WAR DEG DEG: WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY URURKA ISBADALKA DHOONKA AH EE DEGMADA CEELWAAQ EE GOBOLKA GEDO SOMALIA

KU: Wsiirka K/Kuxeeginka Arimaha ku Guddiha ee Malmulka Jubbaland
KU: Godoomiyaha Gobolka gedo Somalia.
KU: K/Kuxeeginka Gobolka gedo Somalia.
KU: Dhaman Godoomiyasha Gobolka gedo.
KU: Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somalia.

Dhaliil dhaliishaa soo ku Socoto Shacabka Soomaaliyeed ee Degmada CeelWaaq ee Gobolka gedo Somalia.

Waxaan aad iyo uga xunahay hadan nahay Shacabka Soomaaliyeed ee Degmada CeelWaaq anagoo ah ragii xiliga adkaa oo ay kooxda Axmed madoobe iyo Ciidamada Kenya
xasuuqa ay kawadeen Degmadina iyo gobolkaba gedo ka horyimid sida aad uxasuusataanba Waqtigii Axmed madoobe kismaayo xooga isugu doortay waxaano aheen dadkii ugu hooreyay ee ka dhiidhiyay oo diiday qasab ku tageerida malintas oo ay ku dhimatay Ridwan Ahmed Nuur(Geel) iyo Shacabka qaar ay ku dhawacmeen Degmada CeelWaaq.

Sidoo kale ayado kooda Ahmed Dhuxul ay adeegsanayaan awooda Ciidamada kenya gaar ahan kuwa AMISOM iyo KDF Waxaa noogu dhintay dad badan waxaa noogu dhawacmey dadbadan waxaa wali nolol iyo geeri aanan ku heynin dadbadan sida dhalinyaro oo ay afduubteen Ciidama kenya, Intii naga soo hartayna qaar waxay si dhumaleysi ku joogan deganada gobolka gedo qaarna waxay jogaan degmooyinka gobolka gedo ee xurta ah ee ciidamada qaranka jogaan.

Lakin waxaa wax laga xumaado ah ragii sidaas usoo halgamey in qaarkood oo aha Kooda Isbadal doonka ee Degmada CeelWaaq ee gobolka gedo Somalia oo Godoomiye u yahay Fuad Mohamed amohamud iyo Xubnaheesba ay hada joogaan Degmada BaladXaawo, si dharteeed ay foolxuma ku tahay Degmadina CeelWaaq in Kooxdas Isbadalka Doonkas lagu casuumo shirka ka furmi rabo Casimada gobolka gedo ee Soomaaliya oo looga hadlaayo arimaha gobolka.

Waa in lagu Casuumaan Degmada CeelWaaq madama ay ka mid tahay degmooyinka gobolka gedo walina ay tahay halka degmo oo wali ka Ciidamada kenya ay ku sameynayso duqaymo deganada qaar oo hoos imada Degmada CeelWaaq ee gobolka gedo Somalia oo ay hadana malin walbana Ciidamada kenya dadka ku xasuuqdo.

Hadan nahay Shacabka Degmada CeelWaaq sida Dhalinyarada, Odayasha iyo Ururka Haweeka ma aqbalaybo Shirkas oo ka furmi rabo Caasimadda Maamulka Gobolka Gedo waa inan helina matalaadina oo aan ku lenahay si wanagsan oo ay ku hufan madaxbanidina oo an lamid noqono Degmooyinka kale ee gobolka gedo Somalia.

MAHADSANIDIIN