Mogadishu(CEELWAAQ NEWS) Madaxii Shirkadda Camel Forex ee xarunteeda tahay Magaalada Muqdisho ayaa saaka wuxuu ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Mohamed Abdi Bulle oo ah Madaxa Shirkadda Camel Forex ayaa waxaa la xaqiijiyay inay wada socdeen Ali Muumin oo ah madaxa Maaliyadda Camel Forex.
Xubno ka tirsan Shirkadda Camel Forex ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inuu jiray waayihii dambe Khilaaf ka dhex taagnaa madaxda Shirkadda, kadib markii Maxamed Buule uu isku dayay inuu la baxsado dhaqaale badan.
Ugu dambeyn qorshihii Maxamed Buule madaxa Shirkadda Camel Forex ayaa u suuragalay wuxuuna horay u sii watay ninkii Maaliyadda u qaabilsanaay Shirkadda, waxaana ay u baxeen dalka Turkiga iyaga oo ka sii aadi doona dalka Cyprus.
Dhaqaalaha Shirkadda Camel Forex ay Bulshada u haysay ayaa sidaasi waxaa kula goostay Maxamed Buule & Ali Muumin oo qorshahooda uu yahay inaysan dib ugu soo laaban Muqdisho.
Waayihii dambe waxaa jiray Shirkadda ka shaqeeya Forex oo lacago kala duwan shacabka kala goostay, kadib markii ay sheegeen in la khasaaray, qaarkoodna la waayay meesha ay aadeen.
Shacabka Somaliyed ayaa dhawr mar looga digay arrimaha la xiriira Shirkadaha Forex ee Muqdisho ku soo badanaya, kuwaasi oo ujeedkooda yahay dhaqaalaha Bulshada inay dhacaan.
