook spokesman Andy Stone said: “Facebook has been cooperating with the DOJ in its review of this issue and while we dispute the allegations in the complaint, we cannot comment further on pending litigation.”
The complaint follows a two-year investigation by the DOJ, according to an agency release. The Trump administration seeks civil penalties against Facebook as well as back pay for what the DOJ says is owed to US workers who were denied employment at Facebook.
“Our message to workers is clear,” said Assistant Attorney General Eric Dreiband, in a statement. “If companies deny employment opportunities by illegally preferring temporary visa holders, the Department of Justice will hold them accountable. Our message to all employers — including those in the technology sector — is clear: you cannot illegally prefer to recruit, consider, or hire temporary visa holders over U.S. workers.”
The complaint was filed before administrative law judges at the Executive Office for Immigration, a branch of the Justice Department. The department’s Office of the Chief Administrative Hearing Officer routinely handles cases involving immigration employment practices.
You must be logged in to post a comment.