إنتهاء عملية إحصاء العاملين في القطاع العام

2019) – اختتمت اللجنة المعنية بإحصاء العمال1441 – الموافق 24 ديسمبر ( المدنيين للحكومة الفيدرالية،عملها المتعلق بإنشاء معلومات وأرشيف مركزي لإدارة عمال القطاع العام،وذلك بعد أسابيع من بدء برنامج التعداد.

وقام دولة رئيس الوزراء السيد حسن علي خيري ،أمس الإثنين ،بزيارة تفقدية إلى المكتب الذي تعمل فية اللجنة ،وأستمع إلى تقرير مفصل من وزير العمل والشؤون الإجتماعية معالي صديق حرسي ورفا ،حول الطريقة التي جرت فيها عملية التعداد وسير الإنتهاء منها .

وأعرب دولة حسن علي خير ، عن شكره وتقديره للجنة إحصاء الموظفين على جهودهم الكبيرة لإنجاز هذا العمل الوطني ، وقال “إن هذه الخطوة جزء من خطة لتطوير العاملين في القطاع العام”.

وبدوره قال معالي وزير العمل “إن إجراء هذا التعداد يساهم في الحصول على معلومات وأرشيف مركزي من اجل إدارة شؤون موظفي الحكومة”.

Kusimaha gudoomiyaha dagmada doolow ee Gobalka gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey)iyo ku xigeenadiisa ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay wasiir ku xigeenada wasaaradaha waxbarashada iyo wasaaradda maaliyada iyo wafdiga ay hogaaminayaan ee ku sugan dagmada dooloow ee Gobalka gedo

Mogadishu (CeelWaaq News)- Kusimaha gudoomiyaha dagmada doolow ee Gobalka gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey)iyo ku xigeenadiisa ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay wasiir ku xigeenada wasaaradaha waxbarashada iyo wasaaradda maaliyada iyo wafdiga ay hogaaminayaan ee ku sugan dagmada dooloow ee Gobalka gado.kusimaha gudoomiyaha dagmada.
dooloow ee gobalka gado Maxmed Xuseen Cabdi (lafey)ayaa soo dhaweeyay howlaha lagu horumarinayo waxbarashada dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Feysal Cumar Guuled iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyada cabduqaadir shiiq cali qaloocoow iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa ka dagay dagmada Doloow ee Gobalka gado.

#DEGMADA_DOLOOW

Mogadishu (CeelWaaq Somali)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Mudane Feysal Cumar Guuled iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyada cabduqaadir shiiq cali qaloocoow iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa ka dagay dagmada Doloow ee Gobalka gado.
Ujeedka safarka wasiirada ayaa qeyb ka ah dar dargalinta howlaha lagu Horumarinayo waxbarashada dalka.

Xigasho Maxamed Macalin Aadan Mma

Taliyaha Qeybta 21aad Ee ciidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed General, Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi {Qooje} iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda dhameystirka Heshiisyadii Ay Horey Ugaareen Beelaha Walaalaha ah ee Deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Mogadishu (CeelWaaq News) – Taliyaha Qeybta 21aad Ee ciidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed General, Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi {Qooje} iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda dhameystirka Heshiisyadii Ay Horey Ugaareen Beelaha Walaalaha ah ee Deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa ka dhacay degaanka Towfiiq waxaana Kulanka Goobjoogayaal ka ahaa Odayaasha Dhaqanka Labada dhinac Guddiyada isku dhafka ah Ee Labada dhinac
Xubno ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Iyo shacabka Magaaladaas.
Kulanka ayaa inta uu socoday waxaa la soo saaray Qodobo lagu Xoojinayo Heshiiskii Horey ugu dhex maray Odayaasha Labada dhinac Degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

1.in la fuliyo Dhamaan Qodobada ku xusan Heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha Colaaddu dhexmartay (Saleeman Cabdalle iyo Ree Nimcaale) Ee ku Taarikheysan
18 December 2019 ee ka dhacay Af-barwaaqo,
2.Guddigu wuxuu doortay Shir guddoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa.
Muddada 4-ta bari ah ee uu shirku socdo Dowladda Faderalka Somaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Guddiga isku dhafka ah si ay u dar wargaliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah,
3. In waddada hadaladu Sii socdaan,
4. in wada-hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda,
5. In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha Labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed si ay u fuliyaan Heshiisyadda Nabadeed,

6 in Odaygii u hogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan,

7 in Gogasha xigta la dhigo Magaalada Gaalkcyo 5-ta February/2020 ayna fududeyso Dowladda Soomaaliyeed.

(MAGACYADDA ODAYAASHA GUDDIGA AH.
Odayaasha Beesha Ree Nimcaale,(Sacad)
1. Nabadoon Maxamed maxamuud Guleed
2. axmed maxamed cilmi dirir
3. Siciid Xaashi diini
4. Khaliif Nuur Cawil
5. Sahal cali faarax
6. Salaxeey Cabdulaahi Gulleed
7. Maxamed Diriye Nuur

Odayaasha Beesha Saleemaan Cabdalle(Dir)
1.Xasan Cabdi Nuur
2. Siciid Salaad shire
3. axmed Cali Warsame
4. Mire Cali Warsame
5. Cabdulaahi Maxamed Nuur
6. Siciid Jaamac Maxamud
7. Xaashi Yaasiin Cali Kulan.

GOOBJOOGAYAAL,
1. Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje)
Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka XDS
2.Rooble Axmed Daahir
Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya,

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo Amray in la xiro Akoontiyo sharci daro ah

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay xiraan Xisaabaadka u furan Sharikadaha ka ganacsada Sarrifka ee loo yaqaan FOREX.

Warqad ka soo baxday Bangiga dhexe kuna saxiixantahay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullahi Yuusuf ayaa sidoo kale lagu armay Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay Bangiga dhexe u gudbiyaan lacagaha ay u hayaan sharikadaha ku shaqeysta Sarrifka Internetka ee FOREX.

Forex ayaa goobo dadka lagu dhaco iyadoo la dhaho maal gashta lacago badan baad helaysaan, dadka maal gashta Shirkadaan loo yaqaano Forex ma helaan dabaanad qaad waxaana inta badan dhacda in dadkii maal gashtay ay ku qasaaraan

Maxkamad ku taala dalka Sacuudiga ayaa dil ku xukuntay shan qof oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen dilkii Jamal Khashoggi

Mogadishu(CeelWaaq News) Maxkamad ku taala dalka Sacuudiga ayaa dil ku xukuntay shan qof oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen dilkii Jamal Khashoggi, sida ay sheegtay waaxda dacwad oogidda Sacuudiga.
Dacwad Oogayaasha Sacuudiga ayaa warbixinta maxkamadda la horgeeyay ku sheegay in dilkaas ay geysteen koox keligeed howlgaleysay amar la’aan dacwadda ayaa lagu oogay 11 ruux.

Turkey’s police special operations chief in Somalia By CeelWaaq / December 23, 2019

Mogadishu(CeelWaaq News) – Turkey’s police special operations chief is in Somalia’s capital Mogadishu to boost cooperation between the two countries, the Turkish Embassy in Somalia said Monday.

In a statement, the embassy said the Chief of the Special Police Unit of the Turkish National Police, Selami Turker, paid an official visit to Somalia.

“He met with Somali officials and had the opportunity to exchange views on the ongoing cooperation between our two countries,” it said.

The embassy said that Turker also participated in celebrations for Somali Police Day as the chief special guest.

“In addition, he attended the groundbreaking ceremony of the Somali Special Police Forces H.Q. building,” the embassy added.

Kenya and Somalia are among the East African countries that have benefited from free Turkish police training to boost security in the region.

The police training offered included courses in basic intelligence, pedestrian and mobile tracking, counter-terrorism, organized crime, shooting techniques and tactics, guarding VIPs, police defense tactics, intelligence in combating global terrorism, crisis/hostage negotiation, protecting important premises against terrorism, and cybercrimes.

Qatar Ambassador handover civil aviation equipment to Somalia civil aviation Authorities By Ceelwaaq News / December 23, 2019

(CeelWaaq News) Qatar has provided Somalia with computers, printers and radio devices as a gift from Qatar’s Civil Aviation Authority to its Somali counterpart.

Ambassador of Qatar to Somalia, Hassan bin Hamza Hashem, handed over the shipment to the Director-General of the Somali Civil Aviation Authority Ahmed Moallim Hassan.
The handover ceremony was attended by Somali Minister of Transport and Civil Aviation Mohamed Abdullahi Salat, MPs and officials of the Civil Aviation Authority, in addition to representatives from the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), the African Union Mission for Somalia (AMISOM), as well as International Civil Aviation Organisation (ICAO), and the Turkish FAVORI LLC, the company managing Mogadishu Aden Adde International Airport.
The Somali minister of transport and civil aviation thanked Qatar’s continues support for the Somali government and people in all fields, expressing his gratefulness for supporting the Somali Civil Aviation Authority.
For his part, the Director-General of the Somali Civil Aviation Authority thanked Qatar for supporting the Somali Civil Aviation Authority with the valuable technical equipment.
He also indicated that the Qatari support would be for the entire of Somalia not only the capital Mogadishu, and that they are going to distribute to all of the country’s airports.
Guld Times

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DAAH-FURAY QORSHAHA 9-AAD EE HORUMARINTA QARANKA

M

ADAXWEYNE FARMAAJO OO DAAH-FURAY QORSHAHA 9-AAD EE HORUMARINTA QARANKA

Muqdisho, Diseembar 23, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran.

“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

DHAMMAAD

Wasaarada Amniga Somaliya oo kulan laqaadatay Maamulka Gobolka Gedo

Wasaaradda Amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya kulan xog is
weydaarsi iyo aqoon korrosi ah oo looga hadlayay “Amniga Xuduudaha Dalka” u
qabatay masuliyiin isugu jiray guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday
Gobolka Gedo.
Waxaa kulankan oo uu gar wadeen ka aha Wasiir xigeenka Wasaaradda, Mudane:
Cabdinaasir, lagu qaada dhigay arrimahan soo socda:-

  1. Adkeeynta wada shaqeeynta laamaha Amniga heer Federaal, heer mamul
    goboleed, heer gobol iyo heer degmo.
  2. Tayeenta adeega Dowladnimo ee dhinaca Amniga iyo bulshaba ila iyo heer
    degmo iyo tuulo.
  3. Xoojinta wada shaqeeynta Dowladaha deriska iyo AMISOM ee degmooyinka
    xuduudaha.
  4. Xoojinta dagaalka lagula jiro kooxahaa Argagixisadda iyo sugidda Amniga
    xuduudaha dalka.
    Falan qeeyn dheer iyo fikir is weydaarsi kadib, dhinacyadu waxeey isla garteen arrimaha
    soo socda:-
  5. In la xaqiijiyo lana ilaaliyo midnimadda iyo wada jirka bulshadda Soomaaliyeed.
  6. In sare loo qaado lana xoojiyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa laamaha Amniga
    Dowladda Federaalka, maamul goboledka iyo degmooyinka.
  7. In la ilaaliyo lana xoojiyo wada shaqeeynta fiican ee Dowladda Soomaaliya kala
    dhaxeeya Dowladddaha deriska iyo ciidamada AMISOM dhinaca sugida Amniga
    xuduudaha.
  8. In si wada jir ah loola dagaalamo Argagixisada hal dhinacna looga soo wada
    jeesto.
    ….DHAMAAD

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa gaaray Deegaanada dhaca Xuduud Beenaadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa gaaray Deegaanada dhaca Xuduud Beenaadka Soomaaliya iyo Ethiopia oo shalay ay ku dagaalameen Ciidanka Liyuu-boolis iyo dadka kamd ah kuwa Deegaanka.

Xaaladda ayaa maanta daggan, waxaana dagaalkii shalay ka dhashay qasaaro kala duwan oo naf iyo maal leh.

Dagaalka ka dib ayaa la soo sheegayaa in ciidamada Liyuu-boolis ay xalay dad ku laayeen deegaano badan, Ma jirto cid si rasmi ah u haysa qasaaraha guud.

Goobaha Caafimaadka degmada Caabudwaaq ayaa la soo gaarsiiyay 10 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Qasaaraha guud ahaan dib ayaan idin kala soo wadaagi doonaa.

G/Dhexe Yuusuf Hundubay Taliyaha Birmadka Boliiska Markii La Magacaabay waxa uu billaabay in si masuuliyad ay ku jirto

G/Dhexe Yuusuf Hundubay Taliyaha Birmadka Boliiska Markii La Magacaabay waxa uu billaabay in si masuuliyad ay ku jirto uu Dhismo iyo qalabeyn uga billaabay xerada Cagadhiig oo ah Taliska Ciidanka Birmadka Boliiska, halkaas oo Maanta Xariga uu ka Jaray Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Gaashaanle dhexe Yuusuf Hundubay Yuuda ayaa waxa uu kamid yahay saraakiisha howl karka ah ee Ciidanka Booliiska ka dhex muuqda.

Diyaaradaha sidey buugaga manhaJdka maanta la soo gaaarsiyeey Baydhabo ayaa waxaa daah furidoonaa Madaxweyna Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdiasiis Hassan Mahamed Lafta-gareen

Wasaarada waxbarashada Dowlad Goboleedka KGS ayaa waxaa diyaarada sitaa buugaga manhajdka waxbarahsada dalka ayaa waxaa ku soo dajiyey Garoonka diyaadaha Magaalada Baydhabo ee Shaaati Gaduud International Air port .

Diyaaradaha soo gaarey Baydhabo ayaa waxaaa Garoonka diyaarada Buugaga manhajdka agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada KGS iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada KGS Mudane Abdirahaman Cusmaan Maalaag Kolkooliyow iyo shaqaalaha waxbarashada wasaaradda soomaaliya oo ka socodaa .

Buugaag manhajdka dalka oo daah furey Madaxweyna JFS mudane Mahamed Abdullahi Farmaajo ayaa waxaa looga gunleeyahay in manhajdka uu gaaro madhamaan Gobolada dalka .

Abdirahaman Cusmaan Maalaag Kolkooliyow Wasiirka Wasaaradda WH iyo TS ee KGS ayaa waxaa uu sheegey in dhamaan Degmooyinka Gobolka Baay ay gaarsindoonaan Buugaag ayidoo maalmaha soo socodaa Gobolka Bakool la geyndoono Buugaga manhajdk.

Diyaaradaha sidey buugaga manhaJdka maanta la soo gaaarsiyeey Baydhabo ayaa waxaa daah furidoonaa Madaxweyna Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdiasiis Hassan Mahamed Lafta-gareen taaso ay kamid tahay in caaruurta KGS ay helaaan waxbarashao lacag la,aan ah.

ويقود هذه العمليات الأمنية نائب قائد قوات الجيش الوطني الصومالي ، العميد ؛ محمد علي باريز

سيطر الجيش الوطني الصومالي على بلدة جيلجوب ، على بعد حوالي 10 كم من منطقة عدالة في منطقة شابيل الوسطى ، لملاحقة متشددي حركة الشباب.

ويقود هذه العمليات الأمنية نائب قائد قوات الجيش الوطني الصومالي ، العميد ؛ محمد علي باريز

كانت المناطق التي تم طردها من عملية السلام نقطة انطلاق مهمة لهجمات حركة الشباب على منطقة حرق الهجن ، وتجري عملية عملية إزالة الألغام لضمان الأمن العام في المنطقة.

رحب سكان المناطق المحررة من التمرد بعمل الجيش ضد جماعة الشباب ، التي كانت مدمرة للسكان.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo lagu baacsanayo Maleeyshiyaadka nabad-diidka Al-shabab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhexe ayaa lawareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Degaannada laga eryay nabad-diidka ayaa Al-Shabaab u ahaa goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weearrada ay kusoo qaadaan degaanka Geel gub, waxaana haatan soconaya howl-gallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool.

wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS.

Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa xaflad soo dhoweyn ah u sameeyay Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaasha Galmudug

Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa xaflad soo dhoweyn ah u sameeyay Odayaasha soo xulaya xildhibaanada Galmudug, waxaana xaflada ka soo qaybgalay Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xuska sanad guuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Guddoomiye kuixgeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ”Muudey” iyo sidoo kale madax kale ayaa ka qeyb galeysa Xuska sanad guuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka socota Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee Magaaladda Baydhabo.

مكتب الصومال لترويج الاستثمار

يكن هناك وقت أفضل للاستثمار في الصومال، كمحور إقليمي على التجارة ، والنقل ، والصناعة ، وريادة الأعمال . حكومتنا ترحب بجميع المستثمرين للمشاركة في إعادة بناء الأمل، في القرن الافريقى

SOMALIA

Weligeed ma dhicin waqti ka wanaagsan oo lagu maalgashado Soomaaliya, iyadoo xarun u ah ganacsiga, gaadiidka, warshadaha iyo ganacsi-abuurka. Dowladdeenu waxay soo dhaweynaysaa dhammaan maalgashadayaasha inay ka qeybqaataan dib u dhiska rajada, Geeska Afrika

magaalada Kuala lumpur, Malaysia ka socso shirkii ay lahayeen dalalka muslimka, Waxaa ka qeyb galaya shirka dalalka. Malaysia, Turkiga, Qatar, Iraan, Indonisia, Tunisa

Waxaa maanta magaalada Kuala lumpur, Malaysia ka socso shirkii ay lahayeen dalalka muslimka qaar, ee lagu aasasayay isbahaysi cusub oo ka shaqeyn doona iskashi dhex mara dalalka muslimka ah.

Waxaa ka qeyb galaya shirka dalalka.
Malaysia, Turkiga, Qatar, Iraan, Indonisia, Tunisa, iyo xarakada Xamaas ee Falastiin.

Sharci dajiyayaasha Turkiga ayaa saxeexaya heshiis taageero militari oo Liibiya ah Dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa aqbashay dalab uga yimid Turkiga oo ah taageero millatari iyo saadka ayaa khamiista u dhaqaaqday in ay dhaqan gasho heshiis nabadgelyo oo ay la gashay Ankara bishii Nofeembar

Dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa aqbashay dalab uga yimid Turkiga oo ah taageero millatari iyo saadka iyadoo ay raadineyso inay ka weecato weerar ay hogaaminayaan xoogaga daacada u ah General Khalifa Haftar, ilo wareedyo ayaa sheegaya.

Dowlada fadhigeedu yahay Tripoli ee fadhigeedu yahay Tripoli (GNA) ayaa khamiista u dhaqaaqday in ay dhaqan gasho heshiis nabadgelyo oo ay la gashay Ankara bishii Nofeembar, Mahmoud Abdelwahed ayaa laga soo wariyey caasimada Liibiya, iyada oo tixraacaysa ilaha ay ka mid yihiin GNA.

Sharci dajiyayaasha Turkiga ayaa saxeexaya heshiis taageero militari oo Liibiya ah

Abdelwahed ayaa yidhi “waxaan ka helnaa ilo xog ogaal ah ilo wareedka GNA ee Tripoli kadib kulan aad muhiim u ah oo dhex maray saraakiisha dawlada iyo taliyayaasha ciidamada… ku lug lahaanshaha difaaca caasimada caasimada ciidamada Haftar,” ayuu yidhi Abdelwahed.

“Waxay yiraahdeen hadda waxay meel marinayaan talaabo is afgarad ah oo ay ku xardhan yihiin Raiiselwasaaraha Qaramada Midoobay ee la aqoonsan yahay Fayez al-Sarraj iyo Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayep Erdogan si loo helo iskaashi milatari iyo mid amni,” ayuu raaciyay.

Xayeysiinta

Bishii hore, GNA iyo Turkey waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan xuduudaha badda, xanaaqa Giriigga, iyo heshiis kale oo iskaashi milatari ah.

Hayada GNA waxay maamushaa Tripoli, oo ku taala waqooyiga-galbeed ee Libya, halka Haftar ee isbahaysiga u leh Ciidanka Qaranka Liibiya (LNA) ay xulafo la tahay maamul barbar socda bariga wadanka qaniga ku ah saliida.

Ciidamada Haftar ayaa bishii Abriil bilaabay olole ay ku doonayaan inay kula wareegaan gacan ku haynta caasimada bishii Abriil laakiin ma aysan awoodin inay jabiyaan difaacii GNA. Toddobaadkii hore, Haftar wuxuu sheegay in “dagaal muhiim ah” oo lagu qabanayo magaalada ay si dhakhso leh u bilaaban doonto.

Saraakiisha Turkiga ayaa horey u sheegay in Ankara ay ciidan u diri karto Liibiya haddii GNA ay codsato, laakiin Wasiirka Arimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu ayaa Sabtidii sheegay in aan wali codsi noocaas ah la sameynin.

Arbacadii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay caawiso GNA.

“Waxaan dardargelin doonnaa howlaha u dhexeeya Turkiga iyo Liibiya. Waxaan u sheegnay inaan mar walba diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno haddii ay u baahan yihiin. Laga soo bilaabo iskaashiga milateriga iyo amniga, illaa iyo tillaabooyinka laga qaadayo xuquuqdeena badda – diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri. Ayuu yidhi telefishanka NTV.

Liibiya waxay ku duushay meel muhiim ah oo ka mid ah saldhigyada awoodda ee tartankii ka dib markii ay NATO taageertay afgembigii hoggaamiyihii hore Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Ku Xigeenkiisa Kowaad oo Wehliya Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Maxamed Xassan Lafta Gareen

Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Ku Xigeenkiisa Kowaad Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaliya, Waxana Kulankooda Ku Wehliya Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Maxamed Xassan Lafta Gareen

Wasiirka amniga XFS oo ay wehliyaan safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo taliyayaasha booliska Jamhuuriyadda iyo Turkiga ayaa dhagax dhigey xarun cusub oo loo dhisaayo ciidamada gaarka u tababaran ee booliska

Wasiirka amniga XFS oo ay wehliyaan safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo taliyayaasha booliska Jamhuuriyadda iyo Turkiga ayaa dhagax dhigey xarun cusub oo loo dhisaayo ciidamada gaarka u tababaran ee booliska ee loo yaqaano Haramcad, wasiirka ayaa dhanka kale sanad guurada booliska awgeed hambalyo u diray dhammaan ciidamada booliska.

Wasiirka warfaafinta, dhaqan iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo xiray shirka latashiga dawlad goboleedyada ee hindise sharciyeedka wax ka badalka xeerka warbaahinta

Wasiirka warfaafinta, dhaqan iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo xiray shirka latashiga dawlad goboleedyada ee hindise sharciyeedka wax ka badalka xeerka warbaahinta.

Wadatashigaan waxaa soo qaban qaabiyay gudiga hormarinta adeega arimaha bulshada, bini adinimada, warfaafinta iyo dhaqanka ee golaha aqalka sare.

Ciidanka Booliska KGS Oo Gaadi kacayaar ku soo bandhigey Magaalada Baydhabo kaasoo oo ay uga diyaar garooweeyaaan Sanad Guuradii 76-AAD ee ka soo wareegtey aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska KGS Oo Gaadi kacayaar ku soo bandhigey Magaalada Baydhabo kaasoo oo ay uga diyaar garooweeyaaan Sanad Guuradii 76-AAD ee ka soo wareegtey aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Gardiska Oo ka Biloowdey Saldhiga weynaha Booliska Degmada Baydhabo ayaa waxaa dhoolatuskooda ku gaareyn gudaha Magaalada ayigoo ay weheliyeen Saraakiil sare sare oo uu Hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo.
Maalinta Aaas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo ku began 20 -12 -2019 ayaa ah maalinta Jimcaha waxaana Guud ahaanba laga Xuseeyaa dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya

Kulan ciyaareedka weyn ee El classico ayaa caawa 10:00 habeenimo laga ciyaari doonaa dalka Spain

Kulan ciyaareedka weyn ee El classico ayaa caawa 10:00 habeenimo laga ciyaari doonaa dalka Spain. Waa kulanka ugu weyn kubadda cagta waayo waxaa ku hardama labada kooxood ee ugu guulaha badan, Barcelona ayaa guul gaartay 96 jeer halka Real Madrid ay guul gaartay 95 jeer is aragooda.

hadaba kulanka caawa yaad isleedahay waa ay guuleysan kartaa.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo ah Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeyb galaya Sanad guurada 1aad Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi casiis Maxamed Xassan lafta gareen.

DEG DEG: ergayga Qaramada Midoobey oo kismaayo gaarey ayaa si toos ah ugu hormaray xarunta madaxda isbadal-doonka Jubbaland

DEG DEG: ergayga Qaramada Midoobey oo kismaayo gaarey ayaa si toos ah ugu hormaray xarunta madaxda isbadal-doonka Jubbaland.

Isbadal-doonka ayaa loo arkaa rag difaacay cadaalada iyo in si furan la isku doorto madax u taagan, waxaa la gudo galay sagootintii Maamulkii maalmaha madoobe jubbaland baday ee Madoobe.

Diyaarad ay Soo dirtay hay’adda qaxootiga addunka oo siday gurmad loogu tala galay dadkii ay sameyeen fatahadaha webiyada dalka ayaa goordhaweed ka soo degtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarad ay Soo dirtay hay’adda qaxootiga addunka oo siday gurmad loogu tala galay dadkii ay sameyeen fatahadaha webiyada dalka ayaa goordhaweed ka soo degtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka wasiir howlaha guud wasiir kuxigeenka wasaraadda gargaarka wasiiru dowlaha xafiiska raysal wasaaraha iyo xubno kale oo guddoomay gargaarka.

SOOMAALIYA OO SI FIRFIRCOON UGA QEYB QAADANAYSA HOWLAHA URURKA ARABSAT Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

SOOMAALIYA OO SI FIRFIRCOON UGA QEYB QAADANAYSA HOWLAHA URURKA ARABSAT
Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad.
Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.
“Waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.
Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda.
Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya.

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan General Pervez Musharraf ayaa maanta maxkamad gaar ah waxaa ay ku xukuntay in la dilo

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan General Pervez Musharraf ayaa maanta maxkamad gaar ah waxaa ay ku xukuntay in la dilo ka dib markii lagu heley dambi ah khiyaano Qaran isagoo ka maqan dalka.Musharraf ayaa lagu eedeeyay in 2007 uu dalka ku soo rogay xukun deg deg ah isla markaana joojiyay dastuurka dalka, isagoo ugu gol lahaa in uu dheereysto muddo xileedkiisa.Sadex qaadi oo qaadaysay dacwadiisa ayaa ku heshay khiyaano Qaran oo aad u daran, dambiga maanta lagu heley ayaa hakad ku jirey tan iyo sanadkii 2013.General Musharraf ayaa awooda Pakistan afgembi kula wareegay 1999 waxaana uu wadanka xukumayay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2008.Hadda waxaa uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo dhowaan loogu ogolaaday in uu ugu baxo daaweyn caafimaad.

WASIIRKA WASAARADDA GANACSIGA & WARSHADAHA OO DAAH FURAY DOOD-CILMIYEEDKA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED – GLOBAL SOMALI DIASPORA

W

asiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya HE. Eng. Cabdullahi Cali Xasan ayaa daah furay dood cilmiyeedka Qurba Joogta Soomaaliyeed – GLOBAL SOMALI DIASPORA oo ka furmay Muqdisho 16 diseembar 2019, kaasoo diirada lagu Saarayay “SIDII LOO WADAAGI LAHAA FURSADAHA AY HAYSTAN SOOMAALIDA LOONA XALIN LAHAA CAQABADAHA JIRA SI WADA JIR AH”.

Wasiirku waxuu u mahad celiyay Maamulka Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Soo agaasimay Dood-cilmiyeedka wuxuuna xusay kaalinta qurba joogta ku leeyihiin dib u dhiska Dalka, shaqa abuurka Dhallinyarada, currinta hal-abuuradda Ganacsiga iyo Kobcinta dhaqaalaha Dalka, waxuuna xusay in dhaqaalaha ay soo galiyaan dalka sanadkii uu ka badanyahay 2 bilyan oo doolar kaasoo ku laba-laabma mucaawinada Soomaliya ka hesho Dibadda.

Wasiirku waxuu xusay in wasaaradu dadaal dheer ugu jirto fududeeynta ganacsiga, maalgashiga iyo warshadeynta dalka. waxuuna balan qaaday in ay ka shaqay doonaan dejinta shuruucda iyo siyaasadda ganacsiga si loo fududeeyo adeegyada la xariira ganacsiga, maalgashiga iyo warshadeeynta.

Ugu dambeeyn Wasiirka ayaa Qurba Joogta ku booriyay:

1) In ay dalka dib ugu soo celiyaan waaya-aragnimada ay ka heleen wadamadda ay martida ku yihiin, una is-ticmaalaan dib u dhiska dalka, tayeeynta heybadda Dowladnimada iyo Hay’adaha gaarka ah ee ka jiro dalka.

2) In ay dhiirigiliyaan maalgashiga Dalka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga.

3) In Qurba joogta ay noqdaan Safiiro isku xira Soomaaliya iyo wadamada ay martida ku yihiin.

4) Sidoo kale waxuu ku booriyay in Qurba joogta soo dhaweeystaan waxna ka bartaan odayaasha waaya araga ah iyo dhalinyarada dalka aan ka bixin ee fahamsan wadciga jiro.

Wasiirku waxuu aad usoo dhaweeyay dood cilmiyeedkaan muhiimka ah oo ay kasoo qayb galeen Ganacsato, Aqoonyahano iyo Siiyaasiyiin intaba, waxuuna u rajeeyay in dood cilmiyeedkaan uu kasoo bixi doono qodobo miro dhal ah oo waxtar u leh jiilka manta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa sidan bartisa Facebook Ku soo qoray Mudane H.E. Mohamud Abdikadir oo ah Wariz Kuxeginka Macdanta

Waxaan maanta kulan soo dhawayn iyo kala warqaadasha ah la yeelanay muumulada degmooyin ka Gobolka Gedo ee DG Jubaland oo maal mahan u joogi doona magaalada Muqdisho shaqooyin la xiriira horumar ka Gobol kaas.Guntii Iyo gunaanad kii kulan ka waxaan is ku afgaranay in aan kala shaqayno fududaynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degaanadaas wixii ku xiran hay’adaha DFS.