
JADWALKA DOORASHADDA
- Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)
- Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
- Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)
- Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
- Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
- Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
- Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)
Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:
- Goluhu oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
- R/Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.
