Guddiga Farsamada Maamul-u-dhisidda Galmudug waxay si rasmi ah u shaacinayaan sadex xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Guddiga Farsamada Maamul-u-dhisidda Galmudug waxay si rasmi ah u shaacinayaan sadex xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan la qaatay safiirka midowga Yururb ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga oo ay ka wada hadleen arrimo dhower ah sida in midowga yurub uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya waxaana ay kala saxiixdeen labada masuul heshiis arrimahaas ku saabsan.

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug Oo maanta Kulankoodii u horeeyey yeeshey ayaa cod u qaday Guddiga Doorashooyinka Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa
ee Baarlamaanka Galmudug
Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa soo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo kasocda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO).Mar dhow waxaan idiin lasoo wadaagi doonna war-saxaafadeed si faahfaahsan uga warbixin doona ujeedada wadfdiga iyo hawlaha aan wada qaban doono maalmaha soo socda.Sidoo kale waxaan si joogta ah joogta ah u heli doontaan meesha ay wax-marayaan mar walba, adinka oo nagala socon kara Barahayeena Bulshada
Akhriso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Ereteriya “SAWIRRO” / January 11, 2020
Asmara (CeelWaaq News) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.
Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.
Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.
Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.
Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.
Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.
Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.
Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.
Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.
Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

Muqdisho, (CeelWaaq News) January 11, 2020 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta oo Sabti ah xaflad duco ah u qabatay Marxuum Danjire Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) oo noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee beeraha ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo aroornimadii hore maalintii Arbacada, 8 January, 2020 ku geeriyooday Magaalada Tucson ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 92 sano-jir.
Kulanka ducada ee Marxuumka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirro , Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Safiirro, Diblomaasiyiin, Agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiisha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan “Dhabancad” waxa uu kaga sheekeeyay taariikhda Marxuum Axmed-kayse oo uu sheegay in ay ka wada-shaqeeyeen Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada London ee caasimadda Boqortooyada Midowday (UK) intii u dhexeysay 1970-1975, waxa uu ku tilmaamay wadani ay ku adkayd inuu ka gorgortamo wadajirka iyo midnimada ummaddiisa Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale caddeeyay inuu ahaa nabaddoon xaliyay khilaafaad beeleedyo ka jiray degmada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran intii ay gobollada waqooyi ku jireen gacanta gumaystihii Ingiriiska.
Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , horena u noqday Ra’iisul wasaare kuxigeen ayaa iftiimiyay in halgamaa Ambassador Ahmed-kayse Haji Duale Abdullahi uu ku waari doono taariikhda sharfan ee Soomaaliya, noqon doonana mid lagu daydo marka loo eego dadaalkii miro-dhalay ee isaga iyo afar hoggaamiye kale oo Gobollada Waqooyi ka soo jeeda ay kaga dhabbeeyeen israacii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1 July, 1960, waxa kale uu daaha ka rogay in qoyska reer Xaaji Ducaale Cabdullaahi ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hureen naftooda, isagoo sheegay in qaar ka mid ah walaalihii iyo caruurtiisaba ay qaranka u adeegeen.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka ducada hadal ka jeediyay ayaa boggaadiyay habka qaban-qaabo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xus iyo duco ugu samayso halyeeyyada qaran si gaar ah dadka ka shaqeeyay howlaha ku qotoma siyaasadda dibadda ee dalka, waxa uu sheegay in Danjire Axmed-kayse Xaaji Ducaale Cabdullahi uu ahaa halgame xoriyadda gobollada waqooyi ku suntan, isagoo sidoo kale ahaa halgame midnimada ummadda Soomaaliyeed , waxa uu farta ku goday inuu u saldhiggay isaga iyo kooxdiisaba dowladnimada Soomaaliya, maadaama uu heerkiisa aqooneed uu sarreeyay, isagoo ka mid ahaa aabayaasha xoriyadda iyo gobonnimada Soomaaliya, waxa uu olole u galay xuquuqda beerlayda Soomaaliyeed intii uu ahaa Wasiirka Beeraha, isagoo safiir ka soo kala noqday Wadamada Germany, Masar, Yemen iyo UK .
Wasiir Maareeye ayaa guul ku sheegay howlaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu dib ugu howlgeliyay Machadka Diblomaasiyadda iyo taabagelintiisa qorshayaal qaran oo wax gal u ah dalka iyo dadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulanka ducada ee Marxuum Axmed-keyse soo afjaray ayaa sheegay in Wasaaraddu dhaqan u leedahay in kulanno duco ah u qabato dadka u adeeggay dalka ee hore uga howlgalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaheeda, isagoo xusay in dib u muujinta waxqabadkii dadkaas ay dalka iyo dadka uga tageen uu yahay dhaxal taariikheed caddayn u noqonaya in jiilba uu jiil kale uga daydo dhanka horumarka iyo dal-jaceylka, si loo gaaro hiigsiga qaran, isagoo Allah uga baryay Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) in naxariistiisa uu hugiyo, janaddiisa Fardowsana uu hooy uga dhigo.
Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Dhuusomareeb (CeelWaq News) Dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa Dhuusomareeb ka socota, dhowaan fisha Muuqaalada Dhaarinta.



Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka qeyb-galay xafladda furitaanka Bangigii ugu horreeyey ee maal-galinta dhinaca Beeraha oo laga furay dalka. Bangigan oo magaciisa la yidhaahdo Agro Bank, ayaa ah Bangi caalami ah oo ka shaqeyn doona horumarinta Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga.
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo hadal ka jeediyey munaasibaddii furitaanka oo ka qabsoontay Muqdisho, ayaa soo dhaweeyey bangigan cusub isaga oo hambalyeeyey ganacsatadii ku dhiiratay furitaanka Bangigan oo uu sheegay inuu ahmiyad weyn u lee yahay dalka.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, wuxu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay dhiiri-gelinayaan Ganacsiga dalka si loo gaadho himilada Wasaaradda iyo Hadafka guud ee qaranka ee ah siddii loo yareyn lahaa waxa la innooga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa, taa beddelkeeda na loo badin lahaa waxa loo dhoofinayo dalka dibaddiisa, waxaana uu tibaaxay in Bangigani uu ku soo beegmay xili uu horumar ku jiro ganacsiga Soomaaliya oo diyaar yihiin sharcigii shirkadaha iyo weli ba heshiiska hay’adda MIGA oo Baarlamaanku ansaxiyey isla mar ahaantaana dalka u soo jiidaya Maal-gashadayaan caalami ah.
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay dhinac taagan yihiin Ganacsatada dalka sidoo kale na ay u fududeeyeen hawlaha ganacsigooda isla mar ahaantaana ay wax-soo-saarkooda Ganacsiga u raadinayaan suuqyo kale oo caalamka ah, isagoo xusay in dedaalada ay ku jirto Wasaaraddu ay hore ugu guuleysatay suuqyo loo helay Kalluunka iyo Mooska oo laga dhoofiyo dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxu amaanay Ganacsatada dalka oo uu sheegay inay door muhiim ah ku lee yihiin dib-u-dhiska qaranka isla mar ahaantaana ay abuureen fursado shaqo, maal-gashi iyo weli ba kuwo dhaqaale.




Suldaankii Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Saciid ayaa geeriyooday isagoona xukunka hayay 50 sano waana boqorkii ugu xukunka dheera hogamiyaasha carabta ee xiligan. wadankasi cumaan ayaa 40 maalmood calanka hoos loo dhigay iyadoona sadex maalmood oo fasax ah la siiyay dhamaan shaqaalaha dowlada iyo kan shacabka ee dalkasi .

Waxaa maanta Dagmada Luuq ee Gobalka Gedo gaartay diyaaradii siday buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka.
oo ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarasha Hiddaha &Tacliinta Sare ee XFS,



Deg Deg Xasan Shiikh oo gabi ahaanba isaga baxay madasha xisbiyada qaran sabab layaab leg, maxay tahay sababtu halkaan ka
Madexwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Dalka Eritrea isagoo uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madexwaynaha wadankaasi Isaias Afwerki,.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dal iyo qaabkii loo hormarin lahaa iskaashiga iyo isu soo dhawaanshaha Wadamada Geeska Afrika.

Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Galmudug, kadib markii ay in muddo ah ku mashquulsanayeen arrimaha dib-u- heshiisiinta beelaha wada-dega deegaannada Galmudug iyo soo xulista xubnaha kamid noqon doona Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug





War Deg Deg- Laba xidhibaan ee degmada CeelWaaq Somalia Abdi Ali Hassan Iyo Jibril Rashid oo isku dhacay isku dhacaas oo Xidhibaan Abdi Ali dhiday Garoonkas in usan ahin garoon ay shacab weynaha degmada ceelwaq loo dhisay Basle dhano gaar ah loo dhisay Kenya ay dhisatay ayu yiri Xidhibaanka


Mogadishu (CeelWaaq News) dhalinyaro ka mid ah dhalinyarada degmada CeelWaaq Somalia aya sidan bartoda Faceebok soo digay
Abdirisaq Ugaas Adan Ugaas Ibrahim
Asc asxabta fb salaan kadib waxaan sakey la kulmey dhalanyarada degmada ceelwaq somali ayaga oo sheganayaan in shirkada maan deeq eey dulmi cad ku hayso waayo waxaa laga keeney shaqalaha shirkada maan deeq wajeer ok hadii shirkada maan deeq uu kaqabani waayey wasiirka dulimaad ka ee somali wixii dhib oo kadhaca degmada ceelwaq ayaa laweydiinayaa ok waxaba kasii daran diyarada kale kama degi karto ayaa lagula heshiiyey sida Aan maqalney ok waxaas geeri ayaan ka xignaa hadanu nahay laf dhabarta degmada ceel waaq mahan goronka goroon shaqsiyeed ugu dambentii hadii shirkada maandeeq nal ga qabani waayo xaqdarada eey dhalinta degmada ceelwaaq ku hayso waanu la dirireynaa goroonka waxaa sameyey dadka degan degmada ceelwaq madama som Actino eey ku cawini jirtey badar hrta sidaa oola socda garoonka ay m deeq shaganeyso waa garoon ay degmada hor usameystay ayna kaa caawisay ngo s.action naluma qaldi karo ee bulsho weynta somaliyeed dhalanyarooy

Dhuusa-mareeb.(CeelWaaq News)…Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabaya soo xulista Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.
Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.
Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.
Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

Si aad u hesho warbixinada saxda ah, horumarada dalka ka socda, waxqabadyada dowladda ku tallaabsanayso dowlada Somalia
Diyaarad laga leeyahay dalka Ukraine ayaa ku burburtay agagaarka magaalada Tehran ee Caasimadda Iiraan, taasoo ay saarnaayeen illaa 180 qof oo rakaab ah.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka FARS ee dalka Iiraan diyaaraddan ayaa dhacday wax yar kaddib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee Caasimadda Tehran.
Diyaaraddan ayaa ku soo jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev waxaana illaa iyo hadda la ogeyn waxa sababay shilka diyaaradda iyo inay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan.
Madaxa Hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Iiraan ayaa sheegay inay aad u adagtay inuu qof ka badbaado diyaaradda dhacday.
Telefishinka Press TV ayaa goor dhow sheegay in shilka diyaaradda ay u badan tahay cilad farsamo oo soo wajahay diyaaradda, inkastoo aanan weli wax war ah ka soo bixin Shirkadda Diyaaradaha ee Ukraine.




Guddiga Farsamada Maamul-u-dhisidda Galmudug oo shirjaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaaban doonto xulista xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Ukraine International Airlines said on Wednesday that a Boeing 737-800 involved in a fatal crash in Iran was one of the best planes in its fleet and that its pilots were very experienced.
The assertion, made at an official news conference in Kiev given by four airline officials, followed the crash earlier on Wednesday which killed all 176 people aboard.
Airline officials said there was no sign that anything was wrong before the plane took off from Tehran’s Imam Khomeini airport and that it had last been routinely serviced on Jan. 6.

Hoggaamiyayaasha Ruushka iyo Suuriya oo kulan gaar ah yeeshay.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la kulmay dhigiisa waddanka Siiriya Bashar al-Assad intii lagu gudajiray booqasho dhif ah oo uu ku tagey caasimada Siiriya iyadoo rajada dagaal ee udhaxeysa Iran iyo Mareykanka ee ku xiran tahay gobolka.
Booqashada Talaadada ayaa ah tii ugu horeysay ee Putin uu ku tago caasimadda Dimishiq iyo kan labaad ee Siiriya, oo ah furaha Iran, tan iyo markii uu biloowday dagaalka daba dheeraaday ee Suuriya oo ay ciidamada Ruushka ku biireen sanadkii 2015 si ay u taageeraan dowladda Siiriya.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Qarax xooggan ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qarax aan noociisa lagaranaynin loona malaynaayo in uu ka dhashay guri lagu diyaarinayay miinooyinka iyo walxaha qarxa ayaa maanta salaadii casar kadib ka dhacay guri ku yaala dhabarka dambe ee xarunta shirkadda Hormuud ee magaalada Jilib ee xarunta maleeshiyaadka Alshabaab. Guriga uu qaraxu kadhacay ayaa waxaa daganaa xubno sar sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab.
Dad goob joogayaal ah ayaa u xaqiijiyay qaraxa warbaaahinta CeelWaaq News
Arrintaan ayaa imaanaysa xili kala shaki badan uu soo kala dhex galay hoggaanka sare kooxda argagixisada Alshabaab oo meelo kooban kaga dhuumalaysanaaya Soomaaliya.


Mogadishu (CeelWaaq News)- Cidamado ka amarqata G.Abaas Guray iyo Kuwa Kenya oo AMISON isku sheegayo aya shacabka dhigan degmada CeelWaaq Somalia manta subaxnimadii hore u diday in ay furtaan dukamadooda si ay u shaqaystaan ila hadana lama aqano sabatas
Waa mid ka mid ah dhibka aya Ku hayaan Cidamada Kenya iyo G. Abaas Guray degmada
Dawladda Australia ayaa sheegtay in maalinta arbacada ah oo berri ku beegan ay bilaabi doonto toogashada iyo laynta in ka badan 10 kun oo neef oo geel ah.
Ciidamo gaar ah oo u tababaran arrintaas ayaa diyaaradaha qummaatiga u kaca ka toogan doona geelaas ay dowladdu sheegtay in la layn doono.
Sidookale layntan geela ayaa sida uu qorshuhu yahay socon doonta ilaa shan maalmood.
Ukeedka loo laynayo geela ayaa lagu macneeyay waxyeello uu dalkaa ku hayo, sida inuu biyo aad u badan cabo, dhul aad u badanna u jeexo raadinta biyaha isaga oo beeraha cagta sii mariya guryahaana waxyeello gaarsiiya. Taaso sababtay in abaar darani ku dhufato wadankaas. Sidoo kale waxa ay sheegtay in socodkooda iyo dhibtooodu qayb ka qaadato cimilada kullaanaysa ee dunida gaar ahaan ahaan Australia.
Australia waxa ay hoy u tahay geel duur-joog ah, oo kor u dhaafay qiyaas ahaan hal milyan oo neef. Geelaas ayaa sagaalkii sanaba ku darsantaa tiro intaas le’eg, (National Feral Camel Management Plan). Balse dawladda ayaa kala yaraysa oo aad u gumaadda.
Shacabka Wararka
Ceelwaqsomali@gmail.com
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaale ayaa maanta Bulshada Dhuusamareeb ee uu Barlamaanka ku matalo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Ka guddoomay 5 Geel ah oo ay ugu tala Galeen Dhiiri galinta Ciidanka qalabka sida ee ka howl Gala Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.


مقديشو (CeelWek News) – أعلنت شركة الطيران Mandeeq Airline حتى الآن أنها هبطت في مطار Ceelwaq في الصومال أمس لكنها هبطت في مطار Bardera District ، حسبما قال مدير وزارة الطيران المدني والنقل.
من المفارقات أن خطة مانديلا للكذب على الحكومة لم تجعلها من سكان الواق الصومال فحسب ، بل استقرت أيضًا في المنطقة.
وقالت إدارة منطقة الواك الصومال ، مثل السيد أبا غوراي ، إن المطار ، وهو مطار بارديرا ، ليس مطار إلواك الصومال.
Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed { NISA} ayaa gaarey Deegaanka Barujeed ee Gobolka Galgaduud halkaas oo Koox ka tirsan argagixisada Alshabaab ay ku baqdin galiyeen Dadka Deegaanka.
Taliyaha Nabadsugida Guriceel Maxamed Gaanyac Cabdulle oo Hugaaminayey Ciidamada Dowlada ee Halkaa gaarey ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyaadka Alshabaab dib uga baxeen Deegaanka Barujeed haatana ay xaqiijiyeen Amaanka.

الصومال تشارك فى تأسيس تحالف يضم 8 دول مشاطئة للبحر الأحمر
الرياض ، ٦ ٠ يناير/ كانون الثاني ٢٠٢٠ – شارك وزير الشؤون الخارجية والتعاون الدولي معالى السيد أحمد عيسى عوض اليوم الإثنين ( ٦ يناير/ كانون الثاني) فى اجتماع وزراء خارجية مجلس الدول العربية والافريقية المطلة على البحر الأحمر وخليج عدن الذي استضافته العاصمة السعودية الرياض.
ووقع الوزراء على ميثاق المجلس تمهيداً لرفعه لقادة الدول لإقراره.
وتم تأسيس التحالف الجديد الذى يضم 8 دول عربية وإفريقية هي الصومال والمملكة العربية السعودية ومصر والأردن والسودان واليمن واريتريا وجيبوتي.
وعلى صعيد آخر ، استقبل خادم الحرمين الشريفين الملك سلمان بن عبد العزيز آل سعود اليوم الإثنين، وزراء خارجية الدول العربية والإفريقية المطلة على البحر الأحمر وخليج عدن، وهم: معالي وزير الخارجية بجمهورية الصومال الفيدرالية معالى السيد أحمد عيسى عوض، ومعالي وزير الخارجية بجمهورية مصر العربية سامح شكري، ومعالي وزير الخارجية وشؤون المغتربين بالمملكة الأردنية الهاشمية أيمن الصفدي، ومعالي وزير الخارجية بدولة أرتيريا عثمان صالح، ومعالي وزير الخارجية بالجمهورية اليمنية محمد الحضرمي، ومعالي وزيرة الخارجية بجمهورية السودان أسماء محمد عبدالله، ومعالي وزير الشؤون الخارجية والتعاون الدولي بجمهورية جيبوتي محمود يوسف.
ونقل الوزراء لخادم الحرمين الشريفين خلال الاستقبال تحيات وتقدير قادة دولهم، فيما حمّلهم الملك المفدى نقل تحياته وتقديره لأصحاب الجلالة والفخامة.
وجرى خلال الاستقبال، بحث عدد من الموضوعات المتعلقة بسبل تطوير التعاون المشترك بين الدول المطلة على البحر الأحمر وخليج عدن، بما يعزز الأمن والاستقرار في المنطقة.
وفي السياق ذاته، التقى وزير الشؤون الخارجية والتعاون الدولي معالى السيد أحمد عيسى عوض اليوم وزير الخارجية في المملكة العربية السعودية الشقيقة صاحب السمو الأمير فيصل بن فرحان بن عبدالله وبحث معه آفاق تعزيز العلاقات الثنائية والتعاون بين البلدين الشقيقين، كما جرى التأكيد على التنسيق المشترك فى القضايا الإقليمية.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Diyarada Mandeeq Airline aya ila hada waxay ku doodaysa in ay shalay ka degin diyaradida mandeeq Airline Degmada Ceelwaaq Somalia balse ay ka degtay Garoonka Degmada Bardera sida ay u sheegin Agasimaha wasarada Dulinta Hawada iyo gaadidka.
Waa wax layab leh oo foolxun in Diyararad Mandeq ay dowlada been u sheegto iyadu tiri kama dhigin degmada CeelWaaq balse hadana ka degtay degmada
Mamulka degmada CeelWaaq joogo sida G.Abaas Guray oo afkisa Ka sheegayo in Garoonkan oo yahay garoonka Bardera usan ahin Garoonka ceelwaqsomali Abaas Guray meqa lacag ayu ka qatay shirkada Mandeeq Airline


Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Hassan Ali Khaire ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa deegaano hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilowday qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa oo fara ba’an ku haya dadka deegaanka.
Waxaa sidoo kale Qorshahaan lagula dagaalamayo Ayaxa Qeyb ka Qaadanaya Duqa dagmada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi waxaana fulinaya Howshaasi Shaqaale sigaar ah loo Tabababaray.



Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeysay weerarkii cirka ee Mareykanka ku dilay Qassim Soleimani oo reer Iran ah, waxayna caddeysay in uu jabinayo sharciga xuquuqda aadanaha.
“Dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Qasem Soleiman iyo Abu Mahdi Al-Muhandis waxay u badan tahay inay yihiin sharci darro isla markaana waxay ku xadgudbayaan sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah. Callamard ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay.Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka ka baxsan sharciga, Agnès Callamar, ayaa tilmaamtay dilku ujeedkiisu inuu ahaa dabar-goynta qorshayaasha mustaqbalka ee Iran.Khabiirka Xuquuqda Aadanaha ee Faransiiska ayaa sidoo kale dhaleeceesay bayaanka Pentagon ee ku saabsan duqeynta.Waxay raacisay in Maraykanka looga baahnaandoono inuu caddeeyo qofka uu bartilmaameedsaday inuu yahay khatar ku soo food leh.




Maamulka G/ Shabeelada Hoose ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay ku dhawaad 1500 oo qoys oo ay sameeyeen fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabelle.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose ayaa horkacayay wafdiga deeqda gaarsiiyay qoysaska Ku dhaqan degmada Afgooye.
Gudoomiye Najax ayaa uga mahad Celiyay madaxweynaha maamulka KGS sida uu mar waliba hay’daha gargaarka u gaarsiiyo xaalada shacabka reer KGS.
Ma ahan Marki ugu horeysay oo maamulka gobolka Shabeelada Hoose uu deeq gaarsiiyo shacab weynaha ku dhaqan gobolkaasi.
Hogaamiyaha ruuxiga ah Ibrahim Adan Ali najah Aya har iyo hawen utagan u adeegida shacabka ku dhaqan gobolka sh hoose
Daryeeliyodowladnimo
Nabadiyonajah
One of Kenya’s top intelligence officials has landed in Elwaq district today

Waa mid ka mid ah Sirdoonka dowlada Kenya oo manta ka degay degmada CeelWaaq iyadu manta weerar lagu layay Degmada Lamu cidamo marekan ah






Manta iyo CeelWaq diyarada Mandeq ee ka timid dalka Kenya ee Nairobi aya manta soo farisatay Degamada CeelWaaq ila hadana majiran wax masuul ah oo la socdo dowlada Somalia balse waxa lama laynaya unay Sirdoono Kenya ah ay lasoocdan

Mogadishu (CeelWaaq News)- Wararka Caawa aan ka heleyno Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor laga maqlay ilaa iyo saddex Madaafiic oo xoogan.
Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad.
Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 ruux, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay uga hadlayaan Madaafiicda Caawa lagu garaacay Saraafadda ay ku leeyihiin Badqaad.


Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa u mahadceliayay gudiga duulista rayidka iyo xildhibaanada Golaha shacabka siday u ansixiyeen Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.




Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hadiyad guddoomsiiyey Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Katrineholm ee dalka Sweden Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi.
Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi oo dhawaan dalka soo gaartay ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa, kaasi oo ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, waxaana uu ugu dambeyn Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaan Maryan guddoonsiiyay hadiyado muhiim ah oo dalka ka turjumeysa.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiikiisa ku qaabilay Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi oo uu guddoonsiiyay hadiyado kuwan la mid ah.


Waa dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu yimid duleedka Muqdisho si ay Qur’aan ugu akhriyaan uguna duceeyaan dadkii ku shahiiday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii Ex-control Afgooye.

Shirkada Diyaaradaha Mandeq aya Malinta Barito imanayso Degmada CeelWaaq iyadu aan ka soo duulin Casimada Mogadishu balse Dulimankas oo ka imanayo dhanka Kenya ee ah degmada Elwak-Kenya sida aan Ku helnay ila hada war lagama hayo masuuliyiin dowladda Somalia ee duulinta Hawada ah .



Xoolaha lagu iibiyo qaybaha kala duwan ee Muqdisho ayaa caqabad ku ah bilicda iyo nadaafada caasimada, waana mida keentay in dowlada soomaaliya go’aamiso dib u soo celinta suuqii la oran jiray Dayax kaas oo lagu iibin jiray xoolaha berisamaadkii.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha suuqa dayax oo ku yaala degmada Heliwaa.
Suuqa Dayax oo lagu iibin jiray xoolaha nool ayaa qayb ka noqday burburkii soo gaaray xarumaha danta guud, marka la dhameystiro dhismaha suuqan ayaa maamulka gobolka Banaadir mamnuuci doonaa in xoolaha lagu iibiyo goob aan suuqan ahayn

“Waxaan qaadnay talaabadii xalay si aan u joojino dagaal,” ayuu yiri. Donald J. Trump ayaa yidhi. “Wax talaabo ah kama qaadin dagaalka.”
Waxaa jira cabsi badan oo laga qabo hanjabaad weyn oo soo food saartay Mareykanka iyo danaha Mareykanka ka dib markii Iran ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto geerida Taliyihii Ciidamada Quddus, kuwa dhaleeceyna ay ku eedeeyeen Madaxweynaha. Go’aanka Trump ayaa halis geliyay nolosha dad badan.

“We took action last night to stop a war,” Pres. Donald J. Trump says. “We did not take action to start a war.”
There are heightened fears of an even greater threat to Americans and American interests after Iran vowed to retaliate for the death of the Quds Force commander, and critics contend Pres. Trump’s decision had endangered


Danab oo dishay in ka badan 30 Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarineysay Shabeellada Hoose.
Guutada 16aad ee kumaandooska CXD ayaa hawgal balaaran oo ay kasameysay deegaanka Baloow Eylo ee gobalka Shabeellada Hoose waxa ay ku dishay in ka badan sodon Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa caddeeyay in sidoo kale duqeyn lagu gubay gaadiidkii argagaxisadu ay doonayeen inay ku halaagaan shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkaan lagu naafeeyay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandoostu ku baacsanayeen haraadiga kooxaha calooshood u shaqeestayaasha, naf la caariga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.
Maalma ka hor ayaa guudata 16aad waxa ay argagaxisada kala wareegtay todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wacayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Shabaab.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Barlamaanka Dalka Turkiga ayaa si deg deg ah ku meelmariyay in loo gurmado oo la badbaadiyo dowlada aduunka aqoonsan yahay ee ay Ee liibiya taasoo ay hareereyeen kooxaha Emaratka ka amar qaata.
Durba ciidanka Badda Turkiga ayaa u daqaaqay dhanka Dalka liibiya, Ordugaan ayaa wacad ku maray inuu ka sifeeyn doonno kuwa ku soo duulay Dalka Liibiya.
Mogadishu (CeelWaaq News)- Warbaahinta Turkiga ayaa qortay.Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Turkiga oo noqday walaalo is garabsada, Turkiga 2021 waxeey dadaal ku bixin doonaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen Soo laabashada Madaxwayne Farmaajo.Emaratka ayaa ayaguna dadaal ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen rag amarkooda ku shaqeeyo ee madaxawayne Farmaajo badalo.Ma ku garabtaagan tahay madaxwayne Ordugan sida uu madaxwayne Farmaajo u garab taagan yahay.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Wasaaradda kallumeysiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho kaas oo soo caariyey.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kalluunkaas uu ku soo caariyey xeebta u dhaw xeradda Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.
Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta wuxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo.
Dhinaca kalena Wasaaradda ayaa wada qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko Dekadihiisa.

Mogadishu (CWQ News)- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.
Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.
Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,
Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.
Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxa ay dhinaca kale soo dhaweyneysaa War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.









Mogadishu (CeelWaaq News)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo weli ba madax kale oo ka tirsan Wasaaraddaasi, ayaa maanta ka qeyb-galay kulan la tashi ah oo guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay Ganacsatada dalka kala yeelanayeen hindise sharciyeedka lagu sameynaayo sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibbaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Xildhibbaan Daahir Maxamed Muuse, Xildhibbaan Cabdicasiis Cabdillaahi Yuusuf iyo guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaaliya iyo weli ba ganacsato oo tiro badan oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee ganacsatada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray hindise sharciyeedkani, waxaana uu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Ganacsigu ay dedaal badan soo gelisay sharcigan isla mar ahaantaana hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada balse laga maarmi waayey in la tashi laga la sameeyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadahu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxay shaqo badan iyo dedaal badan ay gelisay sharcigan, waxaana iska kaashaday garyaqaanada Wasaaradda, kaalinna ay ka qaateen Wasaaradda Cadaaladda, Gayqaanka Guud, wada-tashi na laga la sameeyey cid walba oo la is lee yahay laga ma maarmaan ayey u tahay marka sharci la bilaabayo ama la dejinaayo”. Ayuu yidhi Inj.Cabdullaahi Cali Xasan
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo sidoo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Sharcigan oo 18kii April 2019 ay ansaxiyeen Golaha Wasiiradu, waxa markii dambe loo gudbiyey Golaha Shacabka, markii dambe na waxa gacanta ku qabtay guddida arrimaha Ganacsiga ee Golahaas, waxaana laga ma maarmaan noqotay in sharcigii lagu soo celiyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay wax ku darsadaan, wax ka beddelaan, waxna ka dhimaan sababtoo ah waa sharci taabanaya nolosha dadka Somaaliyeed.”.
Wasiirka Ganacsigu, waxa kale oo uu ka waramay muhiimadda uu sharcigani u lee yahay dalka, waxaana uu xusay in uu aas-aas u yahay horumarka ganacsiga Soomaaliyeed.
“Halkan waxaynnu maanta u joognaa in lagu falan-qeeyo hindise Sharciyeedka jaan-goynta tayo-dhowrka iyo hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo is wata, runtii sharcigani waa mid muhiimad ballaadhan u leh nolosha, caafimaadka iyo bad-qabka dadka Soomaaliyeed, runtii nab ani Aadamka dhammaantiis ba waa sharci aan laga maarmi karin, waa sharci runtii aas-aas u ah horumarka aynnu dooneyno in ganacsigeenu ku tallaabsado, waana sharci koobaya waxa aynnu u dhoofinaynno dalka dibaddiisa, waxa aynnu dalka keenaynno iyo wixii aynnu dalka gudahiisa ku isticmaalayna ba waa mid aad u koobaya.”. Ayuu yidhi Md.Cabdullaahi Cali Xasan.
Dhinaca kale, waxa iyagu na halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Shacabka Md. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Xildhibbaano iyo weli ba guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Soomaaliya, waxaana ay dhammaantood aad ugu dheeraadeen muhiimadda uu sharcigani u lee yahay dalka.
Hindise Sharciyeedkan, ayaa hor-yaala Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaana uu qeexayaa aas-aaska iyo dhismaha hay’adda qaran ee jaan-goynta iyo tayo-dhowrka ee dawladda Soomaaliya.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iclaamiyay in maalinta Khamiista ah uu magaalada Muqdisho ka dhici doono Dibadbax aad u weyn oo ay umada reer Muqdisho ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Al-Shabaab iyo sidoo kale ka hortaga falalka gurcan oo ay Argagixisada ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxey kasoo horjeedaan jiritaanka Soomaalinimada iyo in uu dalkaan horumaro iyagoo ka fogaaday Islaanimada iyo Alla Kacabsiga.

Mogadishu (CeelWaaq News)- Farax Macallin, wuxuu tilmaamay hannaan uu ku sheegay in al-Shabaab lagu cirib-tiri karo, wuxuu yiri “Haddii la hubeeyo ciidammada Xoogga iyo saaxiibadood, waxay al-Shabaab ku tirtiri karaan 100 maalmood.Waxaa la gaarey xilligii ay Turkigu iska xilsaari lahaayeen inay soo diraan ciidammo xadiddan oo dhulka ah iyo qalab si loo sameeyo howlgal nabad dhalin ah. Waa in sidoo kale meesha laga saaraa ciidammada aagga hore (deriska) oo howsha loo daayaa ciidammada SNA/Turkey/Burundi si ay meesha uga saaraan Shabaab.”
Sidee kula muuqata aragtiddan?






Mogadishu (CeelWaaq News) – Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay ardayda dhigata kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqasho cilmiyeed ay wax kaga ogaanayaan hannaanka shaqo ee Xafiisyada ugu sarreeya dalka.
Ardadan oo soo indho-indheeyey qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ayaa kulammo xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah agaasinka, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada JFS.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Ahmed oo ardaydan ku soo dhaweeyey Madaxtooyada ayaa uga warbixiyey shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.
Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in ardaydan oo ah dufcadii ugu horreysay -burburkii kaddib- ee culuumta saxaafadda ka dhigta Jamacadda Ummadda ay aasaas u yihiin horumarka iyo koboca aqooneed ee Saxaafadda Soomaaliyeed.
Danjire Yusuf Garaad Cumar oo bare u ah ardaydan, hoggaaminayeyna booqasho cilmiyeedkan ayaa soo jeediyey in la xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.
Dhankooda, ardayda Kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxasan yihiin booqashada Madaxtooyadooda,dhiirrigelinna ay u tahay in ay fahmaan hannaanka warbaahineed ay u shaqeyso Madaxtooyada.
Fanaan Maxamed BK walaalladii ayaa raalligalin ka bixiyay hadalkii uu dhawaan ka sheegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.Qoraal ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan:Raali-gelin Buuxda:Aad iyo iyo aad ayaanu uga xunnahay, wax kastoo iddin soo gaadhay, dhaawacay qulluubtiina, wax kastoo ummadda soomaaliyeed wax u dhimmay. Gob iyo caadkeed ayay tahay in aanu ka garaabno oo garawshiyo ka bixino sida dhaqankeenu ahaan jirey. Qalad qalad laguma saxo bani’aadankuna way gefaan, way kaftamaan, deelqaafna wuu ka dhici karaa lamana odhan karo maxay sidaasi u dhaceen?. Bashar baynu nahay waynu qaldannaa, haddana si fuddud ayaynu u qirannaa wax kastoo innaga dhacay. Ergo ahaan, dadkii dhibsadday erayaddii walaalkay Maxamed Bk boqolkiiba boqol xaal baanu siinnaynaa.Arrintani ugub ma aha, hore ayay tan oo kale u dhacday, maantse ergo ahaan waan ka odayaynay haddii eebbe iddmana haddaladan oo kale dib u dhici mayaan sidaa hawla socdaaan ummada soomaaliyeed. Maanta ma joogno xilli aynu isku wiirsanno, wax iska sheegno, iskuna tilmaano dad bahalo gaalleena oo aan waxba haysan. Sharaf dhac ka weyni ma jirto, walaalaha soomaaliyeed in ay dadka kale iska eegtaan baa wacan. Ma ahayn in ay iyaggu dhexdooda caddow isu noqdaane, taana waa laga fiican yahay. Ergo ahaan, waxa aanu soo jeedinaynaa in laga waantaabo eryada naxliga ah, ee hawadda laysu marinayo. Dadnimaddu waxa ay ku jirtaa in la ilaaliyo lana fahmo Xaqa diintu ina fartay, wadda noolashaha, dowladnimadda iyo dhaqankeena suubban. intaa waxa aan ahayn qof kastoow ma wanaagsanee is dabo qabo.Bulshadda hal baanu leenahay hadday wax dhacaan bilaaba ka fiirsadda oo xummaanta ha sii buunbuunina xalku muxuu noqon karaa qorsha ha lagu daro? Guud ahaan, tacsi qaran ayaanu u diraynaa dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii Ex-control af-gooye, waxba may galabsane alle haydiin naxariisto dhammaantiin jannadii fardowsanna alle haydin geeyo. intii ku dhaawacantay, ku weyday aabbiyo hooyana caafimaad hor leh iyo waxsan ayaanu iddin rajeynayaa gebi ahaanba. Ergaddu waxa ay talo koobban u diraysaa madaxda soomaaliyeed meel kasta ha joogaane:-Dhibaatadda ka soo noqnoqonnaysa magaaladda Muqdisho yaan indhaha lagu daawane waa in wax laga qabtaa. Oo laamaha dowladda waxa la farayaa in dadkan ku dhaqmaya falkan bahalnimadda ah laga qaaddaa tallaabo sharciyeysan.-Waa in xidhiidhkii u dhexeeyey labbada dal waa soomaalilaane, iyo soomaaliya dib loo furaa.- Waa in loo gurmaddaa dadka dhibaataysan ee webigu ku fatahay ee ku dhaqan magaaladda Beledweyne.- Waa in aan la dhaawicin is dhexgalka u dhexeeya labbada waddan si bulshadu u noqoto ummada fahankeedu sarreeyo.Mudanahaa walaalkaa,
Haddii weerar lagu dilo,
Isha lalama waabtee,
Weerkiyo baroortaa,
Dadka lala waddaagaa.M. I. W. ‘Hadraawi’.30/12/2019FG: Eragaddu waa ilmo Siciid Cabdi Xasan.Waad mahadsantihiin dhammaantiin.

Dhuusamareeb,(CeelWaaq News) Isniin, Deseembar 30, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.
—DHAMMAAD—-

Mogadishu (CeelWaaq News)- Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa ka codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale,mid ciidan iyo mid dibolomaasi.
Hoggaamiyaha dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobe ee dalka Libya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC in ay qaadaan tallaabo dhan ka ah waxa lagu tilmaamay fallaagada ciidamada Mileteriga ee uu hogaamiyo General Khalifa Haftar.
Generaalkaasi ayaa la sheegay in dambiyada uu geystay ay yihiin kuwo lid ku ah biniaadanimada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.
Dhowr bilood oo dagaallo ay ka socdaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripuli boqolaal rayid ah ayaa la dilay ama la dhaawacay halka 140-kun oo ruux ay ka carareen guryahooda.
بناء علي توجيهات حضرة صاحب السمو الشيخ تميم بن حمد آل ثاني، غادرت طائرة تابعة للقوات الجوية الأميرية القطرية ، متوجهة إلي مطار #مقديشيو بالجمهورية الصومالية الفيرالية الشقيقة ، تحمل مساعدات دولة #قطر من المواد الطبية والاسعافات الأولية بدعم من صندوق قطر للتنمية #الصوم

U

PDATES:
An airplane carrying health supplies with doctors has arrived at Adan Adan adde airport. The plane will take some of heavily injured personnel of the recent terror attack in #Mogadishu to get a better health service in #Qatar.

Mogadishu (CeelWaaq News)- “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.
Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis. NISA



Ankara (CeelWaaq News) – Diyaaradii siday dhaawacyada Qaraxii Ex Control Afgooye ayaa goordhaw ka degtay garoon military oo ku yaala magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga waxaana si dhaqso ah loogu qaaday isbitaalada.
#GurmadQaran
Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyey qarixii shalay ee Ex.Kantarool Af-gooye ee Muqdisho, iyaga oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay madaxweyne Farmaajo.

Mogadishu (CeelWaaq News) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku booqdey Gudaha Diyaarada Dhaawacyadii looqaadey Turkiga




Wasiirka amniga dalka ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaranka Maxamed Abuukar Islaw Ducaale ayaa ka warbixiyay tirada dadka dhaawacyadooda loo qaaday dalka Turkiga.


Jig-jiga-(CeelWaaq Somalia)- Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan.
Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo.
Qaraxaasi oo ay soo maleegeen arxan laawayaal bannaystay dhiigga shacbiga, wuxuu gaystay dhibaato baaxad leh oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed,waxaana haddii Alle idmo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aan dalka wax looga qaban Karin loo qaadi doonaa dalka Turkiga.

Safaaradda Somalia ee Kenya waxay soo dhawaysay mudane Suudi Saciid Suudi oo loo soo magacaabay La-taliyaha 1aad ee Safaaradda. Waxa uu xafiiska ka beddelay mudane Aweys Amiin Sheekh oo loo beddelay dalka Ciraaq.


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed Ee Somaalia
Adiaziz Hassan Mohamed Laftagaren Ayaa Maanta , Tababar uso Xirey Ciidanka booliska Koonfurgalbeed somaalia oo Tiradooda ay gaareyso 400 ciidan boolis ah oo muddo 6bilood ah ku tababaranaayey
Xaruunta Taliska Generaal Kaahiye





Labo mawaadin u dhalatay dalka Turkiga kuwaas uu ku dhintay qaraxii argagixisadu shalay ka geysatay magaalada Muqdisho ayaa maanta meydkooda loo qaaday dalkooda Hooyo ee Turkey.

Idaacadda Kulmiye (KNN) ayaa gabi ahaanba joojisay baahinta heesaha fanaanka reer Hargeysa ee Maxamed BK, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal fanaanka uu ku muujinayo sida uu ugu faraxsan yahay dhibaatada iyo qaraxyada loo geysanayo shacabka ku nool caasimadda umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Mogadishu (CeelWaaq News) Madaxwayne Farmaajo ayaa jooga Garoonka Aadan Cade halkaasi uu ku kormerayo qaabka ay u socoto qaadida Dadka Dhawaca ah isagoo mid mid u booqanaya Dadka Dhawaca ah .






Turkish military cargo airplane has landed at Mogadishu Airport in order to transfer injured Somali people to Turkey for medical treatment. It also brought medical staff to support medical services at Recep Tayyip Erdoğan Hospital and emergency medical supplies.





Culimada Showgii kiin jaamac way ka wada gilgisheen sidii in diinta loo dhacay oo kale, Forex dhallinyaro shaqaysanaya way ka qayliyeen, hadalkii cabdiraxmaan cabdishakuur ee ahaa ‘dumarku naaqisaat caqli maaha’ saan ogeen bay afka u furteen mugdisho ilaa boosaaso ayaa lays gaalaysiiyay.102 Qof baa dhimatay oo argaggixiso laaysay maxay u aamusanyihiin? Shalay fikrigan wahaabiga iyaga ayaa sucuudiga noogaga soo waariday maxay dadka ugu cadeen laayihiin in uu qalad yahay ?
Walaalaheen Turkey 🇹🇷 Dowladda turkiga aya magalada kayseri ka dirtey diyaraad sida daawoyin iyo qalab caafimad ayna saaaran yihin taqaatir turkey ah sı ay uga qeyb qaatan caawinaadda walalihi waxyeelada kaso gaartey qaraxi maanta ka dhacey Ex Contorol Afgooye mahadsanidiin.
Turkey 🇹🇷 abaalkiina allah baa gudi karo.

Muqdisho, (CeelWaaq News) Diseembar 28, 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Amb. Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, H.E. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska Raiisul Wasaaraha, H.E. C / llaahi Xaamud Maxamed, ayaa Sabtidii, kormeeray dadkii ku dhaawacmay qaraxii gaari ee lala beegsaday qof is qarxiyay subaxnimadii maanta isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof oo rayid ah.
Wasiir Cawad wuxuu tacsi u diray qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay weerarkan foosha xumaa, isagoo u rajeeyay sida dhaqsaha leh ee soo kabashada dhaawaca, xoojinta adkeysiga dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagixisada inta ay difaacayso dadkeeda. .
Intii uu booqashada ku joogay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo horey loogu yaqaanay Isbitaalka Digfer ee caasimada, Wasiirka wuxuu la kulmay safiirka Turkiga H.E. Mr. Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka Dr. Aşır Eraslan, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dowladda iyo walaalaha Turkiga ee ku dhintay dilkii labo injineer oo reer Turki ah musiibadaas. Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay guddi dowladeed oo loo xilsaaray in ay gurmad u fidiyaan dhibanayaashii qaraxii argagixisada ee lala xiriirinayo ku wareejinta dadka dhaawacyada culus u geyso walaasheed iyo wadamada saaxiibka la ah si loo daweeyo.



#Somalia #Somali #Mogadishu #Turkey #Turkish
Foreign Minister inspects the wounded in the ex-control Afgoye intersection terrorist bombing
Mogadishu, December 28, 2019 – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, accompanied by the Minister of Trade and Industry, H.E. Eng. Abdullahi Ali Hassan and the State Minister for the Prime Minister’s Office, H.E. Mr. Abdullahi Hamud Mohamed, on Saturday, inspected the wounded people from a car bomb targeted by a suicide bomber this morning in the crowded ex-control Afgoye intersection in Mogadishu, killing at least 70 civilians.
Minister Awad sent his sincere condolences to the families of the victims for this heinous attack, wishing the speedy recovery of the wounded, reinforcing the steadfastness of the Somali people, saying that the Federal Government of Somalia will continue its war against terrorism while protecting its people.
During his visit to Recep Tayyip Erdoğan Hospital, formerly known as Digfer Hospital in the capital, the Minister met with the Turkish Ambassador H.E. Mr. Mehmet Yilmaz and the Hospital Director Dr. Aşır Eraslan, extending his sincere condolences to the government and the brotherly Turkish people for the killing of two Turkish engineers in this tragedy. The minister also met a government committee tasked with providing relief to the victims of the terrorist bombing in connection with the transfer of the seriously injured to sister and friendly countries for treatment.
#Somalia #Somali #Mogadishu #Turkey #Turkish




Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga ayaa ka tacsiyadeyay geeriyada labo muwaadin Turkish isagoona tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed .

Ayaxa waa babiyaha daqa

Fadlan la socodsiiya in maanta saacadu markay ahayd 1600hours ciidammo khaas ah lagu xiray Katulo Patrol Base halka ay ka soo socdaan Khorof Arar oo saaran markab xamuulkooda” IED, “ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Boliska Wajeer.
Weerarka ayaa sababay in toddobo sarkaal oo kale ay ka dhaawacaan madaxa, xabadka iyo dhabarka, sida lagu sheegay warbixinta.
Sawirro ayaa muujinaya dhul-gariirka aadka u burburay qaraxa ka dhashay.
Dadka dhintay waa darawalka iyo sarkaal kale oo darajo sare ku jira.
Xarunta booliiska Kenya wali wax war ah kama soo saarin dhacdadan maadaama ay caado u ahayd weerarada noocaas ah.
Aagagga u dhexeeya Ghorof, Katulo iyo Elwark waa kuwo aad u sareeya laakiin si kastaba ha noqotee, unugyada booliiska ayaa roondo ka samaynaya aagagga inkastoo ay khatarta tahay.
Bishii Disembar 23, Ciidamada Gaarka ah ee Katulo ayaa khiyaameeyay geerida ka dib markii IED kale oo lagu dhex aasay Wadada Tarbaj-Katulo ay qaraxday.
Saraakiisha ayaa gaaf wareegayay meelaha Wargadud iyo Dargut markii shilku dhacay.
Qarixii aan-dhimashadda lahayn ee loo yaqaan ‘IED’ wuxuu dhacay 24 saac kadib markii xoogaga Al-shabaab ay weerareen goob dhisme oo ku taal Hagarsu, Bariga Mandheera ayna burburiyeen qoditaan, laba rollers iyo matoor cadaadis ah oo dhammaantood lagu qiimeeyay Sh 39.8 milyan iyagoo isticmaalaya IED.
Bishii Disember 6, xagjiriintu waxay qabsadeen Baska Madiina waxayna dileen 11 rakaab ah oo ay ku jiraan sideed boolis ah oo ka socda Unugta Dukaanka ee loo yaqaan ‘Anti Stock Theft Unit (ASTU)’.
The Star ayaa fahansan in naxaasta bilayska ee qaybo ka mid ah woqooyiga dalka iyo qaybo ka mid ah Xeebta loo sheegay inay ka feejignaadaan weerarada qorshaysan inta lagu jiro ciida Kirismaska.
Warbixinnada sirdoonka ayaa muujinaya in mintidiyeyaasha labada koox ay bartilmaameedsanayeen saraakiisha booliiska.
In kasta oo ay dowladdu soo iibsaneyso Gawaarida Armored Personnel Carrier (APC) iyo Mine Resistant Ambush Difaaca (MRAP), wali waxay la yaab ku tahay sababta askarta loogu diro jidadka ay maleeshiyaadka maraakiibta maraan.
Tiro badan oo ka tirsan askarta bilayska ayaa ku dhintay sannadkan weeraradii IED ee ka dhacay Waqooyiga Kenya

Golaha Shacabka wuxuu gaaray guul taariikhi ah iyada oo aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo dalka u horseedaya doorasho qof iyo cod ah iyada oo lagu tartamayo hanaan axsaabta siyaasadda badan (multiparty system).

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kana tiiraanyaysan masiibadii saaka Ex-control, waxuna tacsi la wadaagayaa umadda Soomaaliyeed ee waxyeelladu kasoo gaartay. Intii dhimatay allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna allaha u booga dhayo
https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1210888020397887489?s=09
Muqdisho, (CeelWaaq News) Diseembar 28, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.
Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.
“Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.
DHAMMAAD

مقديشو 2 جمادى الأولى 1441 – الموافق 28 ديسمبر 2019 (صونا) – يوم الـ8 من شهر فبراير عام 2017 ،كان بمثابة نقطة تحول في حياة الصوماليين داخل الوطن وخارجه ،فلقد كان بداية جديدة نحو عودة الحكم الرشيد وتغيير الصورة النمطية السيئة عن الصومال.
تعهد رئيس الجمهورية فخامة محمد عبدالله فرماجو ،في برنامجه الانتخابي بمكافحة الفساد واستعادة شرف وكرامه المواطن الصومالي في المحافل الدولية، وهذا ما تحقق على أعتاب العام الثالث لتوليه المنصب.
شرع فخامة محمد عبدالله فرماجو بعد فوزه في ررئاسة البلاد في البحث عن اختيار شريك يقود معه البلاد إلى بر الأمان وتعويض المواطنين عن سنوات العجاف التي شهدت حروب وصرعات أهلية أتت على الأخضر واليابس.
وقع الاختيار على دولة حسن علي خيري لتولي منصب رئيس الوزراء ،وتحقيق تطلعات وآمال الشعب الصومالي فكان خير اختيار.
وحرصاً على تحقيق آمال وتطلعات الشعب الصومالي والمضي قدماً نحو التقدم والازدهار ،حرص دولة رئيس الوزراء على تعيين وزراء ذوي كفاءة عالية وهمة تحقيق المنشود.
وأسندت حقيبة البريد والاتصالات والتكنولوجيا إلى معالي المنهدس عبدي عاشور حسن ،الذي بذل بدوره جهود حثيثة في تنمية هذا المجال الهام الذي شهد غياب الدور الحكومي منذ إنهيار الحكومة المركزية في عام 1991 م.
فمنذ سقوط الحكومة المركزية بقيادة الجنرال الراحل محمد سياد بري عام 1991 ،خرج نظام الاتصالات والانترنت من إدارة الدولة لتتولى هذه المهمة شركات خاصة .
وبدأ معالي المنهدس عبدي عاشور حسن في تهيئة البيئة المناسبة من خلال إعداد القانون الذي يعمل على قيادة زمام المبادرة .
كما شرعت الوزارة في عقد مؤتمرات تشاورية مكثفة مع شركات الإتصالات المختلفة،وأعضاء اللجان المختصة في مجلسي الشعب والشيوخ ومكونات المجتمع المدني من أجل إعداد قانون شامل.
وبعد إعداد القانون تم عرضه على مجلس الوزراء، وتم المصادقة عليه وتمريره إلى البرلمان.
صادق البرلمان الفيدرالي بمجلسيه الشعب والشيوخ على قانون الإتصالات الوطني تباعاً في الـ9 والـ21 من شهر أغسطس 2017 ،بعد أن ظل في أروقة البرلمانات السابقة قرابة 10 أعوام.
وتبع هذه الخطوة توقيع رئيس الجمهورية فخامة / محمد عبدالله فرماجو على القانون في الـ2 من أكتوبر نفس العام.
وكان لوزير الاتصالات والبريد والتكنولوجيا في الحكومة الفيدرالية معالي المهندس / عبدي عاشور حسن ،الذي اسندت إليه هذه المهة في شهر أبريل 2017 نصيب الأسد في تحقيق هذا الإنجاز الغير مسبوق بمجال الاتصالات في البلاد.
إنجازات وزير الإتصالات لاتخفى على أحد، فمنذ توليه مهام منصبه أخذ على عاتقة إحداث تغيير جدري في هذا المجال، وقام بعقد مؤتمر حول تنمية الإتصالات والتكنولوجيا في الـ6 من شهر 2017 ،الذي أفتتح أعماله دولة رئيس الوزراء السيد/ حسن علي خيري ، وبحضور وزراء في الحكومة الفيدرالية، ووزراء الاتصالات للولايات الإقليمية ، وممثلون عن شركات الاتصالات، ومدرسوا كليات الاتصالات والتكنولوجيا لدى الجامعات في البلاد.
وبعد تقديم وزارة الاتصالات القانون الخاص بها إلى مجلس الوزراء للمصادقة عليه وإجراء تغييرات طفيفة فيه ،من أجل تنظيم الإتصالات في البلاد،انطلق معالي/ عبدي عاشور حسن إلى دولة جيبوتي لتوقيع إتفاقية بهذا المجال.
وقد تركزت الإتفاقية المبرمة بين البلدين في الـ18 من شهر أغسطس 2017 على ثلاثة محاور رئيسية هي العمل سويا على تطوير كابلات الالياف البصرية “فايبر اوبتيك” لتفادي مشكلة انقطاع الإنترنت في البلاد، وكذلك تعاون الوزرتين في إدارة وتطوير مجال الاتصالات والتكنولوجيا لكلا البلدين وكذلك تبادل الخبرات والمهارات المتعلقة بالاتصالات لاسيما العمل على ربط أقاليم القرن الأفريقي والحفاظ على الأمن المعلوماتي ،بالإضافة إلى انعقاد مؤتمر إقليمي بحضور رئيسي الصومال وجيبوتي وبمشاركة جميع مسؤولي شركات الاتصالات المحلية في البلدين.
وفي الـ12 من أكتوبر العام الماضي نجحت الصومال في استعادة حق التصويت بالإتحاد الدولي للاتصالات بعد 34 عاماً.
جاء ذلك خلال مشاركة وزير البريد والإتصالات والتكنولوجيا في أعمال المؤتمر السنوي للاتحاد الدولي للاتصالات الذي عقد في العاصمة الأرجنتينية بوينس أيرس في الفترة من الـ9 ولغاية الـ20 من شهر أكتوبر 2017.
حيث نجحت الوزارة في إستعادة العضوية الكاملة في الاتحاد الدولي للاتصالات لأول مرة منذ عام 1983 ،ولك بعد أن توقفت الحكومة المركزية عن دفع المساهمات السنوية المترتبة عليها ، والتي تصل إلى 2,5 مليون،والذي حرمها من حق التصويت.
وبعد سلسلة جهود حثيثة بذلها مسؤولو وزارة البريد والإتصالات خلال الأشهر الأخيرة تمكنوا بنجاح من التوصل مع الاتحاد الدولي إلى إعفاء الصومال بملبغ قدره مليون ونصف على أن يتم سداد الباقي خلال عام.
وتمكنت الوزارة من سداد القسط الأول والمقدر بحوالي 80 الف دولار في نهاية شهر سبتمبر الماضي.
وأشار وزير البريد والإتصالات معالي / عبدي عاشور حسن في كلمته خلال المؤتمر إلى أن استعادة عضوية الاتحاد الدولي للاتصالات سوف تساعد الوزارة على استعادة الخدمات التي يقدمها الاتحاد.
وأضاف عبدي عاشور حسن أن هذه الخطوة من شأنها أن تسهل للاتحاد الدولي مساعدة الصومال في بناء البنية التحتية للاتصالات ،والتي لا يمكن لشركات الاستثمار فيها بشكل منفرد.
وأعرب وزير البريد الإتصالات عن شكره وتقديره لدولة رئيس الوزراء،ونائبه ،وكذلك شركات الاتصالات والإنترنت المحلية الذين ساهموا في دفع المساهمات المترتبة على الصومال.
وفي الـ9 من شهر مارس 2018 نجحت الوزارة في تسلم الرمز الوطني للانترنت (.So) بشكل رسمي ،والذي كانت تديره هيئة مستقلة .
وتقع مسؤولية إدارة الرمز الوطني للإنترنت على عاتق الهيئة الوطنية للاتصالات وفقا للمادة 54 من القانون الوطني للاتصالات.
وأشار رئيس الهيئة الوطنية للاتصالات عبدي شيخ أحمد إلى أن رمز الهاتف الدولي (252) والرمز الوطني للانترنت (dotSO) ملك للوطن مشددا على ضررورة إعادتهما إلى يد الحكومة الفيدرالية.
وفي الـ2 من شهر نوفمبر المنصرم وقعت الصومال وقطر اتفاقات خاصة بشأن الاتصالات الساتلية ،في العاصمة الدوحة.
جاء ذلك في إجتماع عقده وفد وزارة البريد والاتصالات والتكنولوجيا، برئاسة الوزير معالي المهندس عبدي عاشور حسن ، اجتماعات منفصلة مع وزير النقل والاتصالات القطري ، السيد جاسم بن سيف السليطي.
وستلعب الشراكة الجديدة بين البلدين دوراً هاماً في تمويل وإعادة بناء البنية التحتية للبلاد ، كما ستمكن تجربة قطر من أن تكون من أوائل الدول العربية للاستثمار في التكنولوجيا الحديثة”.
وأكد وزير البريد والاتصالات معالي عبدي عاشور حسن أنه ليس من الممكن تحقيق السياسة والاستراتيجية الوطنية للاتصالات والتكنولوجيا التي طورتها الوزارة مؤخرًا دون مساعدة الدول الصديقة لمساعدتنا في التكنولوجيا واستيراد التكنولوجيا الحديثة.
وفي الـ29 من نفس الشهر أجاز مجلس الوزراء في الحكومة الفيدرالية في اجتماعه الأسبوعي، محتوى السياسة الوطنية للاتصالات والتكنولوجيا المقدم من قبل وزارة البريد والاتصالات والتكنولوجيا.
وقد ركزت السياسية الوطنية للاتصالات الجديدة خلال السنوات الخمس القادمة تطوير خدمة الإنترنت بتكلفة منخفضة ، وإنشاء البنية الأساسية للاتصالات السلكية واللاسلكية ، وحماية بيانات المستهلك ، وتوفير الخدمات العامة في التعليم ، الصحة ، والأعمال التجارية ، والحكومة الإلكترونية. ، والصحة الإلكترونية ، الأعمال الإلكترونية ، الزراعة الإلكترونية، والتعليم الإلكتروني ، بناء نظام مالي قائم على الإنترنت ، وإنشاء المزيد من المعلومات باللغة الصومالية المتاحة على شبكة الإنترنت.
وفي الـ19 من شهر ديسمبر الجاري شارك وزير البريد والاتصالات والتكنولوجيا في الحكومة الفيدرالية ، معالي المنهدس عبدي عاشور حسن ،في أعمال الدورة الـ23 لمجلس وزراء الاتصالات والمعلومات العرب ،والذي عقد في العاصمة الرياض.
وكان معالي المهندس عبدي عاشور حسن ، قد التقى مسؤولي منظمة الاتصالات الفضائية العربية “عرب سات” ،في العاصمة السعودية الرياض ،والتي تعد جمهورية الصومال من الأعضاء المؤسسين للمنظمة .
وناقش الجانبان خلال اللقاء سبل استفادة الصومال من الأنشطة التي تقدمها منظمة الاتصالات الفضائية العربية ،وكذلك تقديم المساعدات الفنية للصومال في مجال تطوير الاتصالات.
وللحكومة الفيدرالية إنجازات عديدة لا تحصى ولا تعد في مختلف المجالات ،وتلك الإنجازات هي ناتج عن مدى التزام قادة البلاد في خدمة المجتمع الصومالي بكل تفان وإخلاص ،وتغيير الصورة النمطية السيئة عن الصومال ،وكذلك مواكبة العالم الذي تخلفت عن الصومالي حوالي 30 عاماً بسبب الحروب والصرعات الأهلية.
وقال رئيس الجمهورية فخامة محمد عبدالله فرماجو ،في مناسبة تدشين خطة التنمية التاسعة “من المهم أن نعالج المشاكل المتكررة التي ابتلي بها اقتصادنا وإنتاجنا “.
وهذا يدل على حرص قادة البلاد على التركيز من إيجاد الحلول الجذرية لجميع العقبات التي تقف أمام تقدم البلاد وازدهارها.
بقلم : الكاتبة الصحفية حفصة أحمد عامر.

Mogadishu (CeelWaaq News) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kormeeray isgooska EX Contoralka Afgooye oo ah goobta subax nimadii saakay ay argagixisada ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo badnaa Arday.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha dhimashada iyo Dhaawaca ay aad u badan yihiin maadaama goobta uu qaraxa ka dhacay ay aheyd sgoos aad u mashquul badan.
Guddoomiyaha Cumar Filish waxa uu sidoo kale sheegay in dhagarqabihii Is qarxiyay uu damacsanaa inuu gudaha magaalada galo hasa’ahaate ciidanka amniga ayaa is hortaag ku sameeyay oo isku dayay iney gaariga hubiyaan sidaas darteedna uu goobta isku qarxiyay.







Shirweynihii 3aad ee dhalinyrda gobalka gedo oo hada ka socda Mogadishu.

Mogadishu (CeelWaaq News) Madaxwaynaha Turkiga Ordegan ayaa daah furay Munaasabad lagu soo bandhigay gawaari cusub oo ku shaqeeya Tamarta korontada Kuwaasoo lagu sameeyay Gudaha Dalka Turkiga.
Mashruucan ayaa la sheegay saami ahaan inuu noqon doono aduun dhan
50Bilion.EURO. .

Mogadishu (CeelWaaq News) Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanka Axmadeey Abuubakar A-Camaari oo ka tirsanaa Hobollada Qaranka ee Waaberi.War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay marxuum Axmadeey Abuubakar A-Camaari.Geerida fanaanka waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa oo sheegay inuu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana marxuumka uu u geeriyooday xanuuno uu mudooyinkan la tacaalayey oo ay wehliyeen duruufo kale oo dhanka nolosha ah, iyadoo fanaanku ahaa nin indho la’aa illaa xiligiisii dhallinyaranimada.
Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrewaxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta.
Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018.
Guulahan ayey wasaarraddu sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u higalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga, iyada oo hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan, kana faahfaahsan xogihii hore ay heshay, ayna la fal gashay ciidanka Xoogga iyo kuwa Booliska oo gudaha magaalooyinka iyo howdkaba kula dagaallamay argagixisada.
Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka

Mogadishu (CeelWaaq News) – Governaha Mandera Country Ali Ibrahim Roba aya soo dhoweyay Shirka Ka socdo Degmada Takaba ee Dhalka Kenya ”Alhamdullillah, maantana waxaan soo gabagabeyney safar dheer oo dib uheshiisiin ah oo ka yimid beesheena Gurreh ka dib dagaalkii ka dhacay doorashadii guud ee 2017 ka dhacday xaflad si wanaagsan loo soo agaasimey oo lagu qabtay Takaba, gobolka Galbeedka Mandheera. Safarkan wuxuu qaatay labo sano laakiin maanta insha allaahu waxaan ku guuleysanay inaan si guul leh oo dhab ah ku wareejinno is gacan qabashada weyn ee dadkii soosocda. Insha’Allah, waxaan ku dadaali doonnaa in aan dhiirrigelino oo taageerno dhammaan bulshooyinka Mandheera ee ka soo jeeda qabiilooyinka kale ee si isku mid ah u saameeyay qaybta siyaasadeed si loo heshiisiiyo”.

Muqdisho, (CeelWaaq News) Diseembar 26, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed.
Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.
DHAMMAAD

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir gudoomiyay Shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda bilic soo celinta nadaafada tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa duqa muqdisho waxaa ay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.

Qorax madoobad ayaa laga arkay meello kamid ah caalamka. Magaalada Hargeysa ayaa kamid ah meelaha dadka muslimiinta ahi salaada ka oogayaan. Magaalada aad joogto saaka kawaran.? Ma aragtay Qorax madoobaadka.?!



Sheikh Yasir Dossary delivering a speech after the prayer during the solar eclipse.


Mogadishu (CeelWaaq News) – Solar eclipse appears in two shots,one in completion,and the second is in the decline.


Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeeyb galay munaasabad lagu guddonsiinayay abaal marinno 14 qof oo hal abuur ku soo kordhiyay magaalada Muqdisho oo ay soo agaasintay Muqdisho Award 2019.




Dareenka shucuurta ee sh.Mohamud intii lagu jiray furitaanka Shirka Dib-u-heshiisiinta Garre





Mogadishu (CeelWaaq News) – Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa waxa uu maanta la kulmay Madaxda Wasaaradda Xajka iyo Cumradda Sacuudiga waxayna isla saxiixeen heshiis Xajka ee Sanadka soo socda 1441/2020
Labadda Masuul ayaa isla afgartay in ay xaliyaan caqabadihii hore ee sanadkii hore so Xajkan 2020 uu u noqdo mid wax badan ka badalan kii hore













Mogadish (CeelWaaq News) Sawiro- Sannadkan sii idlaanaya ee 2019-ka waxaa kordhay Danjireyaasha ka mid noqonaya bahda diblomaasiyiinta ka hawgala dalkeenna, taas oo muujinaysa dib u soo laabashada maqaamka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin caalamka.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu sannadkan 2019 ka guddoomay waraaqahooda Aqoonsiga Danjireyaal dalalkooda uu xiriir taariikhi ah kala dhexeeyo waddankeenna. Taasi waxay ka tarjumaysa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ku dhisan iskaashiga iyo is-ixtiraamka qarannimo ee dalalka iyo shucuubta danwadaagta ah.
You must be logged in to post a comment.